Washington 05.June 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne Obama ayaa qorsheynayo in uu ku dhawaaqo safiirkii ugu horreeyay ee uu Mareykanka u diro waddanka Soomaaliya tan iyo markii dalkaasi uu ku hoobtay dagaal sokeeye muddo ka badan labaatan sano.
Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, Wendy Sherman, ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay muujinayso xiriirka qotada dheer ee uu Mareykanka la leeyahay Soomaaliya iyo kalsoonida ah in mustaqbal wanaagsan uu ka horreeyo dalka Soomaaliya.
Inkastoo labadani dal aanay weligood xiriirka isu jarin, haddana Mareykanka ayaa albaabada u laabay safaaraddii uu ku lahaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadkii 1991-kii, laba sano kaddibna siddeed iyo toban ka tirsan ciidammada Mareykanka ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya dagaal ay la galeen maleeshiyo beeleed, taasi oo sababtay in Mareykanka uu ciidamadiisa halkaasi kala baxo.
Haddaba waxaanu arrintaas BBC ka Waraysatay Dr Sacad Sheekh Cismaan Nuur oo falanqeeya arrimaha gobolka.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SafiirkaSomalia05J.mp3″]
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARBIXINTAN
Washington SDN/QJ
