Muqdisho:09-March-2014 (SDN)-Siyaasiga caanka ah eek a soo jeeda Somaliland, balse aaminsan Mabda’a soomaaliweyn, isla-markaana soo noqday Taliyihii ciidankii xoogga dalka somaliyeed xilligii madaxweyne Maxamed siyaad Barre, ayaa sheegay in soo gelitaanka ciidanka Ethiopia ee Somalia aanay wax faa’iido ah soo kordhin doonin.
Jaamac maxamed Qaalib ayaa si cad u sheegay inuu aaminsan yahay inaanay ciidanka Ethiopia ee haatan AMISOM ka mid noqday aanay waxba ka tari doonin nabadgelyo darrada dalka ku habsatay.
Isagoo la hadlaayay Idaacad Maxali ah oo ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay Ethiopia in ay mar kasta ka shaqeyso siddii ay Soomaaliya ku burburi lahayd.
“Ethiopia waxa ay markasta ku dedaaleysa siddii Soomaaliya aaney ku deggi lahayn, waana arrin la ogyahay, oo ay xittaa dowladda hadda jirta ogtahay oo aan indhaha laga qarsan karin” ayuu yidhi siyaasiga Jaamac Maxmed Qaalib.
Waxaa uu sheegay in aanu u arkin Ethiopia in ka shaqayneyso Soomaaliya in ay degto, isagoo sheegay dastuurka Soomaaliya ay leedahay in ay soo dejisay Xabashi, isagoo xusay in nidaamka federalka ee Somalia laga hirgelinayaa uu yahay mid Ethiopia faa’iido weyni ugu jirto.
Mar Idaacadda Goobjoog wax ka waydiisay waxa uu ku caddaynaayo, wuxuu sheegay inuu darsay dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla in afar qoddobo mooyee inta kale ay soo samaysay dowladda Ethiopia.
Mar uu ka hadlaayay qoddobada dowladda Soomaaliya ay ku lee dahay, wuxuu sheegay in ay yihiin afar qoddob oo kala ah, Arrimaha dibedda, gaashandhigga, baasaboorada iyo maaliyada, waxana uu inta kale ee Distorka Somalia ku sheegay inay Ethiopia iska samaysatay.
Ugu dambayntiina General Jaamac Qaalib ayaa sheegay inta Ethiopia loo ordaayo in waligeed aaney Soomaali dhibka ka bixi doonin.
Jaamac Maxamed Qaalib oo si weyn looga yaqaano Guud ahaanba meelaha somalidu degto ayaan keli ku ahayn fikirka ka dhanka ah Ethiopia, waxana jira siyaasiyiin badan oo soomalida caanka ah oo ka soo horjeeda ciidanka Ethiopia ee haatan Somalia soo galay.
S.D.N
