Burco 22.July (SDN) Wasiirka madaxtooyada somalialnd mud,Xirsi Cali X.Xasan oo socdaal shaqo ku jooga Xarunta Gobolka Togdheer ayaa maanta dhagax dhigay dhisme lagu kordhinayo dugsiga Qaadi -maxamuud ee magaalada Burco.
Munaasibadda dhagax-dhigan dhismaha lagu kordhinayo Dugsiga Hoose Dhexe Qaadi-` Maxamuud oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta heer degmo iyo Gobol,ayaa hadal uu ka jeediyey maayirka magaalada Burco dhagaxdhigaasi Mud, Maxamed Yusuf Cabdi-(Muraad)-,ayaa waxa uu sheegay in dhismahan ay maal gelinayso dawladda Hoose. Talaabadaas oo ay kaga qayb qaadanayso dhinaca baahiyaha wax-barashad ee Degmada.
Maamulaha dugsiga oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dhismahani uu wax weyn ka tarayo baahidii dugsiga ee dhinaca fasalada dugsiga iyo qaybihiisa kale.
Wasiirka madaxtooyada Mudane,Xirsi oo isna ka hadlay munaasibadda dhagax-dhiga ayaa xusayin talaabadani ay ka tarjumayso siyaasadda dawladda ee la xidhiidha wax ka qabashada baahiyaha dhinaca w ax-barashada.
Burco SDN.
Qurbejoog.com
