Uncategorized

Wasiirka Waxbarashada Marwo Zam Zam Cabdi oo Warbixin Faahfaahsan Siisay Golaha Wakiilada {DHAGAYSO}

Hargaysa 03.June (SDN) Wasiiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Zam Zam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in deeqaha waxbarasho ee ay wasaaradu hesho ay si cadaalada u qaybiyaan una sameeyeen guddi ka hawlgasha arintaas.

Hadalkan ayay Wasiirku ka Sheegtay Mar ay Maanta Warbixin Siinaysay Golaha Wakiilada ee Somaliland,Wasiirka Waxbarashadu waxay ku dheeraatay dadaaladii kala duwanaa ee ay Sameeyeen Mudadii ay Xafiiskan Joogtay,Waxaanay Cadaysay inay u kuurgaleen Tayada  jaamacadaha dalka  iyo sida ay u buuxiyeen shuruudaha ay wasaaradu uga baahan tahay iyada oo intaas ku dartay in Hawshaas  ay Weli ku  lagu guda jiro .

Wasiir Zam Zam waxaa Warbixinteedaas ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye waxaanay ka jawaabeen Su’aalo ay Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ka Weydiiyeen arrimo door ah oo ku wajahan dhinaca Waxbarashada.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/ZamSam03.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com