|

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda C.casiis Maxamed Samaale oo Cadeeyey inaanu Jirin inuu Ka Tanaasuley Hankiisii Murashaxnimo,Dhacdooyin badana ka Sheekeeyey DAAWO

Hargaysa 30.Sep 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa ka hadlay Hankiisa Murashaxnimo waxaanu sheegay in aanu ka tanaasulin Hankiisi Murashaxnimo .
Waxaanu intaasi ku daray Samaale in uu yahay Murashaxa Kowaad ee U tartamayaa Jagada Murashaxa Madaxweyne Kulmiye .
Sidoo kale Samaale ayaa meesha ka saaray in uu ka hadhay Hankiisi Murashaxnimo waxaanu carrabka ku adkeeyay in uu Hankiisi halkii yahay isla markaana uu tartami doono .
Loolanka Kaadiriinta kulmiye ayaa si wayn looga dareemaya saaxadda siyaasadda Somaliland iyadoo bulshadu si wayn u faaqidayso xumadda kulmiye .
Ilaa Hadda waxaa Hankooda murashaxnimo Cadeeyay Siyaasiyiinta kala ah , Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe , Muuse Biixi Cabdi , C/casiis Samaale , Maxamed Biixi Yoonis .

Comments are closed