|

Fannaaniintii Xidhnaa ee Kooxda Xidigaha Geeska oo Markii u horaysay ka hadlay Dareenkooda ku aadan Xadhigooda iyo Aragtidooda ku Wajahan soo dayntooda DAAWO

Hargaysa 30.Sep 2015 (SDN/QJ)- Kadib Markii Maanta Xoriyadoodii ay dib u heleen ayaa Laba ka Mid ah Fannaaniinta Xadigaha Geeska ee Ku Xidhnaa Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargaysa Waxay ka Warameen aragtidoodda ku aadan Xadhigooda,Tegitaankii Magaaladda Muqdisho Iyo Dareenkii dadweynaha ee Ka damqaday Xadhigii ay Xukuumadda iyo Laamaha amaanku u gaysteen iyo Weliba qaabkii loola dhaqmay Mudadii ay Xabsiga ku Jireen.

Gudoomiyaha Kooxda Xidiga Geeska Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa sheegay in Qaybta Dembi baadhista ee Boolisku ay ku Guul daraysteen inay Maxkamadda Hor keenaan Dacwad rasmi ah oo Xubnahan la Xidhiidha.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Bakaal iyo Nimcaan Hilaac oo ka Mid ahaa Afarta Fannaan ee xidhnaa ayaa ka waramay sidii ay wax u dhaceen.

 

Comments are closed