|

Xeeladda Waddani, Xujada Ucid Iyo Xabeebta Kulmiye Iyamaa Xiiqtiran doona

Hargeysa, 22 Feb 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa soo jeediyey in la kala diro xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isla markaana xukuumad ku-meel-gaadh ah la soo dhiso haddii aan talo-qaran oo loo dhan yahay laysaga iman, go’aan cadna laga qaadan haddii wakhtiga doorashadu dib uga dhacdo 26-ka bisha June ee sannadkan oo qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada hore loogu muddeeyey.

Gudoomiyeyaasha Xisbiyada dalkaGuddoomiye Cirro waxa uu sheegay inaanay jirin duruuf khasbaysa dib-u-dhac ku yimaadda doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilladda Somaliland iyo muddo-kordhin Xukuumadda loo sameeyo, waxaanu taas ku tilmaamay xil-gudasho la’aan Xukuumaddu ku kacday dib u dhac kasta oo ku yimaadda Xukuumadda, isagoo intaa ku daray inaanay WADDANI ahaan aqoonsan doonin Xukuumadda marka muddada sharciga ah ee Madaxweynuhu dhammaato.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa uu shacbiga ugu baaqay inay horjoogsadaan tallaabo kasta oo lagu suurto-galinayo muddo-kordhin xukuumadda loo sameeyo, isaga oo dhinaca kale Golaha Guurtida ugu baaqay inaanay xukuumadda u horseedin muddo-kordhin ay xilka ku sii hayso wixii ka dambeeya 26-ka bisha June.

Cabdiraxmaan Cirro oo maanta ka hadlayey munaasibad Munaasibad Xisbiga WADDANI ku qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ugu horeyn ka hadlay mowqifka xisbiga Waddani ee doorashooyinka, waxaanu yidhi, ““Xisbiga WADDANI, waa daneeye muhiim ah oo u taagan in la qabto doorasho Xor ah oo Xalaal ah oo xilligii Dastuuriga ahaa ku dhacda. Xisbiga WADDANI, wuxuu ku guubaabinayaa daneeyeyaasha doorashada, inaan marnaba laga leexin yoolkoodii ahaa in doorashooyinku wakhtigoodii dastuuriga ahaa ku qabsoomaan. Waxa kale oo Xisbiga WADDANI ku boorrinayaa daneeyeyaasha doorashada in Madaxweynaha iyo Xukumaddiisa lagala Xisaabtamo wixii dib-u-dhac ah ee ku yimaadda doorashooyinka.

Xisbiga WADDANI, wuxuu qabaa inay xaqiiqo tahay dib-u-dhac kasta oo ku yimaadda doorashada, inaanay ahayn arrimo farsamo, balse uu ku yimid Siyaasad ula-kac ah iyo Istaraatijiyad Madaxweynaha iyo Xukumaddiisu wataan.

Xisbiga WADDANI, waxa uu si adag ugu baaqayaa in Golaha Guurtidu ka waantoobo muddo-kordhin aan Dastuuri ahayn, oo lagu asturayo Madaxweyne, Xukuumad iyo Gole Xilalkoodii Dastuuriga ahaa gabay oo doorasho xilligeedii ku qaban waayay.

Xisbiga Waddani, wuxuu Shacbiga ugu baaqayaa inay Is hortaagaan Talaabo kasta oo loogu Hollado in la hor istaago Xaqooda Dastuuriga ah, oo ah inay Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ku bedelaan sanduuqa Codbixinta balse aan lagu bedelin Muddo-kordhin Cid aan xaq u lahayni samaysay.

Haddii Xukuumadda iyo Madaxtooyada Somaliland, si badheedh ah oo qaawan u hor-istaagaan in doorashooyinku ku dhacaan Xilligoodii Dastuuriga ahaa, lana helin Xal lagu heshiiyay ka hor 26-ka June, wuxuu Xisbiga WADDANI soo jeedinayaa in Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada la kala diro, lana dhiso doorasho xilkeedu yahay inay doorasho xor ah oo xalaal ah dalka gaadhsiiso wakhtiga ugu gaaban ee suuro galka ah.

Baryahan waxaa la is waydiinayay Guddoomiyuhu miyuu iscasilayaa? Waxay ila tahay taasi su’aal maaha ee waa Hal-xidhaale, waxaanan ka jawaabayaa marka Madaxweynaha Somaliland Digreeto ku soo saaro xillliga doorashada la qabanayo.

Xisbiga WADDANI, waxa uu Bulshada Caalamka iyo Shacbigaba ugu baaqayaa in Cidkasta oo Carqaladaysa ama is-hortaagta doorashooyinka loo aqoonsado fidmo-wade. Qodobkani wuxuu si toos ah u saamaynayaa Xisbiyadda Qaranka, waddanina ha noqdee,Xukukmadda,Madaxtooyada iyo Goleyaasha xeer dejinta.

24 Sanno oo Somaliland dawlad ahayd kadib waxaynu Iibinay Warshaddii Laydhka Hargeysa, waxaynu iibinay Wershaddii Laydhka Berbera, maantana waxay dul-taagan tahay Dekeddii Berbera. Khudbaddihii Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa in Xukuumaddu iibinayso inka badan 500 Guri oo Ingiriiska aynu ka dhaxalnay.

Malaha wax kale maynu dhisannee, Xukuumaddu imisa guri ayay dhistay? Khubaddaha Xukuumadda waxaan ku arkayay 19 Guri ayay dhistay, 500 way iibisay, waxaan is weydiiyay su’aal qudha oo ah tolow halkan Qaranka dalooshantay ee u baahan in wax lagu guro waa halkee?.” Sidaa ayuu Khudbaddiisa ku yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDAIN Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro).

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cali Guray ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay, in mawqifka xisbiga UCID yahay, in la kala diro Golaha Wakiiladda iyo Xukuumadda marka la gaadho 26 juun, haddii ay doorasho dhici waydo, isla markaana wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay, inuu soo dhiso xukuumad lagu kalsoonaan karo oo doorasho qabata.Dhawaaqyada labada xisbi mucaarid ayaa muujinayaa, isu soo dhawaansho iyo midow xaalada dalka, waxaana la sheegayaa in maanta ay soo wada saari doonaan war murtiyeed.

Dhinac kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay In xukuumaddu dhammaystirtay dhammaan shuruudihii dhinaceeda kaga xidhnaa qabsoomidda doorashooyinka dalka, sidaas awgeedna aanay masuuliyaddeeda lahayn haddii dib-u-dhac ku yimaaddo doorashada.

Muuse Cabdi waxa uu masuuliyadda dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka dusha ka saaray Goleyaasha Sharci-dejinta, gaar ahaan guddoomiyaha Golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu isaga ku eedeeyey inuu ka cago-jiiday dhaqan-gelinta shuruuc uu sheegay inay ku baaqdeen xafiiskiisa.

Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirrada oo uu khudbad ka jeediyey, waxa uu ka jawaabay baaqyo mucaaradku ugu jeediyeen xukuumadda inay is-casisho isla markaana la dhiso xukuumad ku-meel-gaadh ah maadaama muddo-xileedkeedu ku egyahay bisha lixaad ee sannadkan, waxaanu sheegay in xukuumaddu sii-wadanayso hawlaheeda.

Muuse Biixi oo ka hadlayey arrimaha Doorashooyinka, “Dimuraadiyadu waji gaar ah ayey u leedahay dal kasta iyo dadkiisa, sababta oo ah waxa ay ka soo dhexbaxdaa habka dhaqan-dhaqaale, diimeed, taariikheed iyo isdhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.

Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimuqraadiyada ee faa iidada inoo leh. Laba ka mida tiirarkaasi waa:-

In golayaasha qaranka iyo Dawladaha hoose ku yimaadaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hogaansanaadaan rabitaanka codbixiyeyaasha

In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii

Hadaba xisbiga iyo xukuumaddu, gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimahaa ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aaddanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa sadex qodob.

Intaa waxaa dheer in madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargarowga doorashooyinka (latter of commitment) 17/11/2013.

Waxaa hubaal ah in madaxweynaha ka gudbeen qodabadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xanibmeen xafiiska gudoomiyaha wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta sadexda qodob.”

Mar uu ka hadlayey mowqifka xisbiga Kulmiye ee doorashooyinka, waxa uu sheegay In komishanku leeyahay awoodda wakhtiga doorashada la qabanayo, In kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo, waxaanu yidhi, “{Hadii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keliya ayaa la gudboon, kuwaasi oo kala ah; Maxaa innaga khaldamay? iyo sidee ugu fiican ee doorashada u qabsanaa, labadaana waxaa loo raacayaa sharciga, midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cidkasta oo dood qabtaa waa in aanay ka bixin xayndaabka sharciga

Haddiii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku, waxa ay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u degen.”

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Xisbiga Kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo baanisuhu yihiin dabeecadaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxa iyana ka mid ah dhaqanka dimuqraadiyadda in isu caqli celin iyo isqancin lagu gaadho talo la isla qaato.

Waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynayo hawlaha qarankan naf iyo maalba loo soo huray,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed