|

Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud oo daah-furay horyaalkiisa 30-aad

Muqdisho Nov 30,2014(SDN/QJ)-Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah-furay Horyaalkii 30-aad ee Ciyaaraha fudud, iyadoo furitaanka Horyaalkana loo qabtay Munaasabad ballaaran oo ay marti sharaf kala duwan kasoo qaybgaleen.

Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Banadir ayaa la isugu keenay Ciyaartooy isugu jira Gabdho iyo Wiilal oo ka kala socda Naadiyo 9 gaaraya oo Xiriirka u diiwaan-gashan, kuwaas oo ku tartamaya horyaalka.

Munaasabadda daah-furka Horyaalka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Ku simaha Guddoomiyaha XIriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud Marwo. Khadija Aadan Daahir, Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Mustafa Cabdicasiis Maxamed, Xoghayaha guud ee Xiriirka Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley, iyo mas’uuliyiin kale oo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada kale ee Ciyaaraha dalkeena ka socday.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley) ayaa hadalkii furitaanka ee munaaasabadda qaatay si uu sharraxaad ugaga bixiyo Horyaalkan furmaya iyo qaabka uu ku socon doono. Wuxuuna Xoghaye Dhaaley tilmaamay in Horyaalka uu ka koobnaan doono Tartammo dhowr ah oo ka tirsan kuwa ay Ciyaaraha fudud caanka ku tahay, sida qaybaha orodka ee 200m, 400m, 800m, 1500m, 500m, 10,000m, Qori isku dhiibka (Istaafeeto 4X100m) iyo Boodada hoose.

Xoghayaha ayaa intaas raaciyay in Horyaalka uu socon doono inta u dhexeysa 29-ka Bishan November oo maanta ah illaa 2-da December, wuxuuna xusay inay Ciyaartoyda tartamaysa mudadaas isugu jiri doonaan Gabdho iyo Wiilal ka kala socda Naadiyada Ciyaaraha fudud.

Geesteeda, Kusimaha Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha fudud Marwo Khadiija Aadan Daahir ayaa hadal ay iyadana furitaanka Horyaalka ka jeedisay waxay ku sheegtay in Sanadkan ay Kooxaha tartamayaa yihiin kuwo si wayn isugusoo diyaariyay ku loolamitaanka guusha, iyadoo ku guubaabisay Ciyaartoyda inay dadaal dheeraad ah bixiyaan si ay kartidooda usoo bandhigaan.

Xaaji Coloow oo Magaca Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ku hadlay ayaa isagana wuxuu ku amaanay Xiriirka Ciyaaraha fudud howl qabadka uu sameynayo oo ay tilmaan u tahay horyaalka sida quruxda badan loosoo qaban-qaabiyay ee maanta furmay. Wuxuuna Xaajigu ballan-qaaday in GOS ay had iyo jeer garab taagnaan doonto Ciyaaraha fudud si la mid ah sida ay u garab taagantahay Ciyaaraha kale ee Olombikada hoos yimaada.

Iskusoo duube, Wajigii koobaad ee Horyaalka ayaa maanta si hagaagsan kusoo dhammaaday, waxayna Ciyaartoydu ku tartameen Waq-dhacyada kala ah 200m iyo 800m oo Gabdho iyo Wiilalba ay dheelayeen.

Download DSC00654.JPG (280.4 KB)Download DSC00661.JPG (238.1 KB)Download DSC00668.JPG (264.6 KB)Download DSC00675.JPG (228.1 KB)Download DSC00676.JPG (208.0 KB)Download DSC00685.JPG (231.2 KB)Download DSC00691.JPG (228.7 KB)Download DSC00698.JPG (210.4 KB)Download DSC00714.JPG (248.5 KB)Download DSC00715.JPG (209.1 KB)Download DSC00717.JPG (232.5 KB)Download DSC00731.JPG (150.9 KB)Download DSC00732.JPG (183.3 KB)Download DSC00733.JPG (192.4 KB)

 

Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley)

Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Sports-ka Soomaaliyeed SSPA

Comments are closed