Guddiga Doorashooyinka oo Qoraal u diray Madaxweynaha Somaliland iyo nuxurka baaq muhiim ah oo ay soo-jeediyeen
Hargeysa 11, March 2013 (SDN)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay in loo hawlgalo hirgelinta diiwaangelinta kahor doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha KDQ Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) oo horaantii bishan qoraal ku socodsiiyay Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu tilmaamay waxyaabaha qabyo-tirka u baahan, si loo hirgeliyo diiwaangelinta ka hor doorashooyinka soo socda oo iyaga laftoodu…
