Home » 8:09 pm Entries posted on “April, 2022”

Jaamac Yare oo maanta Toon lagu aasay

Hargeisa (SD) – Waxa maanta lagu aasasay Qaran loogu sameeyay xabaalaha Toon ee duleedka magaalada Hargeysa General Jaamac Maxamed Qaalib oo dhawaan ku geeriyooday dalka Jabuuti. Marxuum Jaamac oo si weyn looga yaqaano dhulka Soomaalida guud ahaan ayaa aaskiisa waxa ka qeybgalay madaxda dawlada Somaliland iyo hogaanka Axsaabta Qaranka. Marxuumka ayaa taariikh hogaamineed ku lahaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Biixi oo war ka soo saaray khilaafka soo kala dhexgalay guddida doorashooyinka

Hargeysa (SD) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay hadal yaab leh ka soo saaray khilaafka hareeyay hogaanka Guddida Doorashooyinka Somaliland. Guddida ayaa shalay soo saaray qoraalo lidi isku ahaa oo sheegay in xilkii guddoomiyenimo laga qaaday Cabdirashiid Riyo-Raac isla markaana ay xilkaa u doorteen Katuun Cabdi. War uu maanta soo saaray […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Lacago loo qeybiyay Ganacsato ku hanti beelay Suuqii Waaheen

Hargeysa (SD) – Madaxweyne-Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Wejiga Labaad Ee Qaybinta Dhaqaalihii Loogu Talo Galay Dadkii Ku Caydhoobay Dabkii Suuqa Waaheen. Hargeysa-28-04-022-()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wejiga labaad ee dhaqaalaha loogu celinayo ganacsatadii hantidooda ku waayey masiibadii dabka ee dhawaan ku habsatay suuqa Waaheen […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

daawo: Lacagtii Soomaaliya ugu deeqday dadkii hantidooda ku waayay Suuqa Waaheen xageey ku danbeysay?

Hargeysa (SD) – Guddida Gurmedka Suuqa Waaheen oo ka warbixiyay xisaabaadka soo xarooday iyo kuwa baxay ilaa iminka. Sidoo kalena waxa aaney ka hadal lacagtii dhawaan Soomaaliya ku wareejisa

Posted in Features,Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddoomiyiha Komishanka Somaliland oo ka hor yimi xilka qaad lagu sameeyay

Hargeysa (QJ) – Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Cabdirashid Riyo raac oo saaka xilkaa laga qaaday ayaa sheegay in uu weli isagu yahay Guddoomiye. Shan xubnood oo ka mid ah guddidda doorashooyinka ayaa saaka shaaciyay in ay xilkii ka qaadeen Riyo Raac ayna Doorteen Kaltuun Cabdi. War lagu faafiyay boga Gudddida isla markaana loo qeybiyay saxaafada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii qulqulaya xerada Afisiyooni

Mogadisho (QJ) -Tirada xildhibaanada gaaraya xerada Afisiyooni ee loogu balanshan yahay doorashada gudoonka Baarlamaanka 11aad ee Soomalaiya ayaa sii kordheysa. Xildhibaanad ayaa la sheegay in ay galabta ilaa fiidkii caawa ay halkaa gaareen ka dib kolkii meesha laga saaray caqabad amni oo la sheegay in ay jirtay. Xildhibaanada ayaase la soo sheegayaa in ay ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Noloshii Jaamac Maxamed Qalib – 1932 ilaa 2022.

27 April, 2022 – qalinka: M. Haaruun. Janaraal Jaamac, oo ay dhaleen Maxamed Qaalib iyo Xaadsan Yuusuf, waxa uu ku geeriyooday sagaashanada cimrigiisa. 1931 ilaa 33 intii u dhexaysay ayuu ku dhashay miyiga Ceerigaabo, meel la gu magacaabo Buur-carmo, xalay 26 April, oo ku began 25 ka Ramadaan baanu Jabuuti ku geeriyooday. Laba usbuuc ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Rooble oo ATMIS amar ku sii yay in ay Afecione sugaan

Genève (QJ) – Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo haatan booqanaya magaalada Geneva ayaa sheegay i uu faray ciidamada ATMIS/AMISOM iney la wareegaan amaanka xarunta teendhada Afisiyooni oo la filayo in beri lagu qabto doorashada gudoonka golaha shacabka BFS. “Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Puntland: Axmed Karaash oo markale ka horyimi Deni

Garoowe (SD) – Khilaafkii dastuuriga ahaa ee u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa cirka isku shareeray. Kusimaha madaxweynaha Axmed Karaash ayaa mar kale ka hor yimi amar uu soo saaray Madaxweyne deni. Halkan hoose ka akhri Fariin uu Axmed Karaash soo dhigay bartiisa Facebook: Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

DAAWO: Suxufi Xasan Galaydh oo sheegay in ilaa xeerka Saxaafada la hirgeliyo Suxuufiyiinta Somaliland waa Xarig u joog

Hargeysa (QJ)- Suxufi Xasan Galaydh oo ka mid ahaa Suxuufiyiin 15 ahaa oo Hargeysa Lagu xidhay ayaa nooga waramay caqabadaha Ku geedaaman Suxuufiyiinta Somaliland iyo sida xal loogu heli karo tacadiyada lagula kaco Warbaahinta.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »