London 09March14 (SDN)Taageereyaasha Xisbiga Mucaaridka ee UCID ee Dalka UK ayaa waxa ay soo dhaweyn balaaran u sameeyeen masuuliyiinka tirsan xisbiga UCID oo booqasho ku jooga wadankan oo u ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Gurey,Xoghayaha Maaliyada Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga UCID.xafladan oo ay soo qaban qabiyeen Madaxda Xisbiga ee laanta uk iyo yurub ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid gobolada waxa laysla gartay in wada shaqayn buuxda iyo sidii loo dardar galin lahaa laanta Uk oo halbawle u ah. Gudoomiyaha Sadexaad ee xisbiga ayaa waxa uu u mahad celiyey soo dhawayntii uu kala kulmay reer uk oo ilaa hada aanu soo koobi karin sidana ugu mahad celiyey. xoghayaha Maaliiyada ayaa iyaduna dardaran koban u soo gudbisay sidii ay xubnaha xisbiga isku diyaarin lahayeen doorashada soo socota guulna looga soo hayn lahaa .







