Uncategorized

Waxgaradka Deegaanada lughaya Oo Si Weyn Uga Soo Horjeestay qaxooti Wasiirka Dibudejinta Somaliland Sheegay In Djibouti Laga Soo Rarayo

Lughaya:09-march-2014(SDN)-Waxgaradka Deegaanka Lughaya ee Somaliland ayaa si kulul uga horyimi dhaqdhaqaaqyo uu wasiirka dib u dejintu ka wado deegaanada xeebaha Somaliland uu sheegay inuu qaxooti ka soo celin doono dalka Djibouti.

luglugOdayaashan oo shalay shir jaraa’id ku qatay deegaankaas ayaa sheegay inaanay jirin wax qaxooti ah oo deegaanada Lugahay iyo Saylac kaga maqan dhinacca Djibouti.

Caaqil maxamed jaamac oo ka mid ah waxgaradka deegaanka oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi,

“Waxba kama jiraan dadkan nalagu soo gurayo, waana wax umaddii dalka taallay lagu baabi’inayo dadka halkan degi jireyna waa qaar la garanayo, arrintanina waa siyaasad qarsoon oo wax ku hoos jiraan. Arrintaas uu wasiirka dib u dejintu uu wadaana mid wax ka jiraan ma aha dhibka halkaas ka soo socdana halaga Hortago”

Caaqil yuusuf oo isaguna ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa xusay inaanay yeelayn in dad cusub dibadda lagaga keeno haatan, waxana uu yidhi,

“ma  aanu arag qaxooti dadkiisii iyo dalkiisii laga soo raro, haddii cid la keenayona hala keeno kuwa dalkan u dhashay ee Ethiopia kaga maqan. Haddii uu wasiirku arrintaas ka waantoobi waaya warka uu saylac la joogana waxa uu ka helo ayuu leeyahay. Dalkanna dad kama maqna oo horeba waa loo waayey, dib u dejintana waxa u baahan kuwan dalka yaalla ee baahiyaha qaba.”

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay cuqaal iyo Salaadiin kale oo iyaguna si weyn uga soo horjeestay in la soo raro qaxooti la sheegayo in laga soo rarayo meelo Djibouti ku yaalla oo uu wasiirka dib u dejintu halkaas ka wado.

Murankan ayaa ku soo beegmaya xilli dawladda Somaliland ay sheegtay in dhawaan dalka laga bilaabi doono diiwaangelin loo samaynayo dadka shacabka ah, waxana ay taasi shaki gelisay shacabka deegaankaas oo ka hortagaya in dad cusub oo diiwaangelinta ka qayb qaata dibadda lagaga keeno.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com