Siyaasiyiintii iyo saxafiyiintii xidhnaa oo maanta lasii daynayo
Hargeysa (QJ)- Maanta waxa la filayaa in Xabsiga Madheera laga sii daayo masuuliyiin ka tirsan mucaaradka Somaliland iyo laba saxafi oo u xidhnaa xukuumadda Somaliland, kadib dibad bax ay Mucaaradka Somaliland ka sameeyeen Hargeysa horaanta bishii June. Sii-daynta dadkan ayaa timi kadib kulan dhex maray gudida dhex dhexaadinta xukuumadda iyo mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, kulankaas…
