admin

Golaha Wasiirada Somaliland oo Ansixiyay Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera Ee DP World

Hargeysa,28,7,2016 (QJ/SDN) – Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo tirsigiisu yahay 200 ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28-07-2016 ku qabsoomay hoolka shirarka ee golaha Wasiirada. Shirkan oo uu gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, weheliyeyna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabduraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa xaadir ku ahaa aqlabiyadda xubnaha…

Read More

MADAXWENAHA: Cayaaruhu Waxay Gacan ka Geystaan Dib u Heshiisiinta iyo is-dhexgalka

Muqdisho,28,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Qabsoomidda Cayaarihii Maamul-goboleedyada dalka ee dhawaan lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho ay muujinayaan horumarka laga gaarey dib u heshiisiinta, nabadda iyo is-dhexgalka bulshada. Xasan Shiikh ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad casho-sharaf ahayd oo xalay xarunta gobolka Banaadir loogu sameeyay dhammaan cayaartoydii ka qeybgashey ciyaarihii dowlad…

Read More

Madaxweyne Xigeenkii Hore Oo Sheegay In Maxkamada Ciidamadu Aanay Lahayn Qaadista Dacwadda Eedaysanayaasha Dilka Taliye Casayr, Racfaanna Loo Qaadan Doono Maxkamad Rayida

Hargeysa,28,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay xukunkii dilka ah ee Maxkamada  Ciidanku  ku riday eedaysanayaashii loo haystay dilkii Taliyihii Booliska ee Gobolka Saaxil iyo  mudaharaadadii  lagaga soo hor jeeday xukunkaasi ee ka dhacay magaalooyinka Sheekh,Berbera  Iyo Burco. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu shegay in xukunkan laga…

Read More

Md. Baashe Oo Sheegay In Saami Qaybsigii Hore Ee Wakiilladu Aanu Caddaalad Ahayn

Hargeysa,28,7,2016 (QJ/SDN) – Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay Arinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada somaliland iyo baarlamaanka ee soo socda. Md. Baashe Maxamed Faarax oo la hadlay Bulshotv ayaa waxa uu sheegay in haddii xal laga gaadhi waayo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada aanay diyaar u…

Read More

Obama Oo Ruushka Kaga Cabanaya In Uu Farogelinayo Tartanka Madaxnimada Maraykanka

Washington,7,28,2016 (QJ/SDN) – Madaweynaha dalka Maraykanka Barak Obama iyo maamulka xisbigiisa Dimuqraaddiga oo dorraad soo gunaanaday tartan adag oo muddo dhawr bilood ah murashaxiinta xisbiga gudihiisu ugu soo baxayeen murashaxa rasmiga ah ee xisbiga Dimuqraaddiga uga qaybgalaya doorashada madaxweynaha ee foodda innagu soo haysa ayaa dalka Ruushka ku eedaynaya in uu farogelin ku hayo arrimaha…

Read More

DAAWO: Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiilada Ku Riixay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa,27,7,2016 (QJ/SDN) – Saddexda xisbi qaran ee Somaliland Ee Kulmiye , Waddani Iyo UCID  oo mudooyinkii ugu danbeeyey lahaa Kulamo ay kaga tashanayaan sidii ay xal ugu heli lahayeen Saami qeybsiga Kursaata golaha wakiilada ayaa waxaa ay maanta go,aamo  ka gaadheen Arintaasi, iyagoo dhanka madaxweyne Siilaanyo iskaga riixay.

Read More

AL-SHABAAB: Xildhibaan hore Saalax Badaado ayaa ka mid ahaa Raggii fuliyay Qaraxyadii shalay

Muqdisho,27,7,2016 (QJ/SDN) – Idaacadda ku hadasha Afka Al-shabaab ee Andalus ayaa baahisay in Qaraxyadii shalay ka dhacay Agagaarka Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho uu raggii fuliyay ka mid ahaa xilhdibaan hore Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado). Xildhibaankan hore ayaa wuxuu Al-shabaab ku biiray bishii Feberaayo 2010-kii, markaasoo uu ka tagay dhinaca Dowladda Somalia, wuxuuna sheegi…

Read More

Madaxweynaha Jabuuti oo ka Hadlay Xaaladaha ka Taagan Waddamada Caalamka Muslimiinta

Hargeysa,27,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka 27-aad ee dalalka Carabta oo ka socda dalka Mouritania, ayaa ka hadlay duruufta Ummadaha Carabta ah xilligan haysta iyo sidii looga gudbi lahaa Caqabadaha hortaagan. Mudane Geelle ayaa si gaar ah u tilmaamay la dagaalanka faqriga, is-balaaruinta argagixisada iyo sidii dhallinyarada…

Read More

QM oo codsatay qarash dheeraad ah oo lagu celiyo qaxootiga Dhadhaab

Nariobi ,27,7,2016 (QJ/SDN) – QM gaar ahaan heyada qaxootiga u qaabilsan ee UNHCR ayaa codsatay lacago dheeraad ah oo lagu kaabo qarashka lagu celinaayo qaxootiga Dhadhaab. Hayada qaxootiga waa UNHCR ayaa maanta ka codsatay deeqbixiyeyaasha caalamka $115.4m oo dheeraad ah oo lagu kaabayo lacagaha loogu tala galay celinta qaxootiga Dhadhaab.  War murtiyeed maanta ka soo…

Read More

Xil. Dheeg Oo Ku Baaqay In Somaliland Ay Xoogga Saarto Sidii Ay Wadamada Jaarka Ugu Qancin Lahayd Aqoonsiga

Hargeysa,27,7,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Guurtida, kana tirsan Guddida Arrimaha Dibadda, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan qaabka ay Somaliland aqoonsi caalamiya ku heli karto, waxaanu soo jeediyey in xooga la saaro wadamada jaarka gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, oo uu sheegay in dantoodu ku jirto…

Read More

Eng. Faysal C. Waraabe Oo Sheegay In Md. Cigaal Uu Nabad Ka Dhex Dhaliyey Kenya Iyo NDF, Soona Dhaweeyey Xidhiidhka Cusub

Hargeysa,27,7,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka waramay xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, waxaanu sheegay in xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi uu labada dal ka dhexeeyey, waxa uu xusay in ALLE ha u naxariistii Madaxweynihii hore ee Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu sabab u ahaa…

Read More

Prof. Samater Oo Sheegay in Hoggaanka Kulmiye Ay Ku Heshiiyeen Wada Yeelashada Xisbiga Iyo In Haddii Uu Guulaysto La Dhiso Xukuumad Ay Wadaagaan

Hargeysa,27,7,2016 (QJ/SDN) – Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay sababaha keenay inuu xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ku biiro, isla markaana uu ka doorto labada xisbi ee mucaaridka ah oo uu wada iyagana wada hadal kula jiray. Proff Samatar oo la hadlay xafiiska warbaahinta ee xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale ka waramay qodobada ay…

Read More

DAAWO: Badhasaabka Gobolka Togdheer Oo Ka Warbixiyay Mudaharaad Maanta Ka Dhacay Magaalada Burco

Burco,26,7,2016 (QJ/SDN) – Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa waxa maanta ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo xukun ay ridday maxkmadda Milatariga Somaliland – kaasi oo ahaa 8-ruux oo shacab ah oo lagu xukumay Dil. Haddaba halkan hoose ka daawo Badhasaabka gobolka Togdheer oo ka warbixinaaya  mudaharaadkaasi. https://www.youtube.com/watch?time_continue=1&v=Dy5niBf4MLk

Read More

Maayarka Borama Ma Waxa Fiisaha Ingiriiska Loogu Diiday Eydii Dawlada Hoose Laysay?

Boorama,26,7,2016 (QJ/SDN) Maayarka Magaalada Boorama  Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa ka hadlay Fiso uu doonayay inuu ku tago dalka Ingiriiska oo loo diiday. Maayarka ayaa doonayay inuu dalka Ingiriiska kaga qayb galo kulan la doonayay in lagu maataaneeyo magaalooyinka Borama ee Somaliland iyo Henley ee dalka Ingiriiska. Hase yeeshee maayarka ayaa loo diiday fiisihii uu Ingiriiska…

Read More

Itoobiya Oo Joojisay Dawooyinka Masar Samayso Oo Tayadoodu Aad U Liidato

Addis,26,7,2016 (QJ/SDN) – Wasaarada caafimaadka ee dalka  Itoobiya ayaa hakad galisay daawooyin lagu samen jirey 11 warshadood oo fadhigoodu yahay dalka Masar. Go’aankan ayey Itoobiya gaadhay kadib markii ay wafdi u dirtay dalka Masar kuwaas oo booqday 13 xarumuud oo lagu soo saaro daawooyinka, waxaanay ku sameeyeen qiimayn tayada daawooyinka Masar soo saarto. Madaxda caafimaadka…

Read More

Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay In Inqilaabka Fashilmay Ee Turkigu Saamayn Ku Yeelan Karo Wada Hadalada Dalalka Somaliland & Somaliya Iyo Arrinta Nile Academy

Hargeysa,26,7,2016 (QJ/SDN) – Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan sameynta uu ku yeelan karo inqilaabkii fashilmay ee Turkiga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay inqilaabkaas Turkiga ee…

Read More

Iskuuladii iyo Isbitaaladii Hay’ada Nile Academy ay ka maamulaysay Muqdisho oo lala Wareegay

Muqdisho,25,7,2016 (QJ/SDN) – Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho – ayaa si Rasmi ah waxay ula wareegtay xarumihii ay maamulaysay Hay’adda Nile Organization ee dalka Turkiga laga leeyahay oo shaqaalaheeda toddobaadkii hore laga eryay Muqdisho. Hay’adda NILE – ayaa waxay Maamulaysay Iskuullo Waxbarasho iyo Isbitaallo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu eedeeyay hay’addan inuu leeyahay Sheekh Fethullaah…

Read More