admin

Wasiir Cali Mareexaan Oo $6000 ugu Deeqay Nin Xanuunka Dhimirka Qabay 20-Sanno Oo Ku nool Burco

Burco,3,8,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed [Cali Marreexaan] ayaa deeq lacageed oo dhan 6000 oo dollar gaadhsiiyay nin xanuunka dhimirka qabay in ka badan 20 sanadood oo ku nool magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Wasiir Cali Mareexaan ayaa lacagtan ku hagaajiyay Wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon oo…

Read More

Marwo Edna Aadan Oo Ka Hadashay Siyaasadda Turkiga Ee Ku Waajahan Qadiyadda Somaliland

Hargeysa, 3,8,2016 (QJ/SDN) – Dhinaca kalana Marwo Edna Aadan Ismaaciil waraysi gaar ah oo ay siisay wargeyska Geeska Afriika waxa ay dhexdhexaadnimada Turkigu ka geli karo wada hadallada Somaliland Soomaaliya, iyo hadalkii uu dhowaan safiirka dawlada Turkiga u fadhiya Soomaliya kaga hadlay baasaaboorka Somaliland iyo aragtidiisa madaxbanaanida Somaliland. Marwo Edna Aadan oo arimahaas ka hadlaysaana…

Read More

Wasiir Caddami Oo Ka Hadlay Dekedda, Muddo Kordhinta Iyo Saami-Qaybsiga Kuraasta Wakiillada

Hargeysa, 3,8,2016 (QJ/SDN) -Wasiirka wasaarada gaashaandhiga somalland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay heshiiska Dekeda Berbera iyo buuqa ka taagan ee deegaanka. Wasiir Cadami oo ka hadlaya heshiiska Dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “Wax walba haddii cirka loo laado cid faa,iidaysaa ma jirto wakhti lumis ayaanay noqonaysaa, dadkuna xaq ayuu leeyahay oo rayigiisa…

Read More

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Khamiista Berri Oo La Horkeenayo Go’aan Ka Gaadhista Sii Wadista Wada-Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Turkiga

Hargeysa, 3,8,2016 (QJ/SDN) – Shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirradu ay khamiis kasta u fadhiistaan ayaa lagu wadaa in khamiistan berri ah la horkeeno ajande la xidhiidha go’aan ka gaadhista sii wadisa ama joojinta wada hadallada ay Somaliland iyo Soomaaliya ku jiraan ee uu Turkigu gogosha u dhigay. Sida uu Geeska Afrika u xaqiijiyey wasiirka…

Read More

SAWIRRO: Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo goordhaw si rasmi ah uga furmay Muqdisho

Muqdisho,3,8,2016 (QJ/SDN) – Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanayo Hanaanka Doorashada dalka dhawaan ka dhaceysa. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw si rasmi ah shirkan u furay, waxaana ka qeyb galaya Madaxda sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ….

Read More

Cabdirashiid Xassan Mataan Oo Ka Hadley In Uu U Tartami Doono Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani

Hargeysa,2,8,216 (QJ/SDN) – Cabdirashiid Xassan Mataan xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Waddani isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Awdal ayaa waxaa uu ka hadley in uu u tartami doono musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi Mr.Mataaan waxaa uu sheegay in aanay jirin sabab u diideysa in uu u tartamo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee…

Read More

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Sheegay In Shir Beeleeddada Kii Qoryaale La Midka Ah Ay Xukuumaddu Ogoshahay, Iyo Calaamadaha Shirarka Qabiil Ee La Diiday

Hargeysa, 2,8,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay shirarka beelaha ee  ay xukuumadu ogoshahay iyo kuwa ay diidan tahay. Wasiir Maxamuud Xaashi oo hadal ka jeediyey shir ay deegaanka Qoryaale ku soo gunaanadeen beesha Abokor Axmed(Habarjecle) ayaa sidoo kale dardaaran u jeediyey musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi….

Read More

Shan Wasiir Oo Berbera Kulan Kula Qaatay 1600 Oo Ah Shaqaalaha Muruq Maalka Ah Ee Ku Shaqo Waayaya Heshiiska Dekedda

Hargeysa, 2,8,2016 (QJ/SDN) – Wasiiro ka tirsan xukuumada somaliland ayaa kulamo la qaatay dadka muruq maalka ah ee ka shaqeeya dekeda magaalada Berbera. Wasiiradan oo kala  ahaa wasiirka madaxtooyada, wasiirka arimaha dibada, wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka shaqada iyo wasiirka maaliyada somaliland ayaa kulanka ay la qaateen shaqaalaha muruq maalka ah ee dekeda Berbera waxay kaga…

Read More

Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Hadal Haynta Muddo Kordhinta Iyo Dekedda Berbera

Hargeysa, 2,8,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay wararka muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey ee ku saabsanaa muddo kordhin loo sameeynayo Xukuumadda iyo dib u dhac ku yimaada Doorashada, waxaanu sheegay in ilaa hadda aanu ogeyn muddo kordhinta la sheegayo. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga…

Read More

Wasiirka Waxbarashada Oo Soo Xidhay Carwadii Bandhiga Jaamacadaha Dalka Ee Hargeysa Ka Socotay

Hargeysa,2,8,2016 (QJ/SDN) – Carwadii Jaamacaddaha oo muddo laba cisho ah ka socotay  magaalada Hargeysa ayaa si rasmiya loo soo gaba gabeeyey. Carwadan oo ay ka qayb galeen 32-jamacadood oo ku kala yaala Magaalooyinka kala duwan ee dalka ayaa lagu qabtay Guuleed Hotel waxaana maalgaliyey midawga yurub,waxaana fulisay Save The Children, halka Wasaaradda Waxbarashada gaar ahaan…

Read More

XiIdhibaan Waddani Ah Oo Sheegay Inay Golaha Hor Keeni Doonaan Mooshin Ka Dhan Ah Qunsuliyadda Turkiga Ee Somaliland

Hargeysa, 2,8,2016Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac  (Cabdiraxmaan Xoog),  oo ka mid ah Mudaneyaasha golaha  Wakiillada, ayaa Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u soo jeediyay inay dalka ka saarto qunsulka dawladda Turkiga u fadhiya Hargaysa, taasoo uu sabab uga dhigay hadalka ka soo yeedhay dawladdiisa ee ah inaanay ogolayn Baasaaboorka Somaliland. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jamaac (Cabdiraxmaan…

Read More

Ucid Oo Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda U Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Ah Cali Guray

Hargeysa,2,8,2016 (QJ/SDN) – Xisbiga UCID ayaa warqad uu kaga dacwoonayo guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Mudane Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) u gudbiyey guddida diiwaangeint ururrada siyaasadda oo dhowaan ka garnaqday khilaafkii xisbiga dhexdiisa muddo ku jiray. Warqad uu ku saxeexan yahay afhayeenka xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre (Shaabaash) oo lagu socodsiiyey Guddida diiwaangelinta Ururrada…

Read More

Canada oo wax ka baddalaysa gargaarka baniaadminimo ee ay bixiso

Toronto,2,8,2016 (QJ/SDN) – Dawlada dalka Canada, waa dawlada cusub ee dalkaase ayaa sheegtay inay wax ka baddalayso deeqda baniaadminimo ee ay caalamka intiisa kale siiso. Haatan ayaa dawlada dalkaasi waxay wadaa qorshe lagu xaqiijinaayo in wax laga baddalo qaabkaa dalkaasi kusiiyo caawimaada dalalka kale ee caalamka khaasatan dalal gaaraya ilaa 20. Wada hadalo amuurtaa kusaabsan…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Kaalmo Gaadhsiiyey Walaal ku dhiban Burco

Burco,2,8,2016 (QJ/SDN) – Wasirka arrimaha gudaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa ayaa waxa uu deeq lacageed oo gaadhaysa 1000-dollar gaadhsiiyay nin xanuunka dhimirka qabay muddo ku dhow 25-sanno oo ku nool magaalada Burco. Ninkan xanuunka dhimirka qaba oo xaaladdiisa uu soo bandhigay wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon ayaa waxa go’day mid ka mid ah lugihiisa…

Read More

Dowladda Somaliland Oo Xorriyaddiisa Usoo Celisay Xildhibaan Ka Tirsan Maamulka Puntland

Ceerigaabo,1,8,2016 (QJ/SDN) – Dowladda Somaliland ayaa waxay xorriyaddiisii usoo celisay Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex oo ka tirsan xildhibaanada Maamulka Puntland – kaasi oo lagu qabtay dagaal Ciidanka maamulka Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhex maray deegaanka Boodda-cadde oo ka tirsan degmada Dhahar. Xildhibaanka oo xorriyadiisa kaddib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in muddo 12-cisho…

Read More

Puntland oo looga dabbaal dagaayo markii maamulkaa la aasaasay

Garowe,1,8,2016 (QJ/SDN) – Dawlad goboleedka Puntland ayaa waxay maanta u dabbaal dageysaa sanad guuradii 18aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay. Munaasabado loogu dabbal dagayo 1da Agoosto oo ah maalintii dhidibada loo aasay xukunkaa Soomaaliyeed sanadkii 1998 ayaa ka socda meelo badan oo Puntland ah gaar ahaan xarunta Puntland ee Garowe. Madax sarsare oo dawlada…

Read More