admin

    Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Hadlay Artidiisa Odayaash Reer Muqdisho Ee Hargaysa Ku Sugan

    08,May,2014(SDN/QJ)- Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Md.Boobe Yuusuf Ducaale,ayaa Ka hadlay Aragtidiisa ku aadan Odayaasha reer Muqdisho,ee la sheegayo inay ku sugan yihiin Magaaladda Hargaysa ee ay Xukuumadda Somalialand ay ka Qarisay Saxaafadda inay uga war bixiyaan Ujeeda Socdaalkooda.waxaana uu sheegay in hadii ay Xukuumadda Somaliland ay Fidisay Marti-qaadka Odayaasha aanay ahayn wax Reer Somaliland ay…

    Read More

      Xildhibaano Maanta Farta Ka Saaray Madaxweynaha Somalia Warqad Warqada Dalabka Ee Ah Inuu Iscasilo

      08,May,2014(SDN/QJ)- Wararka  Qurbejoog.com soo gaadhay ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanadii soosaarey baaqa loo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in uu is-casilo isaga oo dalka u daneynaaya ay maanta si rasmi ah Madaxweynaha ugu gudbiyey talo soo jeedintoodi ahayd in uu is casilo. Xildhibaanada ayaa marka hore baaqooda gacanta u geliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka,…

      Read More

        Qiimeynta Qudbadii Madaxweynaha Qallinkii:Liban Ismail

        Sida uu distoorka qaranku jidaynaya sanadkiiba waxa waajib ah inuu madaxweynuhu qudbad u jeediyo laba gole baarlamaan si wada jira qudbadaas oo runtii ah mid xog waran u ah wixii qabsoomay wixii qabyo ah iyo wixii qorshaysanba si bulshada iyo baarlamaanka oo matalayaaba ay u ogaadaan halka xaal marayo iyo jihada loo socdo. Hadaba qudadan…

        Read More

          Cabdi Wali Gaas oo ka Warbixiyay Kulamo Uu La Qaatay Madaxda Dalka Yaman

          07,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland,ayaa ka warbixyay Kulamo uu Maalmihii Dhawaa lahaa Madaxda sar sare ee Dalka Yaman.Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Kulamadaasi ahaayeen sida uu Yidhi qaar aad u qiimo badnaa.lagagana wada-hadlay Xidhiidhka labada dhinac iyo Sidii loo sii Xoojin lahaa iyo Mashaariic kala duwan Dawladda Yaman ay ka Hirgalinayso Dhulka Maamulkiisa. Waxa…

          Read More

            Cabdiwali Sheekh Oo Maanta Booqasho aan Hore loo Sii Shaacin Ku Tagey Magaaladda Marka

            07,May,2014(SDNQJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar shaqo ku tegay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka, Wasiirro, Xildhibaano iyo saraakiisha Ciidamadda Dawladda, AMISOM iyo qaybaha bulshada ee degmada Marka. Soo dhawaynta kaddib, ayaa Ra’iisul Wasaarahu kulan…

            Read More

              “Ciidamadeena Soomaaliya joogga shaqada ay hayaan waa suggidda ammaanka dalalka Somaliya iyo Kenya” Madaxweynaha Kenya

              07,May,2014(SDN/QJ)-Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Dowladda Kenya, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday  in qaraxyada ka dhacaaya dalka Kenya, inaanay saamayn ku yeelan doonin hawlgalka Ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya. Madaxweynaha, ayaa qaraxyada ka dhacaaya dalka Kenya waxa uu dusha kaga tuuray Ururka Al Shabaab, oo horey ugu goodiyay in ka fal celin doonaan, tallaabada Ciidamada Kenya gudaha…

              Read More

                Wefti ka Socda Dalka Germal-ka oo M.weynuhu Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay

                07,May,2014(SDN/QJ)- Waxa maanta Madaxweynaha JSL,uu Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi Heer sare ah oo uu Hogaaminayay Safirka Dawladda Jarmalka u Fadhiya Magaaladda Nairbi ee Dalka Kenya. Waxaana Kulankaas laysku weydaarsaday Xidhiidhka labada Dal iyo Sidii loo sii Horumarin lahaa. Warsaxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Qasriga Madaxtooyadda ayaa waxa uu  u dhignaa sida tan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland…

                Read More

                  Dawladda Maraykan Oo Sheegtay Inay Dalka Nigeria u Dirayso Ciidamo Iyo Khubaro Kale Si Ay Gacan Uga Geystaan Soo Daynta Habalaha La Af-duubtay

                  07,May,2014(SDN/QJ)- Waxa wali meel ay Jaan iyo Cidhib dhigeen la la’yahay Hablo 100 kor u dhaafaya oo laga Aftuubtay Iskuul ku yaala Dalka Nigeria.Madaxweynaha Dalka Nigeria Goodluck,ayaa waxa uu u soo jeediyay Waalidiinta Hablaha dhashay Inay Dawaladda gacan ku siiyaan Hawlaha Badbaadinta Hablaha Ciyaalo Iskuulka,kuwaaso dhawr Todobaad la raacdaynayo. Dhinaca kalena Waalidiidiinta ayaa Xukuumadda Ku…

                  Read More

                    “Siilaanyo Markii Uu Mucaaridka Ahaa Wuxuu Ka Hadli Jiray Musuq-Maasuqa Iyo Hantida Umadda Ee La Cunayo…Maantana.…”Xasan Guure

                    07,May,2014(SDN/QJ)- Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa Xukuumadda ku tilmaamay inay hantidii dalka si sharci daro ah ugu takri-fashay, si aan sharci ahayna u isticmaashay, isaga oo tusaale u soo qaatay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye, oo uu sheegay inay Hantida Umadda ka dhexeeysa ay ku isticmaashay, waxaanu xusay Musuqmaasuqa uu Xukuumadda ku dhaliilay ay keeni…

                    Read More

                      Madaxweyne Siilaanyo Hanjabaad Kulul Hawadda U Mariyay Dhigiisa Somalia

                      07,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo,ayaa Khudbadiisii Sannadlaha ahayd ee uu Maanta Ka Jeedinayay labada Gole Barlamaan (Wakiiladda Iyo Guurtida),waxa uu  Hanjabaad Warbaahinta u mariyey Madaxweynaha Somaliya ,isaga oo ku tilmaamay inuu yahay Nin Siyaasaddu u Cusub tahay,Kuna Tilmaamay Inan yar oo siyaasada Barbarad ku ah. “Ninka Madaxweynaha ka ah Somaliya waa Inan yar oo…

                      Read More

                        Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Wakiilka Somaliland Ee Turkiga

                        06,May,2014(SDN/QJ)-  Madaxweynaha JSL Md.Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa Magacaabay Wakiilka Somaliland u Fadhi Doona Dalka Turkiga. War-saxaafadeed Goor-dhawayd laga soo saaray Qasriga Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in laga Bilaabo Maanta Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inuu Noqdo Wakiilka Somalinad ee Turky-ga Md. Cali Axmed Cismaan (Tuuhe). Warsaxaafadeedkii oo dhamystirana waxa uu u dhignaa sida tan: “War-saxaafadeed-Date: – 06/…

                        Read More

                          Cabdi Fataax Al-Ziizi Oo Wacad Ku Maray Inuu Dalka Masar Ka Sifayn Doono Ikhwaanka,Hadii Madaxweyne Noqdo

                          06,May,2014(SDN/QJ)-Taliyihii hore ee militeriga Masar ee la filayo in uu ku guulaysta doorashada laga qaban doono dalkaas, ayaa sheegay in ururka Ikhwaanul Muslimiinka uusan sii jiri doonin haddii isaga loo doorto madaxweyne. Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa sheegay in dadka reer Masar ay diideen ururka Ikhwaanul Muslimiinka. Waxa warka dad badan oo Masaari ahi ay Guuxeen uu…

                          Read More

                            Tacsi Tiiraanyo leh

                             Dhaamaan Shaqaalaha iyo Hawl wadeenadda Shabakadda wararka ee Qurebejoog.com,Waxay  Halkan Tacsi Tiiraanyo Leh Uga Dirayaa Khadar Abiib Cismaan Oo Ka Mida Hawl Wadeenada Telefishanka Qaranka Isla Markaana Uu Aabihii Abiib Cismaan Uu Xalay Ku Geeriyooday Hargaysa Saakana Lagu Aasay . Waxaan Ilaahay Uga Baryayaa In Uu Ilaahay Janadii Fardawsa Ka Waraabiyo Ehelkii Iyo Qaraabadiina Uu Samir…

                            Read More

                              Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa Oo Maanta Ku Dhawaaqay Inuu U Taagan yahay Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye.

                              05,May,2014(SDN/QJ)-Gudoomiye xigeenka Golaha dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, Ayaa Maanta Shaaciyay Inuu yahay Musharax U taagan Kaalinta Gudoomiyaha Golaha dhexe Ee Xisbiga Kulmiye, Isaga Oo sheegay Inuu Haatan yahay Musharax U taagan Jagada Gudoomiyaha Golaha dhexe Ee Xisbiga,. Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa Isaga Oo Taa Musharaxniimadiisa Gudoomiyaha Golaha dhexe Ee Xisbiga Kulmiye …

                              Read More

                                Jamaac Riyo Oo Soo Saaray Hees Labaad Oo Hogaaminta Siilaanyo Ku Durayo

                                05,May,2014(SDN/QJ)- Abwaan Jaamac Riyo oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland,ayaa shaaca ka qaaday Heestii labaad ee uu ku dhaliilo Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo. Heestani cusub ayaa waxaa Ereyadeeda ka mid ah “Nasiibka iyo Hoodadaada Huga ku mataansanoo, habeenkaagaa Madoow”. Abwaan Jaamac Riyo ayaa sheegay in ay dabba Socoto Heestani tii uu sanadkii hore uu…

                                Read More

                                  Dagaal u Dhaxeeya Ciidamo ka Wada tirsan Dawladda Somalia Oo Ka Soconaya Magaaladda Balad-Xaawo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

                                  05,May,2014(SDN/QJ)-wararka aanu hadda ka helayno Magaaladda Balad-xaawa,ayaa sheegaya inuu halkaasi ka soconayo Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dawladda Somalia oo kala taageersan Maamuladda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee Somalia. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka,balse sida ay sheegayaan wararka hor dhaca ahi Dagaalka…

                                  Read More

                                    Dr:Cabdiqaasim Salaad Xasan oo Ka Hadlay Xaaladda Amaan Ee Magaaladda Muqdisho,Xukuumadana Ugu Baaqay Inay Waxka Qabato Amaan Daradda Dalka

                                    05,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweynihii Hore ee DKMG ee Soomaaliya laguna soo Doortay 2000 shirkii ak dhacay Degmada Carta ee Wadanka Jabuuti Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay Xaalada Wadanka,Amaanka Muqdisho iyo Baaq uu u jeediyay Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya. Dr Cabdiqaasim ayaa sheegay in sugitaanka Amniga Muqdisho ee Dowlada Federaalka uu yahay mid aan wanaagsaneyn waxa uuna…

                                    Read More

                                      Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Murashaxa Madaxtinimda Ee Doorashadda 2015-ka {DHAGAYSO}

                                      Hargaysa 04,May,2014 (SDN/QJ)-Muuse Biixi Cabdi,ayaa goor dhawd si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Yahay Musharaxa Jagadda Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye ee Doorashadda Madaxtinimda ee 2015-ka. Arintan ayaa uu kaga dhawaaqay warysi uu siiyay laanta Afka Somali-ga ee BBC-da. GUJI HALKAN SI AAD MOBILKAAGA UGA DHAGAYSATO BADHEEDHAHA MUUSE BIIXI [peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MuuseBixi04.mp3″] SDN/QJ-Hargaysa daacad@qurbejoog.com contact@somalidiasporanews.com  

                                      Read More