Madaxweynaha Kenya Oo Qaaday Tallaabo Caalamka Oo Dhan Laga Hadal Hayo Iyo Shacabkiisa Oo Soo Dhaweeyey
Nairobi:11-March-2014 (SDN)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Sii wada ku dhiirrashadiisa inuu dhimo mushaharaadka ay qaataan masuuliyiinta sarsare ee Dawladdiisu. Jimcihii (7-dii March) ayay Kenyatta iyo Madaxweyne Ku-xigeen William Ruto waxa ay ku dhawaaqeen in ay iska dhimi doonaan 20% mushaarkooda, halka mushaharka wasiirradana la dhimi doono 10%. Madaxweynaha ayaa Jimcihii ina dhaafay ku dhawaaqay…
