C/Laahi Siciid Dheere: Bare iyo Siyaasi Hufnaan Looga Marag-furay. W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi) 8aad.
Sannadkii 2007-da, markii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kala diray guddigii doorashooyinka ee uu Guddoomiyeha u ahaa Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu distoorku dhigayaa in marka komishan cusub la samaynayo uu madaxweynuhu soo magacaabo 3 xubnood, guurtiduna ay 2 keento, halka axsaabta mucaaridka ahina ay xulista 2 xubnood u xilsaaran yihiin. Maadaama oo ay…
