“Author Archive”
Stories written by akguled

Dagaal Beeleed Maanta Dib uga Qarxay Deegaan ka Tirsan Gobolka Sanaag Khasaaraha Ka Dhashay & Sida ay Xaaladu Tahay DAAWO

Ceel-Afweyn 21. January 2018 (SDN/QJ):-Saaka arooryaddii hore ayaa dagaaal ku dhex maray beelaha walaalaha ah ee deegaanka Darar-wayne ee Dagmadda Ceel-afwayn labada beelood ee Baho-baciide iyo Sacad Yoonis kuwaas oo ay is rasaaseeyeen dad reer guuraa ah waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda wali si rasmi ah loo xaqiijin waxaana kal dhex galay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Somaliland oo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO Kala Wareegtay Doonyo Kalluumaysi Oo Lagu Sameeyay Jaamacadda Faraca Badda Ee Berbera SAWIRO/DAAWO

Berbera 21. January 2018 (SDN/QJ):-Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka  Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaam Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) oo safar shaqo ku jooga magaaladda Berbera ee Caasmadda gobolka saaxil ayaa saaka kormeeray dekedii hore ee Nec-Fish oo lagu sameeyay dayactir iyo dib u habayn balaadhan. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaam Saylici oo uu wehelinayo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Telefishanka Afka Dheer ee Aljazeera Oo Qayb ka ahaanshaha Khilaafka Gacanka Cadmeed Ku Sababeeyay Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga Siinayay Magaaladda Berbera DAAWO

Doha 21. January 2018 (SDN/QJ):-Telefishanka caalamiga ah ee Aljazeera oo fadhigiisu yahay Qadar ayaa warbixin uu baahiyay ku sheegay in joogitaanka dawladda Imaaraadka ee Geeska Afrika siiba Somaliland iyo Eriteriya halis ku tahay ammaanka badda siiba marin biyoodka muhiimka ah ee Bab-almandab. Dawladda Somaliland ayaa xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka la safatay xilli ay si adag isu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ra’isul Wasaare Somalia Xasan Cali Kheyre oo maanta ka baaqday safar uu dalka uga bixi lahaa,Sababaha Keenay DAAWO

Muqdisho 21. January 2018 (SDN/QJ):-Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka baaqday safar lagu waday in uu ugu ambo baxo dalka Switzerland  uu uga qeyb gali lahaa shir Caalami ah . Sida qorshuhu ahaa Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu waday in uu maanta ka dhoofo magaalada Muqdisho, hasa ahaatee safarkaasi ayaa dib u dhac […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir & Maamulkiisii Iyo Wasiir Loo Magacaabay Xilka Gudoomiyaha Banaadir 

Muqdisho 21. January 2018 (SDN/QJ):-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed. Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Ing Cabduraxmaan Cumar Yariisow  .   Waxaa sidoo kale Wareegtadan xilka looga qaaday Gudoomiye kuxigeenadii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shalay Iyo Maanta:- Madaxwaynaha Somaliland Oo Dafiray Eed Uu Xisbiga Waddani Hawadda U Mariyay Wakhtigii Ololaha DAAWO

Hargaysa 20. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dafiray in uu eed hadda u mariyay xisbiga waddani wakhtigii ololaha waxaanu sheegay Madaxwayne Biixi in uu dhaliilay shakhsiyaad  ka tirsan xisbigaasi. Hadaba halkan hoose ayaanu idiinku soo gudbin doonaa hadal shalay iyo maanta ka soo baxay afka Madaxweyne Muuse Biixi Markii uu Ruclada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Suldaan Mawliid Sabayste oo Xaal ka Bixiyey Hadal Xanaf leh oo Ka soo Yeedhay Suldaanka Guud ee Beeshiisa DAAWO

Hargaysa 20. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaaan Mawliid Cali Sabayste Oo Ka mid ah Salaadiinta Gobolka Maroodi Jeex ayaa Baaq u diray Salaadiinta  Somaliland oo uu ka dalbaday inay Faraha kala baxaan Siyaasadda Isla markaana Joojiyaan Weedhaha Xanafta leh ee ay Warbaahinta Gudaha isu marinayaan. Suldaan Mawliid Sabayste oo la hadlay qaar ka mid ah Telefishanada Somaliland […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka Hadlay Fulinta Go’aamo Saacadaha Shaqada ee Shaqaalaha Wasaaradaasi DAAWO

Hargaysa 20. January 2018 (SDN/QJ):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta ka hadlay Fulinta go’aamada Saacadaha Shaqada ee Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxaa ku Cusub Booqashadii Madaxweynaha Somaliland uu Ku Tegay Caasimadda Addis Ababa ee Itoobiya?

Hargaysa 20. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaamineyay, ayaa booqasho   saddex maalmood qaatay oo taariikhi ah ku tagay dalka Itoobiya oo cilaaqaad soo jireen ah la leh  Somaliland. Wuxuu socdaalka madaxweynuhu   kaga duwanaa kuwii  madaxweyneyaashii ka  horreeyay  ku tagi jireen Itoobiya, dhawr qoddob oo  ka soo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Oo Saaka Markii Ay Habsaameen Al-Baabka Laga Xidhay ,& Dareenkooda Oo Ay Cabireen DAAWO

Hargaysa 20. January 2018 (SDN/QJ):-Shaqaale ka hawl gala wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa saaka kadinka laga xidhay ka dib markii ay habsaameen waxaanay cabireen dareenkooda iyagoo sheegay in talaabani ay tahay mid haboon oo shaqalaha dardar-galinaysa.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »