Webmaster

Maxaa Ka Jira In Ciidamada Dowlada Ay Ruqsad La’aan Weerareen Hoyga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi-shakuur?

Muqdisho 20. December 2017 (SDN/QJ):-Tahliil Xaaji Axmed oo ah Qareenka u doodayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shalay galinkii Dambe la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xeer ilaalinta Qaranka iyo ciidamadii weeraray guriga siyaasigan aysan heysan ogolaansho Maxkamadeed. Hadalkan ayaa yimid xili wasaarada amniga dowlada Somalia ay horeu sheegtay in ciidanka weeraray hoyga C/raxmaan…

Read More

‘’Waxay Wasaaradda Maaliyadu Maanta ku faanaysaa in aanay Wax Dayn ah wareejinayn, Qaarbaa laha Waxbaa Laxaday Meel wax laga Xado Halkani Maaha’’ Wasiirkii Hore ee Maaliyadda DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta si rasmi ah Xilkii Wasaaradaasi ugu Wareejisay Wasiirka Cusub ee Maaliyadda. Marwo Samsam Cabdi Aadan Waxay si faahfaahsan uga warbixisay Kaalinta ay Wasaaradani kaga Jirto dhismaha qaranka,Waxayna sheegtay in aanay Jirin wax dayn ah oo ay maanta ku wareejinayso Wasiirka…

Read More

‘Shaqaalaha Wasaaradan Waxaan ku soo Biiray Sannadkii 1996-kii Waxaana Shaqada i Qoray Saleebaan Maxamud Aadan oo ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida” Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda & Khudbadii Xil Wareejinta Maaliyadda DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Xaflad uu Xilka kagala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Samsam Cabdi Aadan, taas oo lagu qabtay Xarunta Wsasaaraddaas Isniintii Maanta. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, waxa uu ka sheekeeyey xilligii uu Shaqada Wasaaradda…

Read More

Warbaahinta Caalamka oo Falanqeysay Casharka Dalalka Afrika ka Baran Karaan Sida Nabadgelyada ah ee Somaliland Xukunka Iskugu Wareejiso!!

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya, ayaa qoray in madaxweynaha  shanaad  ee Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo si dimuqraadi ah loogu   doortay  13-kii November 2017 uu xilkii loogu dhaariyay. Warbaahinta Afrika wararkii ay ka qoreen dhaarinta madaxweynaha cusub, waxa warbixintan ka diyaariyay Tifaftiraha Guud…

Read More

‘‘Berbera Biyo La’aani Kama Jirto, Waase in  Maamulka la Saxaa’’ Maayarka Berbera oo doonaya inuu Dawladda hoose Berbera la wareegto maamulka biyaha

Berbera 18. December 2017 (SDN/QJ):-Maayarka magaalada Berbera,  Cabdishakuur Maxamed Ciddin, ayaa xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo jeediyay in maamulka wakaaladda biyaha Berbera dib loogu soo celiyo golaha degaanka, si ay magaaladu u hesho biyo ku filan. Maayar Cabdishakuur, waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu ka jeediyay fadhi ay yeesheen golaha degaanka magaalada…

Read More

Xisbiga ANC ee Dalka Koonfur Africa oo Doortay Hogaamiyaha Cusub Iyo Haweenaydii u dhaxday Madaxweynaha Koonfur Africa oo afka Ciida Loo Daray 

South Africa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga ANC ee dalka koonfur afrika ayaa hogaamiyaha xisbigaasu u doortay Ramaphosa oo ah madaxweyne ku xigeenka hadda. Doorashadan guddoomiyaha xisbiga ANC ayaa ahayd mid adag oo tartan xoogani dhexmaray haweeynaydii uu hore u qabay madaxweynaha koonfur afrika Zuuma iyo madaxweyne kuxigeenka dalkaasi. Xisbiga ANC ayaa ku dhawaaqay inuu jagada…

Read More

Maayerka Berbera oo Amray Xidhigga Weriye Axmed Siciid Maxamed oo ka Hawl gala Magaalo Xeebeedka Berbera DAAWO

Berbera 18. December 2017 (SDN/QJ):-Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin, ayaa Amray in la xidho Weriye Axmed Siciid Maxamed oo Ciidammada Ammaanka magaaladaasi Xabsiga dhigeen Isniintii Maanta. Weriye Axmed Siciid ayaa ah Tifaftiraha Mandheera.com, sidoo kalena ah Weriyaha Eryal TV ee Berbera. Warbixin Eryal TV ka diyaariyey Xadhigga Weriye Axmed Siciid Maxamed, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa…

Read More

Su’aalo Sharci Oo Ka Dhashay Tallaabadii Koowaad Ee Madaxweynaha Cusub Qaaday

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Khamiistii ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada, ayaa fadhigoodii u hurreeyay ku dhaariyey Wasiirradaasi. Dhaarinta Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa waxa ka dhashay su’aalo la xidhiidha waxa Sharcigu ka qabo Dhaartaasi, maaddaama oo aan Golaha Wasiirrada aanu Baarlamaanku ansixinin oo aanay weli noqonin Wasiirro Sharciya, sidaasi darteed…

Read More

Raysal Wasaaraha Dawladda Itoobiya oo ka hadlay Dadka Soomaalida ah ee Lagu Laayay Deegaanada Oromada Itoobiya

Addis Ababa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah “lagu laayay xero boolis dhexdeeda”. Wuxuu ka tacsiyeynayo dhibaatadii ka dhacday gobolka Jirro ee maamulka Oromada Itoobiya. Sida wararka ay sheegayaan, waxaa halkaasi lagu dilay “in ka badan 100 qof”, balse Ra’iisul wasaaraha ma uusan…

Read More

“SOOL Shaqaaqada Ka Dhacaday 15 Sanadood Ayaa La Soo Wadaye Waxaan Amrayaa  In La Joojiyo’’  Wasiir Maxamed Kaahin Axmed DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimah Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta mar uu xilka la wareegayay ku baaqay in la joojiyo Colaada Mudada dheer ka socotay Deegaanka Cagaare oo ka tirsan Gobolka Sool. https://www.youtube.com/watch?v=bLlReijxmjA

Read More

Xukuumadda Federaalka Somalia oo Markii Kowaad ka Hadashay Sababta Keentay inay Xidho Siyaasi C.raxmaan Cabdi-Shakuur!!

Muqdisho 18. December 2017 (SDN/QJ):-Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo xeer illaaliyaha guud Axmed Daahir ayaa laga akhriyay war qoraal ah oo lagu faahfaahinayo sidii ay wax u dhaceen. Cabdicasiis Cali Ibraahim oo ah afhayeenka wasaaradda amniga oo warqada akhriyay ayaa yiri “Hay’adaha Amniga iyaga oo gudanaya waajibaadkooda, iyo…

Read More

“Nimcaan-hillaac Waxa Loo Xidhayaa, Wuxuu Muqdisho Ka Sameeyay Wax Lid Ku Ah Somaliland…” Maamulka Awdal

Boorama 18. December 2017 (SDN/QJ):-Maamulka Gobolka Awdal ayaa ka hadlay sababta loo doonayo in la xidho fannaanka Nimcaan Cabdiraxmaan (Nimcaan-Hillaac) oo hore uga mid ahaa Kooxda Xidigaha Geeska, balse Safar uu Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaga soo laabtay ka dib, si dhuumasho ah Somaliland uga soo galay Xuduudka Jabuuti. Nimcaan-hillaac oo lagu eedeeyay inuu markii hore…

Read More

Madaxweynaha Jabuuti Oo Fannaaniinta Dalkiisa Bilaash Uga Dhigay Adeegyada Caafimaadka

Jabuuti 18. December 2017 (SDN/QJ):-Magaalada Jabuuti, ayaa waxa Shalay lagu qabtay Xuska Maalinta Fannaaniinta Dalka Jabuuti. Munaasibad lagu wayneynayey Maalinta Fanka oo ka qabsoontay Guriga Ummadda oo ku yaalla Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalkaasi, ayaa waxa ka qayb-galay Raysal-wasaaraha Jabuuti, Wasiirro, bahda Fanka iyo Dad kale oo Weriyeyaal ka mid yihiin. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar…

Read More

Gudida Arimaha Bulshada Guurtida Oo  Kormeer Ku Tagay Qaybo Ka Mid Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Xubno ka mid ah Guddi-hoosaadka Golaha Guurtida gaar ahaan Gudida Arimaha Bulshada iyo Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa ayaa, soo kormeeray habsami u socodka barkadaha loogu talogalay in ay caasimada u qaybiyaan Caasimada Hargeysa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo faahfaahin ka bixiyey kormeerkooda shalay ay ku mareen berkadaha…

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan La Qaatay Ugaaska Guud ee Beel-weynta Ciise iyo Xubno Kamid ah Gendaha Beeshaas SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay ugaaska guud ee beelweynta Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim iyo xubno kamid ah gole-dhaqameedka Gendaha loo yaqaanno ee ay beeshaasi caanka ku tahay. Kulankan oo ka dhacay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne…

Read More

Wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Wasiiru-dawlihii Madaxtooyada Oo Xilkii Wasaaradda Madaxtooyada Ku Wareejiyey Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Gaydh SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiiru-dawlihii hore ee Madaxtooyada, ahna wasiir ku xigeenka  cusub ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Maxamed Muuse Abees, ayaa xilalkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL maanta oo ay taariikhdu tahay 18-12-2017 ku wareejiyey Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda marwo Khadra Xaaji Gaydh….

Read More

“Talaabada Ugu Haraysa Ee Aan Barito Qaadayaa Waxaa Weeye In Aan Shaqaalaha Guno U Sameeyo, Waxaanan Ka Tagayaa…” Wasiir Axmed Muumin Seed DAAWO

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Cusub ee Horumarinta Wasaaradda Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muunin Seed ayaa xilkii Wasiir nimo kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi waxaanu wasiirka cusubi farxad galiyay shaqaalaha xaruntaasi oo uu u balan qaaday in uu guno u samayn doono ka dibna uu talaabo wanaagsan oo dhinaca horumarinta beeraha ah ay qaadi…

Read More

Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadlay Tuhunno Ka Dhashay Gaadiid Burco Lagaga Xidhay Xaglo-toosiye

Hargaysa 18. December 2017 (SDN/QJ):-Ka dib, markii dhowr Maalmood ka hor Magaalada Burco lagu xidhay laba Gaadhi oo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) u diray Magaalada Laascaanood iyo Dirawalladii wadayba, ayaa waxa soo baxay warar kala gedisan, kuwaasi oo qaarkood sheegayaan in Wasiirku uu Gaadiidkan oo Dawladdu lahayd ula goosanayey…

Read More