“Maalinta Gole lasoo doortay yimaadaan Golaha wakiilladu Albaabkaasay ka baxayaan, Hadii Doorasho la qaban waayana waa fadhiyayaa,” Baashe Maxamed Faarax
Hargeysa:Feb,22,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa Markii ugu horraysay Jawaab ka Bixiyey Hadal dhawaan kasoo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo sheegayey in marka ay dhamaato muddo-xileedka Goluhu la kala diro. Guddoomiye Baashe Oo Maanta u warramay qaarkamid ah Warbaahinta Dalka, ayaa sheegay inaanay jirin sharci ogolaanaya in Golaha Wakiillada la kala…
