|

Mareykanka oo sheegay in ay sigeen hogaamiyaha Shabaabka

Baraawe Jan 31,2014(SDN)-Weerar duyuuradaha Mareykanka ee aaney cidi wedin ay dhawaan ka fuliyeen duleedka magaalada Baraawe ee dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu bartilmaansaday hogaamiyaha Shabaabka.

ilowareedyo ku dhaw ciidamada nabad ilaalinta Africa ee AMISOM ee ka hawlgala dalka Soomaaliya ayaa iddaacada cadka Mareykanka u xaqiijiyay in weerarkii Axadii ina dhaafay ay Mareykanku ku jhaarijiyeen hogaamiye sare oo Shabaabka oo Iskudhuuq lagu bartilmaansaday Axmed Cabdi Godane.

ilo wareedyada ayaa intaa ku daray in Iskudhuuq kulan la yeeshay Ina Godane mudo kooban weerarka ka hor ayna aheyd in ay gaari wada raacaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ina Godane uu weerarka ku dhaawacmay.

Shabaabka ayaa weerarka dabadii xabsiga u taxaabay tiro dad ah oo ku nool magaalada Baraawe oo Shabaabku ku eedeeyeen Basaasnimo.

Ma aha markii u horeysay ee Shabaabku weeraro noocan ah ku bartilmaansadaan guddaha dalka Soomaaliya.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed