Abiy Axmed oo ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay hir-gelinta heshiiskii TPLF

Jigjiga. 16 November, 2022. (QJ)-  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya inay ka go’an tahay heshiiski nabadeed oo uu kula gaadhay hoggaanka Tigray-ga waddanka Koonfur Afrika horraantii bishan, si loo soo afjaro colaadda dad badan lagu dilay ee laba sano ka socotay waqooyiga gobolka Tigray. Khudbad uu Salaasadii ka hor…

Read More

Mareykanka oo lacago hore leh duldhigay madaxda sare ee Al Shabaab

Muqdisho November 14, 2022 (SD) – Mareykanka ayaa goor dhaweyd shaacisay in kordhisey abaal marin lacageed oo uu horey u dul dhigay saddex hogaamiyeyaal oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab. Lacagaha raggan hore loo dul dhigay oo aheyd min shan milyan oo Dollar ayaa haatan la gaarsiiyey $10 milyan oo dollar midkiiba, taasoo la siinayo qofkii xog ka…

Read More

Dunida oo diidan awooda uu Muuse Biixi ku fadhiyo talada Somaliland

Hargeysa. 15. November, 2022. (QJ)- Warbaahinta dunidu waxay si wayn uga hadlaysaa xaaladda siyaasadeed ee Somaliland gaar ahaan muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha Somaliland oo dhammaaday iyo khilaaf ballaadhan oo dalka ka jira. Dunidu waxay falanqaynaysaa mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay in aanay aqoonsanayn madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ahi ku ekaa 13 November ee…

Read More

Qurbejoog oo ogaatay waxa ay is-yidhaahdeen Muuse Biixi iyo ergadii ka socotay

Hargeysa. 14 November, 2022. (QJ)- Ergadii ka timi madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somaliland ee u kala dab qaadaysay mucaaradka iyo Muuse Biixi ayaa bixisay tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan ergada ay wadeen. Qurbejoog oo helay xogta kulamada Muuse Biixi ay la qaateen ayaa ogaaday in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu aqbalay in laga…

Read More

Xisbiga Kulmiye oo sheegay in madaxweynaha Somaliland aanu ergo diranin

Hargeysa. 14 November, 2022. (QJ)- Xisbiga Kulmiye ee xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee Somaliland ay ka dhisan tahay ayaa maanta ka jawaabay go’aankii xisbiyada mucaaradka Somaliland ee ku aadanaa in aanay aqoonsanayn madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa maadama ay dhacday mudadeedu. Xoghayaha Abaabulka Xisbiga KULMIYE Saleebaan Siciid ayaa sheegay in Muuse Biixi aanu wax ergo ah u…

Read More

Tigrayga Itoobiya oo hubka laga dhigayo iyo waxa lagu heshiiyay

Jigjiga. 13 november, 2022. (QJ)- Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa kala saxeexday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaadheen waddanka Koonfur Afrika bishan.  Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaadhaan dhinacyo kala duwan oo la…

Read More

Ciidamada Soomaaliya oo ka baxay deegaano ay hore alShabaab uga qabsadeen

Muqdisho. 13 nOVEMBER, 2022. (QJ)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud EE Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaankaasi ay Xalay iskaga soo baxeen deegaankaasi. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in sababta…

Read More

Xaaladihii ugu danbeeyay ee Somaliland oo xiisadi ka taagan tahay

Hargeysa. 13 November, 2022. (QJ)- Maanta waa 13 November 2022 oo ku beegan maalinta ay ku egtahay muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha Somaliland, waxaanay maalintani timi iyada oo khilaaf cakiran oo xoogani uu Somaliland ka taagan yahay isla markaana uu u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda Somaliland. Kadib 13 November mucaaradka Somalialnd waxay hore…

Read More

Xogihii ugu danbeeyay ee xaaladda Somaliland iyo tallaabada mucaaradka

Hargeysa. 12 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayuu muddo xileedkiisa dastuuriga ahi ku egyahay 13 November oo maalinta berri ah ku beegan, xili muran siyaasadeed Somaliland ka jiro. Mucaaradka Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah ay hadlaan isla markaana go’aano culus ka qaataan xukuumadda Muuse Biixi. MAXAA LAGA FILI KARAA MUCAARADKA Mucaaradka Somaliland…

Read More

CRISIS GROUP oo ka digtay xasilooni-darada Somaliland wajahayso oo alShabaab ka faa’iidayso

Hargeysa. 11 November, 2022. (QJ)- Hay’adda Xasaradaha Dunida ee Crisis Group ayaa warbixin dheer kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo khilaafka cakiran ee jira imika. Crisis Group waxay ku baaqaysaa in beesha caalamku ay xal u keento khilaafka jira, maadaama ay dhinacyadu hore ugu fashilmeen wada hadladii ay galeen. Nabadda lagu keenay dhabaha adag…

Read More

Soo dhawayntii ugu ballaadhnayd oo mucaaradka Somaliland Hargeysa loogu sameeyay

Hargeysa. 10 November, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay saraakiisha mucaaradka Somaliland iyadoo murashaxa madaxweyne iyo gudoomiyaha xisbiga Waddani ay weftigaas hor kacayeen. Kumanaan iyo kumanaan ka mid ah taageerayaasha mucaaradka ayaa bariga Hargeysa kusoo dhaweeyay madaxda Xisbiga Waddani. Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan…

Read More

Muuse Biixi oo bilaabay majare-habaabin kale iyo waxa ay tahay

Hargeysa. 9 November, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somalialnd ayaa mar kale bilaabay in uu majare habaabiyo dhinacyada daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland, isagoo dhinac walba war gaar ah u sheegaya. Tusaale ahaan, Beesha Caalamka wuxuu muuse Biixi shalay ku yidhi ” waxaan qabanayaa labada doorasho anoo raacaya jadwalka doorashooyinka, waxaanana ku qabanayaa muddo 9 bilood ah”. balse balan…

Read More

Maxay alShabaab ka tidhi magaca cusub ee ay dawladdu ku baaqday in loogu yeedho

Muqdisho. 9 November, 2022. (QJ)- Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa diiday u adeegsiga magaca “Khawaarij” ee dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay– iyada oo ku tilmaamay erey meel ka dhac ah oo macneheedu yahay koox qalloocan oo xag-jir ah, sida ay BBC Monotoring ka soo xigatay warbaahina Al-Furqaan. Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab,…

Read More

AlShabaab oo deegaano kale lagala wareegay iyo faahfaahinta

Muqdisho. 8 November, 2022. (QJ)- Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Galabta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo fadhiisin muhiim ah u aheyd Al-shabaab. Dagaal culus ayaa la sheegay iney ciidamada iskaashanaya kula wareegeen deegaanka Wabxo, kadib afar jiho ah oo ay ka galeen ciidanka deegaanka Wabxo,…

Read More