Somaliland Oo sheegtay in Safarkii Madaxweynaha ee Dalka Qatar Oo Guul Ku Soo dhamaday, Somaliyana Kuna Eedaysay farogelin Siyaasadeed.

Hargeysa (QJ) – Xukuumadda Somaliland ayaa guul dublamaasiyadeed ku tilmaantay booqashadii uu dhawaan Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku tegay dalka Qatar, kaas oo la filayo inuu xidhiidh cusub oo iskaashi yeelan doono. Isla markaana waxay ku eedaysay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya (DFS) inay si joogto ah u wiiqayso qarannimada Somaliland. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Xuska 65-aad ee maalinta Xornimada.

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galaya xuska sannad-guurada 65-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Koonfureed ee dalka iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur. Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka taagay 12 tiir oo calan ah, taasi oo…

Read More

Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo billaabanaya 1-da Luulyo.

Muqdisho (QJ) – Hawlgalka Ku-meel-gaarka iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah howlahooda u billaabi doona 1-da Luulyo 2025, iyagoo si buuxda ula wareegaya mas’uuliyadda amniga ee howlgalka ATMIS-ka. AUSSOM waxaa la aas aasay 1dii Janaayo 2025 iyadoo ogolaansho laga helay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hawlgalka ayaa loo oggolaaday in…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo booqanaya Qatar

Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Qatar, ka dib markii uu casuumaad ka helay dowladda Qatar. Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona dhowr maalmood. Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne ka tirsan maamulka iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Qatar. Madaxweynaha iyo…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo furay Madasha Wada-tashiga Qaran ee Mustaqbalka Siyaasadeed

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee looga hadlayo mustaqbalka siyaasadda dalka. Ajandayaasha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah xoojinta midnimada qaranka, dhameystirka dastuurka, hannaanka doorashada, la dagaallanka argagixisada, dhisidda dowladnimo xooggan. Madashu waxa ay la kulantay dhaleecayn uga imanaysa madaxda mucaaradka oo…

Read More

DFS Oo Shaacisay Xiliga Uu Furmayo Shirka Uu Ku Dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (QJ) – Shir ballaaran, oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 16-ka June si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Qaban qaabada ugu danbeysa ee…

Read More

Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la soo gebagebeeyey wejigii ugu horeeyey ee sahminta Shidaalka

Muqdisho (QJ) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la soo gebagebeeyey wejigii hore ee Shidaalka iyo Gaaska laga baarayay qeybo ka mid ah badda Soomaaliya. Waxaa la xaqiijiyay in si hufan, sinaan iyo sinnaan looga faa’ideysan doono kheyraadkan dalka, laguna horumarinayo hab-nololeedka shacabka Soomaaliyeed. Sidaas…

Read More

Xildhibaan Scott Perry Oo Soo Bandhigay “Xeerka Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland”

Washington (QJ) – Maanta, Congressman Scott Perry (PA-10) waxa uu soo bandhigay Xeerka Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo sharci si rasmi ah loogu aqoonsanayo Somaliland qaran gooni ah oo madaxbannaan. Sharcigu waxa uu u jihaynayaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka si ay ula jaanqaado lammaane cusub, deggan oo iskii isu maamula ee gobolka sii kordhaya…

Read More

Barlamanka Puntland oo ka doodaya kala gurka SSC-Khaatumo iyo Puntland

GAROOWE- Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta oo Axad ah 15-ka bishan June ka furmaya magaalada Garoowe. Furitaanka shirka ayaa waxaa khudbad dastuuri ah ka jeedin doona madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la filayo in uu ka hadlo waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya….

Read More

Somaliland oo ka qeybgashay shir caalemi ah iyo Soomaaliya oo ka carootay

Windhoek (QJ) – Calanka Somaliland Oo Markale Kasoo Muuqday Masraxa Caalamiga Ah Ee Garab Taagan Calanka Somaliya Kaasi Oo Kasoo Qayb Galay Shirka Wada-hawlgalayaasha Dhaqaalaha Afrika Calanka Somaliland ayaa mar kale si weyn uga dhex muuqday fagaarayaal caalami ah, waxaana lagu garab taagay calanka Soomaaliya, xilli uu socday shir caalami ah oo looga hadlayay dalalka…

Read More

Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Ay Dishay Hogaamiyihii Al-Shabaab Ee Gobolada Dhexe

Muqdisho (QJ) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la dilay hoggaamiyihii Al-shabaab ee gobollada dhexe, Nuur Cabdi Rooble (Nuunule). Wasiirka gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in horjoogahan oo ay wehliyaan saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday goob uu shir ku lahaa…

Read More

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Somaliya Ku Eedeeyey In Ay Warbaahintu Samaysay

Hargeysa (QJ) – Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si adag uga hadlay muranka ka taagan khariidadda BBC-du toddobaadkan daabacday, kaasoo muujinayay inaanay Somaliland ka tirsanayn Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si xasaasi ah uga falcelisay arrintaasi, islamarkaana ay waji gabax kala kulantay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo…

Read More

Soomaaliya Oo Isku Shaandheyn Cusub U Magacaawday Taliyaha Cusub Ee Sirdoonka

Muqdisho (QJ) – Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay magacaabista Mahad Maxamed Salaad oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), taasoo ka dhigan in isbedel muuqda uu ku yimid hoggaanka Hay’adaha amniga dalka. Taliyaha cusub ee loo magacaabay Nabadsugida ayaa khibrad weyn u leh…

Read More

Madaxweyne Xasan oo mucaaridka ugu baaqay Madal Wada-tashi

Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Madasha Wada-tashiga Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo Bulshada, kaasoo 15-ka June 2025 ka furmaya magaalada Muqdisho. Go’aankani wuxuu daba socdaa wadatashiyo ballaaran oo ay yeesheen madaxweynaha iyo madaxda dowlad goboleedyada, madaxdii hore ee qaranka, ururada siyaasadda, iyo bulshada rayidka…

Read More

Madasha Xisbiyada Mucaaradka Oo War-murtiyeed Ka Soo Saartay Xaalada Siyaasadeed Ee Soomaaliya

Muqdisho (QJ) – Madal ay ku mideysan yihiin mucaaradka oo caawa ka dhacay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka. War-saxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka tanaasulay dastuurkii iyo shuruucdii qaranka, isla markaana uu meesha ka saaray heshiisyadii siyaasadeed ee dhidibada…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Saaxiibada Somaliland Ee Dalka Kenya

Nairobi (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Dr. C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay dalka Kenya, ayaa kulan ballaadhan la qaatay saaxiibada Somaliland ee fadhigoodu yahay dalka Kenya. Madaxweynaha waxa ku wehelinayey xubno ka mid ah weftigiisa iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xafiiska Somaliland ee dhawaan laga furay magaalada Nairobi ee…

Read More

Mareykanka ayaa ka walaacsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiradda saaro siyaasadda la dagaalanka argagixisada.

Washington (QJ) – Dowladda Mareykanka ayaa walaac aan caadi ahayn oo xooggan ka muujisay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ku eedeysay inuu ka hormarinayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadda gudaha dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab. “Waxaan ka walaacsanahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diiradda saaro arrimaha siyaasadda gudaha, bedelkii uu xoojin lahaa dagaalka…

Read More