Wargeyska AL ITTIHAD Oo Is Barbar-dhig Ku Sameeyay Horusocodka Dawladda Somaliland Iyo Dib u Dhaca Bariinsaday Soomaaliya Iyo Isbedel ku Yimid Mawqifkii Imaaraadku ka Taagnaa Somaliland
Dubai 24.May 2016 (SDN/QJ):- “Xilli weli mushkilado ka taagan yihiin Soomaaliya, ayaa qeybtii hore ee Waqooyi oo loo yaqaan Jamhuuriyada Somaliland, oo madaxbanaanidooda ku dhawaaqay sannadkii 1991-kii, markii xukuumadii dhexe burburtay, ayaa mudadii ka dambaysay ka gaadhay horumar dhinaca dhaqaalaha iyo nabadgelyadda oo abuuray jaamacado aqoonta kobciya,” ayaa lagu bilaabay warbixin wargeyska Al Ithihaad ee…
