“Dugsigii Haweenka ee Hargeysa waxaa Qaadatey Marwada Koowaad, Ee Dadka Xaafadda Axmed-Dhagax haka Dagaalamaan in la iibiyo Xerada Birjeex, Waayo……..?” Siyaasi Cabdi Haybe
Hargeysa 11. February,2016(SDN/QJ):– Wasiirkii hore Wasaaradda caafimaadka Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale Cabdi Haybe Maxamed, ayaa mar uu ka hadlaya xaflad xisbiga WADDANI ku soo dhawaynayeen siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan Iyo taagerayaashiisa waxa uu ka digay warar sheegaya in in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay qorshaynayso inay iibinayso dhismaha Xerada Ciidamada ee Bir-jeex. Cabdi Haybe isagoo arrimaha ka…
