Category: Wararkii ugu Dambeeyay
Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Hoggaaminayo oo Socdaal isaga dab qaaday Deegaamadda Saylac ilaa Lawyacado ee Gobolka Salal SAWIRO/DAAWO
Saylac 15. February 2016 (SDN/QJ):- Wefti ballaadhan oo uu hoggaamiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaannada Gobolka Selel, gaar ahaan Saylac ilaa Lowyacado oo ku taalla xuduudka dalalka Somaliland iyo Jabuuti. Weftiga oo xalay [Habeennimada 14/02/2016] u hoyday magaalada Saylac ayaa xaflad si weyn…
RW Somalia oo Sharraxaad ka bixiyay Qodobada Dastuurka KMG ee wax laga bedelay
Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay wehliyaan xubno Wasiirradiisa ka tirsan, ayaa maanta ka hor-jeediyay khudbad Baarlamaanka Somalia, isagoo faahfaahin ka bixiyay 10-ka cutub ee Dastuurka KMG ah ee Somalia oo isbadal lagu sameeyay. RW Cumar ayaa xusay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay xaqiijinta Wada-tashi ballaaran oo lagu…
Khudbaddii R.Wasaare K/Xigeenka ee Kulanka Horu-marka iyo Dib u Dhiska Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka (SDRF)
Muqdisho, February 15, 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carte oo maanta shir gudoominayay shirkii Horu-marinta iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka (SDRF Meeting) ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan qorshayaasha horu-marineed ee ka socda guud ahaan dalka Somaliya. Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socda dawlad goboleedyada sida Puntland, Galmudug, Jubbaland,…
Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Buuhoodle,Bedelkiisina Magacaabay, Telefishanka Qarankana Hoos geeyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Xubin uu u Magacaabay Komiishanka Maamul Wanaaga
Hargaysa 15. February 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne ku Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle, Isagoo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee Gobolkaas, sidoo kalena Tv Qaranka waxa uu Hoose geeyey Wasaaradda Warfaafinta, halka uu Xubin Cusubna u magacaabay Komishanka Maamul-wanaagga. Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Afhayeenka Cusub ee Qasriga…
Gudoomiye Muuse Biixi oo ku Guulaystay Qaybtii u weyneyd ee Qorshihiisii ahaa in Warbaahinta Dawladu u adeegto Siyaasadiisa Murashaxnimo
Hargaysa 15. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa la rumaysan yahay inuu ku Guulaystay Talaabadii Kowaad ee uu u qaaday in Mas’uuliyiinta aan La Dhacsanayn Siyaasadiisa laga bedelo Wasaaradaha Muhiimka ah. Gudoomiye Muuse Biixi ayaa Mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa Sidii Warbaahinta Dawladu Maamusho ay u…
Daawo Sawirada: Qarax lagu dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo Muqdisho ka dhacay
Muqdisho — Waxaa duhurnimadii maanta qarax xoogan oo gaari nuuca raaxada lagu soo xiray lagu dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadii KMG aheed ,Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii dalka soo maray. Masuulkan ayaa gaari yar uu watay oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu ku qarxay agagaarka…
GAAS: “Waxaan Qorshaynaynaa Inaan Ka Go’no Soomaaliya Inteeda Kale”
GAROWE — Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyay wargeyska lagu magacaabo Kaah Bari ee ka soo baxa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ku dhaqaaqi doonto saddex go’aan oo ay ka mid yihiin in ay…
Boorama: Waxaan weli garan La’nahay Dadka Soomaaliyeed Goorta ay Waddanka Kala Qaybsadeen iyo Goorta ay Jinsiyaad kala noqdeen
Boorama — Sheekh Xassan Khayre Dirir oo ka mid ah culimada gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama ayaa si kulul uga hadlay go’aankii xukuumadda Somaliland ay dalkeeda kaga saaraysay dadka ajaanibta ah gaar ahaan Soomaalida, isagoona sheekhu sheegay in aanay macquul ahayn in ummadda Soomaaliyeed lagu sheegay ajaanib isla markaana dalka laga saaro. Sheekh Xassan…
Taxanihii Qisaska Nolosha iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood Kala Soco Qurbejoog.com {DHAGAYSO}
Hargeysa 15. February 2016 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku…
Cuqaasha Gobolka Buuhoodle oo Khasaarihii Dhimashada iyo Dhaawaca lahaa ee Ka Dhacay Deegaanka Carro-weyne Mas’uuliyadiisa dusha ka saaray Cali Khaliif Galaydh DAAWO
Buuhoodle 15. February 2016 (SDN/QJ):- Cuqaasha iyo Odayaasha Gobolka Buuhoodle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa cambaareeyey falkii waxashnimada ahaa ee ay maleeshiyada Cali Khaliif ku xasuuqeen dad reer Guuraa ah oo ku sugnaa Deegaanka Carro-weyn oo isla gobolkaasi ah Cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle oo tacsi u diray eheladii dadkii falkaa waxyeeladu ka…
Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Buuhoodle oo Lagu soo dhaweeyay Degmadda Widh Widh DAAWO
Widh Widh 15. February 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Buuhoodle Jaamac Dheeg Cartan iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmadda Widh-Widh Waxaanu Gudoomiyuhu ka Xog waramay Ujeeddada Socdaalkiisa.
Maalintii Sadexaad oo Gobolka Awdal ay ka socoto Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Iyo Loolanka Xisbiyadda Siyaasadda DAAWO
Boorama 15. February 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici,Hogaanka Sadexdda Xisbi qaran iyo Mas’uuliyiinta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa soo Kormeeray Deegaamo door ah oo ka Tirsan Goboladda Awdal iyo Salal oo ay ka socoto hawsha diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Waxa uu Kormeer ku soo Maray Jiido door…
(DAAWO)Liver Pool oo Goolal Ku Hanfisey Aston Villa.(JAAHUUR)
London-Feb-14-(SDN/QJ)Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku bidhaamineynaa horyaalka Ingiriiska(Premier League) oo meel xasaasi ah maraya. Kooxhii waaweynaa oo duufaantu ku habsatey oo madaxa la soo kacay sida Arsenal oo 2-1 uga badisey Leicester hogaankana u haysa horyaalka. Haddana Liver Pool oo meel aan u qalmin horyaalka kaga jirta ayaa ku nafbaxdey Aston Villa kuna asqeysiisey goolal…
“Dekedo ay Xaafado dhisanayaan wax jira maaha, Dadka wadaana waxay doonayaan….” Maareeyaha Dekedda Berbera
Berbera, 15. February 2016 (SDN/QJ):– Maareeyaha Dekedda Magaalada Berbera Cali Maxamed Cali (Xoor-Xoor), ayaa ka hadlay Shaqaado doraad Subax Deegaanka Ceel-gardi ee Duleedka Bari ee Magaalada Berbera ku dhex martay Dablay hubaysan oo diiddan Dhismaha Deked Macmal ah oo laga wado deegaanka Ceel-gardi iyo Dadka wada Dekeddaas. Maareeyaha oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo isaga iyo…
Ciidammo Milletari ah oo loo hawl-galiyey soo qabashada Dablay Weerartay Deked Dhismaheedu ka socdo Duleedka Berbera
Ceel-garde, 15. February 2016 (SDN/QJ):-Deegaanka Xeebta ah ee Ceel-garde oo Qiyaastii 35 KM u jira Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa Doraad Subaxdii hore waxa ka dhacay Shaqaaqo dhex martay Maleeshiyaad beelaysan oo ka mid ah Dadka deggan deegaanka Ceel-garde iyo Dad ilaalo ka hayey Deked Macmal ah oo laga yagleelayo Ceel-garde. Shaqaaqadan…
Heerka Halista ah ee Abaaruhu ka marayaan Deegaamadda Somaliland iyo Dhawaqa Naxdinta leh ee dadka ay Saamaysay DAAWO
Faraweyne 15. February 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Degmadda Faraweyne Iyo Waxgarad kale ayaa ka hadlay baaxada abaarta ka taagan Jiidaha hoos taga degmadaasi isla markaana ugu baaqay Xukuumadda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ahiba inay ka qayb qaataan Sidii Gurmad loo Gaadhsiin lahaa Dadka Ku Tabaaloobay abaartan.
Qaramada Midoobay oo wax laga weydiiyey taageeradooda Abaaraha daba dheeraaday ee ka taagan Geyiga Somaliland
New York 15. February 2016 (SDN/QJ):-Qaramadda Midoobay ayaa ka hadlay xaaladaha abaareed ee ka taagan wadammo Somaliland ka mid tahay iyo mowqifkooda taageero ay ka geystaan wax-ka-qabashada xaaladaha haysta bulshada ay saamaysay. Afhayeenka Qaramadda Midoobay Mr. Stéphane Dujarric iyo Ergeyga Xoghayaha QM u qaabilsan Arrimaha Gargaarka iyo Bani’aadminimada Mr. Stephen O’Brien oo dhowaan wadajir…
War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Golaha Xukuumaddiisa Ku Sameeyay Isku-shaandhayn, Magacaabis iyo Xil ka qaadis
Hargaysa 14.Feb 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa isku-shaandheyn ku sameeyey golihiisa xukuumadda, waxaanu madaxweynuhu digreeto uu caawa soo saaray uu isku beddel, magacaabis iyo xil-ka-qaadis ku sameeyey wasiirrada, wasiir ku-xigeenno iyo masuuliyiin sar-sare. Digreetada Madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:- ”Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu…
Abaaraha Somaliland: Xukuumadda Oo Ku Foogan Gobolada Galbeedka Iyo Shacabka Gobolada Hawdka Iyo Bariga Oo Tebaya
Hargaysa(QJ/SDN)- Abaar Baahsan oo saamayn Adag ku yeelatay Dadkii iyo Duunyadii sanadkana ka taagnayd Somaliland ayaa waxa ay waxyeelo badan u gaysatay bulshada ku dhaqan Gobolada iyo degmooyinka dalka,una Nugul Hada Abaartan oo ku dabo Dheeraatay. Bulshada Somaliland ayaa Qaylo Dhaan ku aadan Abaaraha ku habsaday u diray xukuumada kana Dalbatay in ay Gargaar Duunyo…
Marwadda Madaxweyne Siilaanyo oo Magaaladda Gebilay Maanta Ku Tagtay Olole Kulmiyeysan Isla Markaana Sheegtay in Gebilay Tahay Xarunta Kulmiye DAAWO
Gebiley 14.February 2016 (SDN/QJ):-Marwadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Aamina Sheekh Maxamud Jirde iyo Wefti ka Tirsan Golaha Xukuumadda oo ay hogaaminayso ayaa Maanta Socdaal Shaqo ku tegay Magaaladda Gebilay iyadoo Xadhiga ka Jartay Mashaariic dhanka Horumarka ah . Marwada oo Hogaaminaysa Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda iyo Mas’uuliyiin Xilal ka haya dawlada ayaa Kormeerkooda Waxay ku Sheegtay…
