Siyaasiga C.rashiid Xasan Mataan oo si rasmi ah ugu Biiraya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Saamaynta Loolanka Siyaasiyiinta Gobolka Awdal oo Cirka maraya

Hargeysa 8. February,2016(SDN/QJ):– Siyaasiga C.rashiid Xasan Mataan oo hore u ahaa Murashixii Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Ucid isla markaana Xilkaas iska casilay dabayaaqadii sannadkii tegay Kadib Markii Khilaaf Xadhkaha goostay uu soo kala dhex galay Gudoomiye Faysal iyo Murashixiinta Madaxtinimo ee Xisbigaas ayaa si buuxda u go’aansaday inuu ku biiro Xisbiga Mucaaridka ah ee…

Read More

Waraabayaal Haraadan oo Weerar ku qaaday Dadka Iyo Duunyadda ku dhaqan Tuuladda Gumar ee Gobolka Hawd DHAGAYSO

Hargaysa 8. February,2016(SDN/QJ):– Tuulada Gumar ee Gobolka hawd oo ah deegaanada ay abaarta iyo biyo la’aanta baahsani ka taagan tahay ayaa maanta waxa Iska hor imaad adag ku dhexmaray dadweynaha deegaankaasi iyo raxan waraabayaal ah oo aad u haraadan kuwaas oo duhurnimadii Shalay soo weearary dadweyne iyo xoolo ka cabayey meel baraag ah oo ay…

Read More

Xuska 43 Guuradii ka soo Wareegtay Dhimashadda Abwaan C.laahi Suldaan Timcade oo Gebilay Lagu Muuneeyay DAAWO

Gebiley 8. February,2016(SDN/QJ):– Waxaa Magaaladda Gebilay Lagu qabtay Xuska 43 Guuradii ka soo Wareegtay Geeridii Abwaankii Caanka ka ahaa Geyiga ay degaan dadka ku hadla Luuqadda Somaliga alle ha u Naxariistee C.laahi Suldaan Timcade,Waxaana ka qayb galay Xuskaasi Hal abuuro Waaweyn,Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha qaranka Somaliland iyo Marti sharaf kale.

Read More

Somaliland: Kufsiga loo geysto Sida Wadarta ah oo soo badanaya & Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka oo faahfaahiyey DAAWO

Hargeysa, 8. February,2016(SDN/QJ):– Dambiyada Kufsiga ah ee ka dhaca Somaliland, ayaa sidii hore ka sii kordhaya guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland.   Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegay in Tiro-koob Xafiiskiisu sameeyay Sannadkii 2015 iyo Sannadkii ka horeeyay ee 2014-ka ku ogaadeen inay sii kordhayaan Kiisaska Kufsiga ah ee…

Read More

Duulimaadkii u horeeyay ee Turkish Airline Oo Soo Caga Dhigatay Garoonka Egal International Airport Ee Magaalada Hargaisa

Hargeysa 8. February,2016(SDN/QJ):–Diyaaradii ugu horaysay ee laga leeyahay dalka Turkiga ee Turkish Airline oo Shalay Galab Soo caga dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Egal International Airport.   Diyaaradan oo siday dad rakaab ah ayaa hordhac u ah duulimaad yada shirkada Turkish Airways ku iman doonto magaalada Hargaysa taas oo ay ku diirsadeen dadwaynaha ku dhaqan…

Read More

FBI-da Maraykanka oo ku biirey baadhitaanka Qaraxii Diyaaradda Daallo & Telefiishanka CNN oo baahiyey waxa loo adeegsaday Qaraxa

Muqdisho, 8. February,2016(SDN/QJ):– Saraakiil ka tirsan FBI-da dalka Mareykanka ayaa gaadhay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay ku biireen Hay’adihii amaan ee hore baadhista ugu waday qaraxii diyaaraddii Daallo Airlines.   Diyaaraddan oo ka duushay garoonka Muqdisho ayuu Qaraxu qabsaday Salaasadii aynu soo dhaafnay iyadoo kusii jeeday dalka Jabuuti, waxaana qaraxa oo aan si dhab…

Read More

War-bixin Xukuumadda ku Eedeysay inay Indhaha ka qarsato Gabood-fallo Dadka La Hayb-soocaa kala kulmaan Qabaa’ilka kale, Booliska & Maxkamadaha oo Musuqmaasuq lagu dhaliilay

Accra 8. February,2016(SDN/QJ):–  Warbixin lagaga hadlay korodhka falalka kufsiga ee Somaliland ayaa lagu sheegay in qabaa’ilka waaweyn aanay ixtiraamin dadka la hayb-sooco, maaddaama aan ciqaabo badan la marsiin falalka ay ka galaan.   Sida lagu baahiyey warbixin urur lagu magacaabo SIHA, oo ka shaqeeya arrimaha haweenka Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudahu…

Read More

“Waxaan Idinka Codsanayaa Inaad Meesha Ka Saartaan In Baarlamaankeenna Laga Maarmay” Madaxweyanaha Somalia

Muqdisho 8. February,2016(SDN/QJ):– Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta khudbad dhinacyo badan ka jeediyay kulan aan caadi ahayn oo Baarlamanka FS ay ku yeesheen Muqdisho, isagoo ka hadlay Siyaasadda, Shirkii lagu go’aamiyay doorashada dalka, dhallinyarada iyo qodobbo kale. Furitaankii kulanka ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha baarlamanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ka warbixiyay…

Read More

“Madaxweynaha waxaynu ugu duceynaynaa inuu noqdo mid ILAAHAY ka cabsanaya oo Dariiqa xaqa ah innagu Hoggaaminaya….”

Berbera, 8. February,2016(SDN/QJ):– Sheekh Jaamac Allaale Yuusuf oo ka mid ah Culimada Gobolka Saaxil, ayaa Khudbaddii Jimcihii dhawaa Dadweynaha ugu baaqay inay Madaxweynaha u duceeyaan inuu noqdo Hoggaamiye ILAAHAY ka cabsada oo jidka xaqa ah Dalka ku hoggaamiya.   Masaajidka uu Sheekhu ka akhriyey khudbadda Jimcaha oo uu fadhiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Safar ku…

Read More

Qoys Laascaanood degan oo Ummadda ka codsaday inay la bixiyaan Deyn dhan $180 KUN oo loo haysto

Laas-caanood 8. February,2016(SDN/QJ):–Hooyo Ruun Kaariye ayaa ummada islaamka ka codsatay inay ka soo caawiyaan deyn fara badan oo loo haysto, ka dib markii inankeeda oo hayey xanuunsaday. Qoyskan oo war Baahinta Gobolka Sool lahadlay ayaa sheegay xili ay ku wehelinayeen qaar kamida Culimada Laascaanood iyo dad qaraabo la ah  In loo haysto lacag dhan $…

Read More

(DAAWO) Inter Iyo Verona oo Goolal Isku Hufey. (JAAHUUR)

        Italy-Feb-07-2016(SDN/QJ)Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu iclaamineynaa horyaalka Talyaaniga oo meel xasaasi ah maraaya,waxaana goradda iskugu jira Napoli iyo Juventous. Ciyaaraha xiisaha badan ee maanta la ciyaarey waxaa foodda isla galey Barcelona oo 2-0 ugu awood sheegatey Laventa, Man United iyo Chelsea-na waxay isla dhaafiwaayeen 1-1. Haddaba horyaalada ka kala socda Talyaaniga(Seria A,Spain…

Read More

Aqoonyahan Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi Oo La Filayo In Uu Ka Dhex Muuqan Doono Isku Shaandhaynta Soo Socota Ee Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa 7. February,2016(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu dhawaan isku shaandheyn sal balaadhan ku samayn doono xukuumadiisa, taas oo ay xogaha qaar tibaxaayaan meelaha qaar la isku badali doono halka qaar cusub na lagu soo dari doono, haddaba dadka maalmahan dambe suuqa iyo goobo badan oo u dhuun daloola qasriga madaxtooyada laga hadal hayay ayaa…

Read More

Mid ka Mid ah Salaadiinta Bariga Hargaysa oo Difaacay Xuquuqda Lahaanshaha ee Ganacsade Cumar Caydiid ee Tiyaatarka Hargaysa, Jawaabna ka Bixiyey Hadalo ka soo Yeedhay qaar ka Mid ah Madax dhaqameedka DAAWO

Hargeysa 7. February,2016(SDN/QJ):– Suldaanka Suldaan.Cabdirixiin Saxariid Kaahin oo ka Mid ah Madax dhaqameedka Beesha Bariga magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horeysay ka Hadley Arimo ay ka mid yihiin muranka ka taagan Baraxada hore ee Tiyaatarka magaalada Hargeysa,Hadalo isdaba jooga oo ka soo yeedhay Madaxdhaqmeed ay ka mid yihiin,Boqor Buurmadow iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Suldaan.Cabdirixiin…

Read More

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadashay Muranka ka Taagan Dhismaha Tiyaatarka Soona Bandhigay Qoraalo Sharci DAAWO

Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):–Xukuumada somaliland ayaa maanta ka hadashay arintii ka taagnayd tiyaatarka magaalada hargaysa. Wasiirada wasaaradaha warfaafinta iyo hawlaha guud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa sharaxaad iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabkii lagu bixiyey dhulkaasi iyo noovcyada kala duwan ee dhulku ka kooban yahay. Ugu horayn wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Dawladda Somalia ku eedeeyay inaanay Daacad ka ahayn Wada hadaladda labada dal

Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):– Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dawladda Somaliya ku eedeeyay inaanay daacad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, taas oo sabab u ah faashilka ku yimid wada hadaladii u dhexeeyay labada dawladood. Wasiir Sacad, oo waraysi siiyay jariirada Ethiopian reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee…

Read More

“Madaxweyne Waxaa Dalka Jahawareerinaya Xamas kaa Sokaysa ee ka hadal arrimaha dalka ka taagan oo Aamusnida iska daa’aa” Xildhibaan Cali Aareeye

Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye  oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in aanu ka aamusin khilaafka ka taagan Tiyaatarka, ee uu ka hadalo, waxaanu sheegay inuu sharci daro lagu xidhay Ganacsade Cumar Caydiid oo uu tilmamay in aan xadhigiisa loo marin nidaamkii sharciga ahaa. Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye…

Read More