Mas’uuliyiin Xukuumadda ka Tirsan oo ka Galgashay inay La Kulmeen Siyaasiyiinta Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye
Hargaysa, 31 January, 2016-(SDN/QJ) :– Saddex masuul oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kana soo jeeda koonfurta magaalada Hargeysa ayaa wada jir u beeniyay inay toddobaadkan kulan la yeesheen xubno ka tirsan isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIYE oo u badan wasiiradii iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, guddoomiyaha hay’adda NDC…
