|

Mawqifka Beesha Subeer Awal ee Qabsoomid la’aanta Doorashooyinka iyo Bayaan ay u Gudbiyeen Golaha Guurtida Somaliland DAAWO

Hargaysa 30.April 2015 (SDN/QJ)- Beesha Subeer Awal waxay aaminsantahay jiritaanka iyo sugidda gooni-isutaaga qarannimada Somaliland. Waxay aaminsantahay oo ay ixtraamaysaa, kuna dhaqmaysaa dastoorka qaraanka, xeerarka iyo shuruucda u yaal Jamhuriyada Somaliland. Waxay ka soo horjeedaa cid kasta oo si toosa iyo si dadbanba uga soo horjeeda jiritaanka iyo dastoorka Jamhuriyadda Somaliland waxayna la kaashanaysaa ILAAHAY, beelaha Somaliland iyo cid kasta oo danaynaysa jiritaanka Jamhuriyada Somaliland.

XASAN SULDAANBeeshu waxa ay qadarinaysaa oo ay ixtiraamaysaa karaamada  golayaasha qaranka iyo dhamaan xisbiyada qaranka ee dastuuriga ah. Waxa kalooy ixtiraamaysaa dhamaan beelaha somaalilnd iyo shacbiwaynahaba, una haysaa karaamo walaalnimo wada tashi iyo nabad kula noolaansho

Waxay ku wargalinaysaa beelaha, “Wax ka wada maqan mooyee in aanay ka warqabin wax ku kala maqan”. Sidaa daraadeed, beesha subeer awal waxay manta u taagan tahay badbaadinta qaranimada Somaliland iyadoo la kaashanaysaa ILAAHAY iyo beelaha somaaliland ee ay walaalaha yihiin, naf iyo maalbana u hooraysa sidii horeba loogi yiqiin.

GOLLAHA GUURTIDA:-

Waxaynu ka wada war qabnaa;

  • Sidii lagu aasaasay, halkii lagu aasaasay, cidii  aasaastay iyo hadafkii loo aasaasay Golaha Guurtida Somaalind.
  • Marxaladihii ay Soomalilnd soo martay iyo kaalintii ay G/Guurtidu ku lahayd shar iyo khayrba.
  • Sharciyada mudo xileedkooda ee ay  ku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kuna matalaan shacbi waynaha somaaliland.
  • Cidina dafiri karin mudadii dheerayd ee uu jiray Golaha Guurtidu sida ay shacbiga Soomaaliland ugu sabreen go’aan kasta oo ay qaateen Gollaha Guurtidu.
  • In Gollaha Guurtida lagu magacaabay shirbeeleedkii Hargaysa iyo Axddi Qarameedkii Boorame, mudadaas dheer ee ka dambaysay oo dhanna sharci darro ku fadhiyeen G/Guurtidu.
  • In Golaha Guurtigu ka baaqsadeen shaqadoodii nabadgalyo iyo dhaqan iskuna koobeen maalinba dawladda xilkeedii gudan wayday oo ay mudadda u kordhiyaan. Taas oo ay ku lumiyeen sharaftoodii iyo karaamadoodi shacbigu u hayeen, kuna jabiyeen dastuurki iyo shuruucdii dalka.

 

 

Hadaba Beesha Subeer Awal waxay si mug leh oo aan u kalahadh lahayn cod dheer ugu baaqaysaa Gollaha Guurtiga, iyadoo ixtraamaysa dastuurka qaranka iyo rabitaanka shacbiga Somaaliland, in aanay Gollaha Guurtigu ka talaabsan heshiiska saddexda xisbi qaran iyo qaadhaan bixiyaasha, iyo soo jeedintii Komishanka qaranka ee xilliga farsamo ahaan doorasho ku qabsoomi karto, oo lagu soo jaan gooyey June 1, 2016.

 

Guurtiyeey Haddii aad iska dhago marisaan xilligaa doorashada ee 1da June, 2016 ee lagu heshiiyay oo aad ka raacdaan danno siyaasadeed oo cid gaar ah u adeegaysa, taasoo ka hor imanaysa dastuurka, xeerarka iyo rabitaanka shacbiga somaaliland, waxay arrintaasi horseedi karta nabadgalyo xumo iyo khilaaf siyaasadeed oo sababa cawaaqib xumo. Mas’uuliyadeedana gollahu yeelan doonno.

 

Beesha subeer awal waxa ay ogaysiinaysaa beelaha soomaalind, golayaasha qaranka iyo xisbiyada qarankaba “in aanay Beesha Subeer Awal marnaba ogaalaandoonin muddo kordhin khilaafsan ta laysku raacay.”

 

XUKUUMADDA.

 

Xukuumada uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxay Beesha Subeer Awal u arragtaa in ay ku fashilantay guddasahada xilkeedii ay umadda soomaaliland u igmatay.

 

Waxa marag madoon ah dhaliilaha baahsan ee dhinacayada siyaasadeed, maamul, dhaqaale, nabadgalyo, caddaaladeed, sharciyeed iyo doorashada ku qabsoomi wayday wakhtigeedi dastuuriga ahaa masuuliyaddeedana madaxwaynuhu leeyahay.

 

Beesha subeer awal waxay madaxwanaha u sheegaysaa in muddo xilleedkiisi sharci ku eegyahay 26 june 2015,  Sidaa awgeed beeshu kalsooni kuma qabto in xukuumadaadu suuragalin Karto doorasho xaq iyo xalaal ah oo ku qabsoonta xilligeedii (1 June 2016).

 

 

BAAQ.

Beesh Subeer Awal waxay ugu baaqaysaa;

v Gollaha Guurtida in aanay samayn muddo kordhin ka badan xilligii laysla ogolaaday.

 

v Madaxwaynaha Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in uu “kulan wada tashi” isuga yeedho Axsaabta siyaasada, urrurada bulshad, aqoonyahanada iyo beelaha somaalilnd inta ka horaysa 26 june 2015,

“si loo hello xukuumad lagu kalsoon yahay oo dhalisa midnimo qaran, dalkanna gaadhsiisa doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda.”

 

v Beelaha somaaliland, xisbiyada qaranka, urrada bulsho,  hogaan dhaqameedka, maddash iyo waxgaradka Somaliland “in ay si xilkasnimo ah oo waddaniyad leh oo aan curfi lahayn ugu guntadaan sidii loo baajin lahaa khilaaf siyaasadeed oo keeni kara qas iyo qalalaase, loona heli lahaa talo nasteexo u ah dalkan iyo dadkiisaba.”

 

Mahad ALLAAH Leh.

 

Comments are closed