|

Gudida Dhismaha Wadada cad Ee Isku Xidha Hargeysa iyo Sallaxley Oo Deeq lacag dhan89,524 dollar Lagu Wareejiyay DHAGAYSO CODADKA CALI SANYARE IYO WASIIR MAXAMED MUSE ABEES+Sawiro

Hargeysa Jan 31,2014(SDN)-Guddoomiyaha guddida wadada cad ee isku xiri doonta degmooyinka Sallaxley iyo Ina Guuxaa Md Cali Ibraahim Sanyare ayaa Hargeysa lagu guddoonsiiyay Lacagahii u tirada Badnaa ee soo ka gaara Qurbejooga degaanka Hargeysa intii dib loo bilaabay qeybtii labaad ee dhismaha Wada Cad.

Md Sanyare ayaa intaa raaciyay warbixin uu uga waramayo marxaladihii ay soo martay mashruuca wadada cad,iyo sida durtaba looga faaiideystay.

Waxa isna halkaa hadal qiimo leh ka jeediyay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Somaliland Md Maxamed Muuse Abees.

Md Abees ayaa halkaa uga mahadceliyay guud ahaan Dumarka iyo Qurbejoogaba oo wadada dhismeheeda gacan ka geystay.

Md Abees waxa uu sheegay in Xukuumada Somaliland ay tilaabo walba oo dhismaha wadada ah ay gacan ka geysan doonto.

Halkan Hoose ka dhegeyso sida ay Jaaliyadahu u soo kala bixiyeen Lacagaha ay ugu deeqeen dhismaha Wadada Cad iyo khudbadihii Masuuliyiinta.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/abees.mp3″]

HALKAN GUJJI OO DHEGEYSO KHUDBADIHII GUDOONKA LACAGIHII QURBEJOOGU UGU DEEQEEN DHISMAHA WADADA CAD

 

 

Comments are closed