|

Xoghayaha Kalumaysiga iyo khayradka Bada ee Xisbiga Ucid oo Canbareyey Hadalo ka soo yedhay Wasiirka Kalumaysiga iyo Khayradka Bada Somaliland Socdalo uu ku Tagay Gobolada

London 31Oct14(SDN) Xoghayaha Kalumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Xisbiga Ucid ayaa ka war bixiyey  war bixin uu wasiirku Kalumaysiga iyo Khayraadka Bada Somaliland  safaro u tagay gobolada iyo xeebaha s/land  Xoghayaha oo qoraal soo gaadhsiyey Warbaahinta ayaa waxa ku bilabay hadalkiisa  waxanu is waydiinay in Wasiirku uu hore u ahaa wasiir iyo in imika lo dhiibay xilka waayo waxaad mooda in aanu horeba aanu wasaarada warba ka hayn sida uu hadalka u dhigay waxa uu wasiirku cadeeyey in ay jiraan Kalumaysato aan u dhalan s/land inay ka  kaluumaysato xeebaha Dalkeena oo anu ka war hayn ayna gacancsadta s/land ku cidhiidhyeen suuqi kaluunka iyada oo aanay jirin kaluunka s/land lageeyo Muqdisho Taasina waxay keentay in ay howlgab ka dhigto kaluumaysatadii s/land . Wasarada kuluumaysugu waxa ay jirtay afar sandood markaasana waxii waxba ay  ka qaban kari waayeen wasiirku ku eedeyey dadka masaakiinta ah oo uu yidhi marmarka qaarkood ayey kaluumasatadu joojiyaan shaqada oo aanay waxba soo saarin waxa kale oo uu ku daray  Wasiirku  in ay kaluumaysatada haysato qalab xumo taasina waxa ay cadaynaysa in uu wasiirku danbi uu leeyahay ku canbaareeyey danyarta kaluumaysatada ah isaga oo hore u yidhi gobol walba waanu u dhamaystirnay qalabka lagu kaluumaysto oo ay ka midyihiin kaluumaysatada reer lasqoray. imika iyo haatana waxay kaluumaysatada reer s/land waxay u baahan yihiin in loo sameeyo tababro iyo qalab casriya oo ay wax ku soo saraan waxay u bahanyihiin in loo sameeyo iskaashi iyo suuqayn (marketing) iibgeyin debeda ah

 Xisbiga Ucidna waxa uu   diyaar u yahay inaan  kaa caawiyo hawlahaas kuwaas oo dalka horumarkiisa ah dhamaanteeba inagu waajib ah .
XOGHAYAHA KALUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADA EE XISBIGA Ucid
Cbdillahi Cumar Xuseen (Shaqale)

Comments are closed