|

“Khilaafka waxa kala saari karta oo qudha Maxkamadda Dastuuriga,wax dacwad ah oo loo gudbiyeyna ma jirto, haddii muddadii shanta sanno ahayd dhammaatayna…” Siyaasi C.laahi Jawaan

Hargeysa 30.June 2015 (SDN/QJ)- Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Komishankii u horreeyey doorashooyinka, ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii doorashooyin xor iyo xallaal ah uga qabsoomi lahaayeen Somaliland, isla markaana aanay markale dib uga dhicin waqtiga Guurtidu kordhiyeen ee ku beegan 27 March 2017.

JAWAANWMd. Jawaan oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya xalay, waxa uu xisbiyada mucaaridka iyo siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga kula taliyey inay aqbalaan muddada loo kordhiyey madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, maadaama la isku afgaran waayey heshiiskii siyaasiga ahaa ee xisbiyadu kala saxeexdeen oo ahaa in doorashooyinku qabsoomaan bisha December 2016, laguna adkaystay in loo hogaansamo sharciyadda dalka iyo go’aanka dastuurkiga ah ee muddo-kordhinta guurtida.

Waqtigii shanta sanno ahayd ee la doortay xukuumaddu waxa ay ku dhamaatay 26-kii June 2015 oo ahayd maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay, waxayna muddadaasi dhaaftay iyadoo aan waxba la isla meel dhigin oo Golaha Guurtida oo muddada kordhisay waxay ku adkaysteen go’aankoodii ay muddada ugu kordhiyeen madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, sidaas ayeyna fasaxoodii labada bilood ah ku galeen, markaa anniga waxay iigu muuqataa, maadaama muddadii shanta sanno ahayd dhammaatay in aynaan dawlad la’aan ku dhacayn oo dalku sidaas ku socon maayo, waxaana markaas bilaaban tahay marxalad cusub oo ah waqtiga guurtidu kordhiyeen ee ah inay xilka hayaan ilaa bisha April ee sannadka 2017 iyo heshiiska xisbiyadu isla qaateen ee ah in doorashooyinku qabsoomaan bisha December 2016.”

Waxa uu intaas ku daray; “Muddada la isku hayo ee khilaafku ka taagan yahay waa afar bilood oo qudha, markaa maanta (shalay) waxa aan dhegaysanayey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey heshiiskii xisbiyada, inuu ka hadlana xaq ayuu u leeyahay, haddaba heshiiska la gaadhay waxa uu ahaa ra’yi la isla meel dhigay oo ku salaysanaa isku tanaasul iyo isqancin, laakiin haddaan la isla fahmin waxa la cuskanayaa sharciyadda oo waxa loo noqonayaa sharciga Guurtidu muddada ku kordhiyey oo ah awood uu dastuurku siiyey oo ay ku adkaysteen, kuna dhawaaqeen, madaxweynuhuna waxa uu madaarka Hargeysa ka sheegay markii uu tagey dalka Itoobiya in khilaafkaas dastuurka lagu salayn doono dastuurka iyo sharciyada dalka. Markaa waxa aan leeyahay maadaama xisbiyada mucaaridka ah aanay ka ashkatoon oo khilaafka waxa kala saari karta oo qudha Maxkamadda Dastuuriga oo wax dacwad ah oo loo gudbiyeyna ma jirto, haddii muddadii shanta sanno ahayd dhammaatayna dalku ma dawlad la’aanayo oo waxa bilaabantay marxaladdii loo kordhiyey madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada.”

Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka, ayaa u soo jeediyey xisbiyada mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga inay ixtiraamaan muddada loo kordhiyey xukuumadda, maadaama waxa khilaafku ka taagan yahay tahay afar bilood oo qudha oo u dhexeeya waqtiga guurtidu kordhisay iyo heshiiska xisbiyada qaranka.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in Somaliland ku dhacayso mustaqbal madaw, waxa aan leeyahay Somaliland ku dhici mayso dawlad la’aan iyo mustaqbal madaw oo muddo afar bilood oo qudha mustaqbalkeennu kuma madoobaanayo, waxaanan leeyahay afartaas biloodna ha lagu aqbalo sidaas go’aanka muddo-kordhinta ah u dhacay ee uu ku dhaqangalay, maadaam duruufta iyo dantu inagu khasab tahay in loo hoggaansamo, iyadoo ay muhiim tahay in meel looga wada jeedsado sidii ay doorashooyinku ugu dhici lahaayeen muddada loo qabtay oo ku beegan dhamaadka bisha March ee sannadka 2017,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Jawaan.

Waxa kaloo uu sheegay in Komishanku ku khaldanaayeen muddada ay sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka oo ahayd 1 June 2016, waxaannu yidhi; “Il-duufka iyo khaladku waxa uu ka bilaabay muddadii ay Komishanka Doorashooyinku qabteen ee ahayd in doorashooyinku qabsoomaan 1 June 2016, waxaana Komishanka sharci loo siiyey inay cayimaad waqtiga doorashada inta lagu jiro muddada sharciga ah ee shanta sanno ee la doortay xukuumadda, laakiin haddii ay muddadaas ku qaban kari waayeen may ahayn inay soo saaraan muddo aanay sharci u haysan ee ahayd inay doorashada qabanayaan 1 June 2016, taasina may ahayn arrin ay sharci u haysteen, waxayna ahayd in Komishanku tilmaamaan in doorashooyinka ay ku qaban kari waayeen muddadii sharciga ahayd, sidaas darteedna, waxa ahayd inay tashi la yeeshaan dhinacyada doorashooyinku khuseeyaan, gaar ahaan xisbiyada mucaaridka, xisbiga talada haya iyo xukuumadda oo ay la tashadaan, laakiin iyagoo cidna talo weydiin ayey waqti soo saareen, taasina waxay ku galeen il-duuf oo xaq umay lahayn.”

Sidoo kale, siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar ayaa ku baaqay in gacmaha la isku qabsado sidii looga shaqayn lahaa in doorashooyin xor iyo xallaal ah ka dhacaan Somaliland, “Xisbiyada mucaaridka iyo Madasha Wada-tashiga waxaan u soo jeedinayaa oo aan leeyahay muddadaas yar ee la kordhiyey aqbala. Danta qaranka eega, danteenuna taas ayey ku jirtaa, waana in la isku waafaqo arrintaas. Xukuumadda waxaaan leeyahay si aanay qabyo dambe inoogu iman ee waa in aad dhammaysaan waxyaabaha dhinaciinna ku xidhan oo ay ka mid yihiin maaliyadda iyo dhinaca ammaankaba, iyadoo baarlamaankana laga doonayo inay dhammeeyaan wixii sharciyad ah ee ka dhiman doorashooyinka si aannu waqti dambe innooga lumin. Waxaynu leenahay cadaw badan, waana in dhinac loo wada jeesto oo laga wada shaqeeyo horumarka iyo isku duubnida dalka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed