“Marhadii uu ugaaday Wixii aanu ku heshiinay aanay Guurtidu ixtiraamaynin, waa Runtii oo wax loo saxeexo ma aha.” Faysal Cali Waraabe.

    Hargeysa:May,09,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbgia Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Dareen cadho leh ka Muujiyey Isku dayo la doonayey in Guurtidu ku salayso Go’aanka ay ka qaadanayaa Muddo-kordhinta Xukuumadda Loo Samaynayo oo duc-faruur lagu sameeyey. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Maanta warbaahinta La hadlay, kadib kulan uu la yeeshay Guddida Guurtidu u saareen  kasoo…

    Read More

      “Ra’yigayagu waxa uu ahaa in la qabto Doorashada 15-Ka November 2016-ka, Maqnaanshaha waddanina waxa uu dhibayaa Inaan Saddexda Xisbi wada………”Guddoomiye Muuse Biixi

      Hargeysa:May,09,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta Faahfaahin Ka Bixiyey Kulan Natiijo-xumaystay Oo maanta Saddexa Xisbi iyo Guddida Kasoo Talo-bixinta Muddo-kordhinta Xukuumadda Loo Samaynayaa wada Lahaayeen oo la doonayey in Muddo-kordhin heshiis lagu yahay loo sameeyo Xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo. Muuse Biixi Cabdi oo Warbaahinta la Hadlay kadib kulan ay Isaga…

      Read More

        Gudoomiye Cirro oo Qaadacay oggolaanshaha Wakhti ka duwan kii hore Heshiiska loogu ahaa ee Qabsoomida doorashada iyo Dareenka Gudoomiye Faysal ee Mudo Kordhinta Cusub DAAWO

        Hargeysa May,09,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxman Maxmaed Cabdilaahi Cirro ayaa Sheegay in aanay ka Xisbi ahaan Aqbaleyn Mudada Sannadka Shanta Billood iyo Shan iyo Tobanka Cisho ee Gollaha Guurtidu ku Dareen Sannadkii hore ee Komishanku ay kordhiyeen. waxaanu Sheegay in Xisbiga Waddani uu Aqbaleyn Muddo ka baddan tii Komishanku Kordhiyey, Sidaasi waxa uu ku…

        Read More

          Guddomiye Cirro Oo Cadaadis Xisbigiisu Saaray Uga Baxay Heshiis Uu Hore u Ogolaaday Oo Lagu Saxeexi Lahaa Muddo-kodhin Laga Midaysan Yahay Oo Xukuumadda Loo Sameeyo

          Hargeysa:May,09,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa qaaddacay, kana Baxay heshiis is afgarad oo hore uu  ula galay Labada Xisbi ee Ucid iyo Kulmiye, kaas oo salka ku hayey in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  loo ogolaado Muddo-kordhin Sanad iyo lix Bilood ah oo Xisbiyada oo dhami raalli ka yihiin. Tallaabada Muddo-kordhintaas la iskula afgartay oo hore loogu…

          Read More

            War Degdeg ah: Hoggaamiyayaasha Saddexa Xisbi-qaran Oo Shir Albaabadu u xidhan yihiin Kula Jira Guddiddii Guurtidu u Saartay Kasoo Talo-bixinta Muddo-kordhinta Xukuumadda iyo Wakhti kii Komishanka Ka Duwan Oo La Isku Raacay

            Hargeysa:May,09,2015(SDN/QJ)-sida uu kusoo warramayo wariyaha Qurbejoog.com ujooga Xarunta Golaha Guurtida Somaliland, waxa shir albaabadu uxidhan yihiin Halkaas ku leh Hoggaamiyayaasha Axsaabta qaranka Somaliland ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani, waxana la filayaa in halkaas lagu kala saxeexdo heshiis xukuumadda Loogu kordhinayo Muddo lagu wada Qanacsan yahay oo ka badan middii dhawaan Komishanku ku dhawaaqeen. Sida wariyahayagu…

            Read More

              Alfanana Sahra Caydiid oo London aad loogu soo dhaweyey iyo Mahad Gara u dirtayTvga qaranka Somaliland oo gacmo furan ku soo dhaweyey

              London9May15(SDN/QJ) Fanaanada Sahra Caydiid oo ka mida Abwaaniinta Reer Somaliland ee ku dhaqan Germany ayaa waxay soo gadhay  Wadanka Uk Casimadiisa London Abwaanad Sahra ayaa waxay Hadiyad iyo dhamaal u dirtay Shacabka reer Somaliland Munasabada 18May oo ay sanadkan ugu tala gashay Hees Cusub oo la Magac Baxday Sumada Africa taas oo Eray bixin teeda leedahay…

              Read More

                Haweenka Awoodda Ku Leh Madaxtooyada Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Khasbay Inuu Maareeye Khadar Cali Gaas Shaqada Sii Wato Inta La Gaadhayo Munaasibadda 18-ka May

                Hargaysa:May,09,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Aqalka Madaxtooyada Somaliland, waxa muran ba’ani ka taagan yahay Xil-wareejin loo samayn lahaa Maareeyenimada TV-ga qaranka oo dhawaan loo magacaabay Maareeye Cusub, waxana arrintaas laf dhuun gashay ku noqday Haweenka awoodda Badan ee Madaxtooyada ku xeeran, kuwaas oo intooda badani ku xidhan yihiin marwada Madaxweyne Siilaanyo. Wararku waxa ay…

                Read More

                  Safiirradii Waddamada Pillipine Iyo Norway u Fadhiyey Dalka Pakistan Oo Shil Diyaaradeed Ku Dhintay Iyo Daliban Oo Masuuliyadda Sheegatay

                  Islamabad:May,09,2015(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo waddanka Pakistan, ayaa sheegay in shil diyaaradeed oo Dalkaasi ka dhacay uu ka dhashay khasaare Ballaadhan oo keenay Geeridda Diblomaasiyiin iyo safiirro Dalal shisheeye ka yimi. Warkan oo ay ku dhawaaqeen Millatariga Pakistan, ayaa lagu sheegay in ugu yaraan  6-sarkaal oo reer Galbeed ahi geeriyoodeen kadib markii diyaarad ciidan ku dhacday Mandaqadda…

                  Read More

                    Qardho:Wiil 17-Jir ah Oo Garaacis Iyo Jidh-dil Nafta Lagaga Gooyey Iyo Sababta Dhacdadaasi Ku Dhacday

                    Qardho:May,08,2015(SDN/QJ)-Dhacdadii ugu yaabka badnayd  ee Muddooyinkan dambe ka dhacda Geyiga Soomaalida, ayaa ka dhacday Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee maamulka Puntland. Dhacdadan, ayaa ah in Wiil 17-Jir ah oo dhiganayey Mahcadka Al-fajri sidii loo garaacayey ay naftu ka Baxday, isla-markaana Guudkiisa lagu arkay Nabarro tiro badan oo garaacistu gaadhsiisay. Wiilkan ayaa kamid ahaa…

                    Read More

                      Laba Caruur ah oo ku Dhintay iyo Lix ku dhaawacantay Danab ka Dhacay Deegaan ka Tirsan Gobolka Buuhoodle DHAGAYSO

                      Buuhoodle 08.May 2015 (SDN/QJ)- Laba qof ayaa ku dhintay Lix kalena way ku dhaawantay Kadib markii uu Xalay Fiidkii uu haleelay danab ka dhashay roobabka ka da’aya Gobolka Buuhoodle gaar ahaan deegaanka Xamar lagu xidh.   Dadka Danabkan ku Waxyeeloobay ayaa ka soo wada jeeda hal qoys. Gaashaanle dhexe Cabdiraxmaan Xaaji Khaliif oo ah Taliyaha…

                      Read More

                        “Muddo Korodhsi Ma Jiri Doonto Marka La Gaadho Sannadka 2016-ka Waxaa iman doonta dawladii tan bedeli lahayd” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud

                        Muqdisho, 08 May 2015 (SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn bogaadiyay booqashadii uu ku yimi magaalada Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry, waxaana uu xusay in booqashadaas ay aheyd mid taariikhi ah oo ka turjumeysay Soomaaliyada maanta heerka ay gaadhay. Xasan Sheekh ayaa sharaxaad ka bixiyay arrimaha doorashooyinka ka dhici doono dalka sanadka 2016,…

                        Read More

                          Dagaalada ka Socda Wadanka Yemen iyo Saamaynta Dhaqaalaha Somaliland Daawo Warbixintan

                          Hargaysa 08.May 2015 (SDN/QJ)- Tan iyo Markii uu Dalka Yemen ka Bilaabmay Dagaalka Sokeeye Waxaa Gebi ahaanba Istaagay dhoofkii Xoolaha ka Tagaya Somaliland ee la Gayn Jiray dalka Yemen. Dagaalka Yemen Waxa uu sababay Saamayn dhaqaale oo ku Timid Somaliland halka sidoo kale aanay Jirin Wax Ganacsi ah oo ka imanaya dalkaasi.   https://www.youtube.com/watch?v=En59KAjf2RM Hargaysa…

                          Read More

                            Maayarka Berbera oo Shaqadii ka Eryay in ka badan 10o Hawl wadeen oo dawlada hoose u shaqaynayay iyo baaq ay direen DAAWO

                            Berbera 08.May 2015 (SDN/QJ)- Maayarka Magaalada Berbera Cabdi Shakuur Maxamud Cidin ayaa Ilaa Boqol ka Tirsanaa Hawl wadeenada dawlada Hoose ee Magaalada Berbera dibada ka dhigay kana eryay Shaqadii ay ka hayeen dawlada hoose. Shaqaalahan ayaa Sheegay in aanay garanayn Sababta ay ku mutaysteen Shaqo ka saaridooda waxaanay Xuseen inay in badan oo ka mid…

                            Read More

                              War murtiyeed Raalligelina soona saaray guddoomiyaha Jaalliyadaha beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) kuna saxeexanyey guddoomiyaha beeshu

                              Bismillaahi Arramanirraxeem.  dammaan ummadda reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.   Aniga oo ku hadlaya magaca jaalliyada beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) waxaanu shacabka Reer Somaliland ka raalli gelinayna, madaxa dhaqameedka beesha kuna dhamaayeen salaadiin,cuqaal, jiif caaqillo,boqor Raabi Yusuf iyo odayaal kale…

                              Read More

                                “Gudoomiye Saleebaan Hadii Maalintii uu Siilaanyo galayay Doorashada ay Kulayl noqon wayday oo Maanta Markuu Cirro galayay ay Kulayl noqotay ka da’aa ayaan ku leenahay” Xisbiga Waddani DAAWO

                                Hargeysa 07.May 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Waddani ayaa qaylo dhaan ka jeediyay Qaabka ay Golaha Guurtidu Talada uga dhigeen arrintii ay ku heshiiyeen Komiishanka Doorashooyinka Iyo Sadexda Xisbi ee Kulmiye,Waddani iyo Ucid . Waxay Hogaanka Xisbiga Waddani sheegeen in Xiligii ay doorashadii Madaxtooyadu dalka ka dhacday ee 26kii June Sannadkii 2010kii ee ay ku tartamayeen Madaxweyne…

                                Read More

                                Barcelona Iyo Juventus oo Goolal Aan Arxan Laheyn Ku Kala Qarqisey Bayern Iyo Real Madrid(Champion League Semi Finals 2015)(DAAWO) By Jaahuur.

                                Champion League-May-07-2015-(SDN/QJ) Saaxiibayaal Barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu ku bidhaamineynaa horyaalka qaaradda Yurub oo la isku feenanayo,waxaana isku soo hadhey Barcelona,Bayern,Real Madrid iyo Juventus soona wada ciyaarey lugtii hore (First Leg). Haddaba war iyo dhamaantii Daawasho wacan goolasha dhaliyeen xiddigaha qarnigan Messi,Neymar,iyo Ronaldo. W/Q Jaahuur, SDN/QJ.

                                Read More

                                  Wasiir Waran-cadde Oo Maanta Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Allaybaday

                                  Hargeysa:May,07,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Maanta Degreeto ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Allay Baday ee Gobolka Gabiley. Wasiirku waxa uu u magacaabay Guddoomiyenimada Degmada Allay Baday Mudane Maxamed Xasan Shiil oo uu sheegay inuu ku qancay Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Xirfadiisa, isla-markaana leeyahay Karti uu shaqadaas ku hanan karo. Wasiirku waxa…

                                  Read More

                                    Madaxweyne Siilaanyo Oo Aqalladooda Ku Siyaartay Odayaal Isku Beel ah Oo Hore Ugu Soo Badhitaaray Gaadhista Kursiga Uu Maanta Ku Fadhiyo

                                    Hargeysa:May,07,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Gelinkii Dambe ee shalay Aqalladooda ku siyaartay Saddex  kamid ah odayaasha Reer Hargeysa oo qayb libaax kasoo qaatay gaadhista Kurisigiisa Madaxweynenimo ee uu Maanta ku fadhiyo, kuwaas oo xanuuno kala duwan ula jiifa. Odayaasha Madaxweynuhu ku booqday guryahooda magaalada Hargeysa oo dhammaantood Hal beel kasoo wada Jeeda, ayaa kala ah  Maxamed Cabdi…

                                    Read More

                                      Xisbiga Kulmiye oo Ka Gaws adaygay Mudayntii Komiishanka Doorashooyinka iyo Badheedhihii ay Guurtida la hortageen

                                      Hargaysa 06.May 2015 (SDN/QJ)-  Xisbiga talada  haya ee KULMIYE, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada Kulan ayaa Maanta si gaar ah ula qaateen Guddida Golaha Guurtidu u saaray kasoo talo bixinta Muddo-kordhinta loo samayn doono Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada Somaliland. Kulankan Maanta Guddidu laa qaateen Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo lamid ahaa mid maalintii shalay ay la qaateen…

                                      Read More