“Markay dawladdii iyo Wakiilladii israacaan ee ku heshiiyaan inay sharciga jabiyaan oo wakiilkii shanta sano la soo doortay uu shan kale fadhiyo oo sharci kasta oo Dawladdu keento u saxeexo….” Gudd. Faysal Cali Waraabe.
London:March,02,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Ka Hadlay Xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu ka dayriyey sida xaalku haatan yahay. Guddoomiye Faysal oo haatan socdaal ku maraya Dalal Yurub ah, ayaa sheegay in isku-duubnidii iyo wada jirkii shacabka Reer Somaliland ka Baxday, isla-markaana ay qiimo dhacday qaddiyadii Somaliland ee markii hore loo hanweynaa,…
