Ciyaar Xiiso badan Kooxo dhagoolayaal ah oo Hargaysa iyo Boorama kala Matalayay oo Garoonka Hargaysa Studium Ciyaari ku dhex martay DAAWO

    Hargaysa 14.Feb 2015 (SDN/QJ)- Ciyaar kubadda Cagta ah oo aad u xiiso badnayd ayaa Garoonka Hargeisa Stadium ku dhexmartay labo kooxood oo oo ku kala ciyaarayey magacyada Dhegoolayaasha Caasimadda iyo Dhegoolyaasha Boorama, waxaana ciyaartaasi oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada, ayna maalgelisay wasiiradda wasaaradda waxbarashada Marwo Zamzam Cabdi aadan  2-1 ku badiyey…

    Read More

      Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad ee uu U Joogo Dalka Jarmalka

      Munich:Feb,14,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiyadda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Markii ugu horraysay Xaaladdiisa Caafimaadka ee Haatan xilli uu arrintaas u joogo Dalka Jarmalka. Wareysi uu siiyay Madaxweynaha laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, isagoo ku sugan dalka Jarmalka ayuu sheegay in saddexdii sano ee uu xilka hayay aanu fursad u helin inuu baadhitaan caafimaad uu sameeyo, haatanna…

      Read More

        Daawo Sawiradda Xisbiga Waddani oo Dhoola Tuskii ugu Balaadhnaa ku qaabilay,Furitaanka Xafiiska Laanta East London.

        Lndon 14Feb15(SDN/QJ)Xisbiga Waddani ee Waddanka Ingriiska, ayaa Xafladdii ugu Balaadhnayd ku soo dhaweeyay, Furitaanka laanta East London, oo Habeenkii Xalay lagu Qabtay Xaafadda Bethnal Green ee Bariga Magaalada London. Xafladda oo ay kasoo qayb galeen, Taageerayaasha Xisbiga waddana iyo Masuuliyiinta Xisbiga waddani ee Heer Gobol,Degmo iyo Mid Qaaradeedba ayaa waxa ay kuqab soontay jawi aad…

        Read More

          Waraysigii dhexmary Abu Sufiyan iyo Hirqal ee ku saabsanaa Nabi maxamed(SCW)

          Ottawa Feb 14,2015(SDN/QJ)-Waa barnaamijkii diiniga ahaa ee uu halkan inooga soo jeedin jiray Sheekhul beledka magaalada Ottawa Sheekh Saciid Cali Axmed. Barmaamijkan waxa aan ku eegi doonaa Sifooyinka Nabi Maxamed (salalahu Calyhi Wasalam). Waxa aan ku soo qaadan doonaa warysi dhex maray Heraclius oo ahaa hogaamiyihii dawalada Roomaanka ee wqtigii nabiga la soo saaray iyo…

          Read More

            Waa Maxay Maalinta Jacaylka Adduunku, Muslimiintuse Ma U Dabaal Degi karaan?

            Hargeysa:Feb,14,2014(SDN/QJ)-Maanta oo ay Bisha February tahay 14, waxa meelo dunida kamid ahh looga Dabaaldegaa MAALINtA JACEYLKA ADUUNKA! Waxaase la yaab leh in ay soo dhaweeynteeda ka qayb qaadan doonaan dad muslimiin ah, soomaali ah, oo sheeganaya in ay jecelyihiin horumarka adduunka iyo janada akhiro isla markaasna aan laga karin joojiya xusitaanka aad xuseeysaan dadka dhintay,…

            Read More

              Akhri Tirada Soomaalida Ku Biirtay Ururka ISIS Oo La Shaaciyey

              Washington:Feb,14,2015(SDN/QJ)-Xawaaraha ay ku socdaan Ururka Daacish, ayaa waxa Majaraha u haya Dhallinyaro intooda badani kasoo jeedaan Dalalka Yurub iyo Maraykanka oo si joogto ah ugu soo biiraya, waxana kamid ah Soomaali ka timi  Isla maraykanka oo haatan tiradooda la shaaciyey. Warbixin uu Shalay Daabacay Wargayska The Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, isla-markaana uu…

              Read More

                Madaxtooyada Somaliland Oo Meesha Ka Saartay Amar Sirdoonka Dalku Ku Mustaafurinayey Abukar Qaad-diid, Una Fasaxday Inuu Sii Joogi Karo Inta Uu Doono

                Hargeysa:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa meesha ka saartay Amar hore uga soo baxay Waaxda Socdaalka Dalka oo sheegayey in Abukar Cawaale Qaad-diid uu dalka kaga baxo sida ugu degdegga Badan, kadib markii lagu eedeeyey inuu Arrimo la xidhiidha Kooxda Khaatumo ku lug yeeshay. Sida aanu ilo xog-ogaal ah ku helnay waxa ay Madaxtooyadu  ku warheshay Hadalladii Abukar…

                Read More

                  “Subeer Awal Waxan Leeyahay Waar Dee madaxweynenimana waa doonaysaan, Cod weyna Waan Hayaa afhayeennimadayda iyo madaxweynuhu waa isku xidhan yihiine, Amba Cirro soo raaca..”Suld. Xiirey

                  Hargeysa:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo kamid ah Salaadiinta Reer Somaliland, ayaa Madal lagu caleemo saarayey Suldaan Cusub, ka jeediyey Hadallo Kaftan iyo  Duurxul iskugu jira Oo uu Kula Hadlay Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa. Suldaan Xiirey oo inta Badan ku andacooda inuu yahay Afhayeenka Salaadiinta Reer Somaliland, ayaa sheegay in Beesha Subeer Awal diidmo ka…

                  Read More

                    Cali Sanyare oo ka faalooday xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland(DHEGEYSO PRT3)

                    Geneva Feb 13,2015(SDN/QJ)-Waxaanu bishii Janawari ee sandakan la-yeelanay  wareysi dheer,Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali -Sanyare) , oo ahaan jiray Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ah ee xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale ,oo dhinacyo badan ka taabtay xaalada hadda somaliland ku sugantahay.  Wareysigaas oo taxana ah wuxuu maqalkiisa iyo daabacaadiisuba soo baxeen 30…

                    Read More

                      Haweenaydii 1aad ee Qori Qaadata kuna Biirta Kooxda Suldaan Wabar iyo Fariin ay dirtay DAAWO

                      Boorame 13 Feb 2015 (SDN/QJ)-Xiisada dagaal iyo kacdoonka ka taagan Gobolka Awdal ayaa marba marka ka danbaysa sii Xoogaysanaya, sidoo kalana waxaa Bulshada deegaankaasi ay ku howlan yihiin dhismaha ciidamo xoogan oo dhamaan la wareega deegaanada Awdal state. Gabadhan oo Magaceeda ku Sheegtay Hibo Faarax Buux ayaa Tilmaantay Sababta Ku Kaliftay inay Qori qaadato Waxayna…

                      Read More

                        “Madaxweyne Siilaanyo Xisbigiisii Wuu Dayacay oo Waxaa ku Hadhay Labadii Mujaahid Iyo Shabeel” Siyaasi C.rashiid J.Dheri

                        Hargeysa 13.Feb 2015 (SDN/QJ)-Mr. Cabdirashiid Jaamac Dheri oo ahaa afhayeenka urur siyaasadeedkii Xaqsoor, ayaa sheegay In Madaxweynaha Somaliland dayacay Xisbigiisi, oo aanu dan ka lahayn, oo uu xooga saaray Xukuumaddiisa, isaga oo sheegay in Xisbiga ay ku soo hadheen oo qudha Guddoomiyaha Muuse Biixi, Guddoomiye ku xigeenka kowaad Maxamed Kaahin, Xoghayaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel,…

                        Read More

                          “Boorama Waxay Tahay Casimada Aqoonta iyo Barwaaqada ee Somaliland oo Waxaa ku Nool..” Wasiir Cukuse DAAWO

                          Boorama 13 Feb 2015 (SDN/QJ)-Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Ayaa Ka Qayb Galay Munaasibad Ay Xilka Kula Kala Wareegayeen Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Awdal Iyo Gudoomiyaha Cusub Ee Madaxweynuhu U Magacaabay. Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Khudbad taabatay dareenka Bulshada Gobolka Awdal halkaasi ka jeediyay.

                          Read More

                            “Yaaynaan Ku Dawakhin Waxan Soconaayn Rasaata Aan Qorujeed ka bilaaba Xili ay Bariga Burco Gaadhi Mooyi ” Wasir Abgaal DAAWO

                            Boorama 13.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasirka Boosaha Iyo Isgaadhsinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgal ayaa Mar uu shalay  ka Hadlayay Xaflad ay Xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Awdal iyo Gudoomiyihii Hore ee Gobolkaas oo lagu qabtay Magaalada Boorama waxa uu Fariin Waayeel nimo u diray Bulshada Gobolkaas oo uu Xasuusiyay in Somaliland ay Ku…

                            Read More

                              Berbera: Faanka Beenta, Foorarka Runta, Fiirrada Nolosha, Ficilka Tukaha Iyo Fooridda Dabaysha.Falanqaynta Ogaal

                              “Meeshu waa Berbera, saw fadeexad maaha in qolkaa yar ee burbursani u yahay Maxkamad” “Malaha musuq maasuqa xukuumaddu  waxay u taqaanaa wax qabad” “Madaxweynuhu marna muu tegin Maxkamadda Berbera. Wuxuu tagaa Haamaha Shidaalka iyo meelaha heensiga leh…” Maxkamadaha iyo Jeelashu waa tiirarka garsoorka iyo caddaalada. Intaan la odhan caddaalad darraa jirta, waxa ka horaysa siduu…

                              Read More

                                Saymaha Ganacsi Ee Dhaxal Wareejinta Dekedda Berbera Iyo Kulankii Qarsoodiga Ahaa Ee Xirsi Iyo Weftiga Dubai Port

                                Berbera, 13 Feb 2015  (SDN/QJ)-Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo maamulka dekedda Berbera ayaa shalay kulamo wada xaajood ah kula yeeshay magaaladda Berbera, wefti ka socday shirkadda dekedaha Dubai ee DP World iyo Enoc (Emirates National oil Company) oo watay diyaarad khaas ah oo gelinkii hore ee shalay timi Madaarka Berbera, isla shalayna dib ugu duushay…

                                Read More

                                  Daawo:Wasiir Xaglo Toosiye Oo Ku Guulaystay Soo Xero Galinta MadaxdhaqameedKa Buuhoodle.Maxayse Ka Badali Mab Da.ii Khaatumo Markay Guryo Noqdaa

                                  Hargeisa 12/2/2015(SDN/QJ)wasiir xaglo toosiye oo ku guulaysatay   soo xero galinta madaxdhaqameed  badan  oo ka socda magalada buuhoodle maxay y  madaxdhaqameedkani  kala tagi  doonan magalada hargeisa  maxayse  ka badali mab da,ii khaatumo markay guryo noqdaan https://www.youtube.com/watch?v=pOcHcv85bRk Hargeisa SDN/QJ Concat@Somalidiasporanews.com

                                  Read More