Xukuumadda Iyo Tijaartii Oo Ku Shuraakoobay Boobka Hantida Qaranka Oo Xaalufinaya Dantii Guud!!!. Mawliid Axmed Jibriil
“Nina dhismihisuu kugu dhabar jabay nina dheef buu kugu dhabar jabay” laba nidaam (System) ayaa dhaqaalaha waddanka lagu hogaamiyaa waa mid cashuurta 100% la qaado oo xukumaddu naaxdo iyo mid cashuur fudud xukumadu qaado oo shirkadaha iyo ganacsigu naaxo oo shaqooyin dalka ay ka abuuraan, xukumadihii hore ee UDUB waxay qaateen Nidaamka cashuurta la fudaydiyo,…
