War Degdeg ah:Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Soo Saartay Go’aan Lagu Furdaamiyey Murankii Ka Taagnaa Muddo-kordhintii Guurtidu Samaysay
Hargeysa:Aug,18,2015(SDN/QJ)-Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa goor dhaweyd soo saartay tafsiir ay ka bixinaysay murankii ka taagnaa muddo-kordhintii Guurtidu xukuumadda u samaysay, taas oo uu hore madaxweyne Siilaanyo uga codsaday. Fadhi ay maxkamaddu maanta xarunteeda ku qabatay oo ay kasoo qaybgaleen Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi-qaran, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, xubno kasocday Deeqbixiyayaasha caalmiga ah ee Somaliland…
