“Maalintii umadda la xasuuqayey ma filayo qof kastoo damiir leh oo Borama joogaa inuu Raalli ka ahaa in yaroo oo laga yaabo inay nidaamkii u shaqaynaysay mooyaane”Wasiir Xirsi

    Hargeysa:Jully,26,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, reer Borama kala hadlay xaasaasiyad ay inta Badan ka qaadaan taariikhda Ururkii SNM iyo halgankii Hubaysnaa ee Somaliland Xorriyadeeda dib  ugula soo noqotay. Wasiirka oo ka Hadlayey munaasibad loo qabtay Arday dhawaan ka qalinjabisay Jaamacadda Elo ee Magaalada Borama, ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii…

    Read More

      Xaafada Brent ee Galbeedka London oo lagu qabtay Bandhig Faneed Hido iyo Dhaqanka Somaliga iyo Marwo Deeqa Dhufays oo la gudoonsiyey Shaahado Sharaf

      London26Jul15(SDN/QJ) waxa lagu qabtay galbeedka london xaafada Kilbun Baraamij lagu soo bandhigayey Hidaha iyo Dhaqanka Somaliyeed xafladan ayaa waxa soo  qaban qabiyiyey SK community trust oo ka mida Jaaliyada Soomaliyeed ee dagan xafada oo hormuud ka tahay Marwo Deeqa Dhufays oo in badan la shaqaynaysay Xaafada Kilbun oo ku badan tahay Soomalida kulankan lagu soo bandhiyey…

      Read More

        “Sadexdayada Gudoomiye Ee Halkan Fadhidaaba Isku Beel Ayaanu Nahay, Waxa La Odhanaya Waa Garxajis Shiraya..” Gudoomiyaha Ucid DAAWO

        Hargaysa 25.July 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Maanta ka furmay Huteel Dalxiis ee Magaalada Hargaysa Shirkii ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridka ee Ucid Iyo Waddani oo ay Weheliyaan Madasha Wada tashiga Iyo Toosinta qaranka. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Fasal Cali Waraabe ayaa Khudbad dhinacyo badan leh halkaas ka Jeediyay https://www.youtube.com/watch?v=oHZY_Q2ziDU

        Read More

          “Muu ahayn shirku mid laga hor tagi lahaa gawaadhi gaashaaman, gaadiid fara bada iyo ciidan aan tiradiisa la koobi karin” Gudoomiye Cirro DAAWO

          Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Khudbad ka Jeediyay Furitaanka Shirkii ay ku baaqeen Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland. “Muu ahayn shirku mid laga hor tagi lahaa gawaadhi gaashaaman, gaadiid fara bada iyo ciidan aan tiradiisa la koobi karin ee wuxuu ahaa ka aan maanta qabsanay ee aynu ku baadi goobeyno talooyinka hufan oo…

          Read More

            “Xukumadda maanta Somaliland ka talisa waxaa inagaga filan, inay garan wayday inay sharafta shirkan qaadato” Xasan Ciise DAAWO

            Hargaysa 25.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Xigeenkii ku xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, ayaa xukumadda Siilaanyo ku tilmaamay mid aan waxba garanayn oo kale. Mujaahid Xasan Ciise oo hadal ka jeediyay furitaanka Shirka labada xisbi maanta uga furmay huteelka Xaruf ee Magaalada Hargeysa. “Shir gudoonka, Hogaanka labada xisbi qaran iyo xubnaha shirkan ka soo…

            Read More

              ’Shir qaran ma jiro, siday maxkammadu go’aamisay ayaanu qaadanaynaa, waana shirkii awalba shiri jirnay labadayada xisbi” Faysal Cali Waraabe

              Hargeysa,25july,2015(QJ/SDN)-Shirkii wada-tashiga axsaabta mucaaridka Somaliland ayaa waxa uu manta ka furmay magaalada hargeysa hutel dalxiis, iyadoo ay kasoo qayb-galeen gudoomiyayaasha xisibiyad mucaaaridka ahi. Eng Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Cabdirraxmaan Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Hadaba shirkan oo la sheegay in uu socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxa halkaasi waraabinta kula hadlay…

              Read More

                Ingiriiska oo ka Hadlay Socdaalka uu Wasiirka u Qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah ku Tegay Somaliland iyo Somaliya

                London,25july,2015(QJ/SDN)-Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay in ujeeddada ka dambaysay in Wasiirka u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah uu ku tego Somaliya iyo Somaliland ay tahay sidii loo xoojin lahaa taageerada gobolka. Wasiir Grant Shapps oo kulanno la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxameed, Ra’isal-wasaare Sharmarke iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaayo, ayaa masuuliyiintan kala hadlay arrimo…

                Read More

                  Warbaahinta Caalamka Oo Soo Bandhigtay Khariirad Muujinaysa Awooda Baahsan ee Alshabaab- Daawo Sawirada.

                  Muqdisho,25july,2015(QJ/SDN)-Inkasta oo ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ay sanadadii lasoo dhaafay qabsadanayeen magaalooyin dhaca Koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaaliya oo horay gacanta Alshabaab ugu jiray hadane wali inta badan dhulka soomaaliya waxaa gacanta ku haya xarakada alshaaab.   Khariirad ama Map ay soo saartay Warbaahinta Ingiriiska BBC-da ayaa muujinaysa in dhulka ugu ballaadhan ee Koonfurta…

                  Read More

                    Booqashada Obama Wax Maka Badali Kartaa Siyaasadda Cakiran Ee Geeska Afrika?.

                    Madaxweynaha dalka maraykanka Mr.Brack Obama ayaa booqasho ku jooga dalka Kenya, iyadoo halkaasi uga sii gudbi doona dalka itoobiya. Waxaana la filayaa in madaxweyne Obama halkaasi kula kulmi doono madaxda wadamadaasi. Waana markii ugu horraysay ee uu obama yimaado wadamadan. Hadaba su’aasha is weydiinta leh waxay tahay waa maxay danaha siyaasadeed ee maraykanu wakhtigan uu…

                    Read More

                      Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Saaka Dalka Kusoo Laabtay,Madaxda Mucaaradka Oo Si Diiran Usoo Dhaweeyay+Daawo Sawiradda

                      Hargeysa,25july,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo todobaaddadii ugu danbeeyay ku sugnaa Dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka subaxnimdii hore ka soo dagay Gegida Diyaaradaha ee Hargaysa Airport . Gudoomiyaha ayaa waxa madaarka kaga Hor tagay kuna soo Dhaweeeyay Masuuliyiinta isbahaysiga Mucaaradka Somaliland oo ay hor kacayeen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxman Cirro , Gudoomiyaha Madasha…

                      Read More

                        “Taladaydu waa Muddo-kordhinta Guurtida halloo daayo Wakiillada oo Kali ah, Madaxweynuhuna Ha soo Saaro Degreeto uu Doorashada Madaxtooyada ku salaynayo Wakhtiga Xisbiyadu ku heshiiyeen ee ah Bisha December….”Axmed Y. Yaasiin

                        Hargeysa:Jully,25,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka Hadlay Is-mariwaaga Siyaasadeed ee dalka ka aloosan, waxana uu shaaca ka qaadday cidda shirka talo qaran ee muranku ka taagan yahay qaban karta. Axmed Yuusuf Yaasiin oo Waraysi Gaar ah siiyey Wargeyska Hubaal, ayaa waxa sidoo kale soo jeediyey talooyin waayeelnimo iyo waayo aragnimo xambaarsan oo…

                        Read More

                          Maxaa ka Dhexeeya Hogaanka iyo Siyaasada?

                          Waxa hubaal ah in 90% dadku marka ay maqlaan siyaasad waxa kusoo dhacda madax sare ha noqdaan guddoomiyayaal xisbi amma qaar kale oo xilal ka haya dawladda. Sidaa si lamid ah marka aynu ka hadlayno hogaan sida badanaaba dhacda waxaan xasuusanaa sawir lamid ah markii aan ka hadlaynay siyaasad. Si kastaba ha ahaatee waxaa muhiim…

                          Read More

                            Masuul Katirsan Maamul-goboleedka Puntland Oo Hargeysa Lagu Xidhay

                            Hargeysa:Jully,25,2015(SDN/QJ)-Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maamul-goboleedka Puntland  Axmed Cabdi  Cali Shire(Axmed-keyse), ayaa Magaalada Hargeysa lagu xidhay, sida  ay saraakiil sare oo Laanta Socdaalka katirsan u xaqiijiyeen qaar kamid ah Warbaahinta Dalka. Agaasimaha, ayaa hutel uu hurdo ahaan ugu jirey lagala baxay, kadib markii laga warhelay inuu si qarsoodi ah waddanka kusoo galay, iyadoo haatanna wararku…

                            Read More

                              Daawo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga Ah ee UK Oo La Kulmay Madaxweynaha Somaliland

                              Hargeysa,24july,2015(QJ/SDN)-Wasiirka arrimaha dibedda somaliland Md: Maxamed Biixi Yoonis kulan uu madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland mudane Siilaanyo uu la yeeshay wafti uu hoggaaminaayay wasiirka iskaashiga caalamiga ah Min Grant Shapps oo ay weheliyaan safiirka somaliland iyo soomaaliya u qaabilsan ingiriiska ee fadhigeedu yahay Addis Abba Amb.Harriet Mathens. Halkan Hoose Ka Daawo:

                              Read More