Home » 2:46 pm Entries posted on “November, 2013”

Jewigii Maanta ee Soo Dhawaynta Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Dareenka Gebilay Daawo

Gebilay 30.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta soo dhawayn balaadhan kala kulmay Shacabka ku dhaqan Gobolka Gebilay, Isla markaana ka qayb galay Munaasibad loo sameeyay Dufcadii 1aad ee ka Qallin jebisay Jaamacada Timcade ee Magaaalada Gebilay. Geesta kale Madaxweynaha Somaliland ayaa si rasmi ah Xadhiga uga jaray Dhisme Cusub […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Maanta waxaa qalinjabinaya wixii awoodeyda ah waan la qabanayaa ,waa dadkii idooortey waajib badan ayaa iga saaran” Madaxweyne Axmed Siilaanyo Sawiro

Gebilay 30.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha somailanad axmed maxamed maxamuud siilanyo iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saak ka qayb galey xaflada qalinjabinta dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa jaamacada Tima-ade ee gobolka gabiley. Ardeydaka ka qalinjabisay jaamacada Tima-ade oo tiraadoodu dhaneyda 103 ardey ayaa halkaasi lagu gudoonsiiyey shahaadooyinkii loogu talogaley. Ugu horeyn waxaa halkasi ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xisbiga Waddani oo Uga Digay Maamul Goboleedka Punt land Faro gelinta ay ku hayso Somaliland

Hargaysa 30.Nov 2013 (SDN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in ay faro gelin iyo waliba xasuuq ka geysteen Degmada Taleex ee Somaliland. Waxa uu  maamulkaasi ugu baaqay in ay ciidamadooda kala baxaan degamada Taleex oo ay dad rayid ah ku laayeen kana tirsan Somaliland. Dhinaca kale waxa uu xukuumadda madaxweyne […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dooda Maamuus ka Xayuubinta Ra’isal Wasaare Saacid oo Axada Beri loo Balamay

Muqdisho 30.Nov 2013 (SDN)- Baarlamaanka federaalka ayaa maanta yeeshay kulan looga doodayay mooshin ka dhan ah raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon. Muqdisho 30.Nov 2013 (SDN)- Afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulanka ayaa ku dhawaaqay in doodda mooshinka ay si rasmi ah u furmi doonto maalinta berri oo Axad ah. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Somalia oo Xafiiskiisa ku Qaabilay danjiraha Somalia u qaabilsan dalka Nigeria

Muqdisho 30.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Nigeria u qaabilsan Soomaaliya. Danjire Akin Oyateru oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan dalkiisa ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wareejiyay dhambaal uu uga siday madaxweynaha Nigeria, Jonathon Goodluck, oo ku casuumay madaxweynaha Soomaaliya inuu booqasho rasmi ah […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’iisul Wasaare Saacid Ayaa Saaka Kulan Balaaran La Yeeshay Daladda Ururka Dhalinyarada Soomaaliya (Soyou)

Muqdisho, 30, Nov. 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa saaka kulan balaaran kula qaatay xafiiska Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee (SOYOU) oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.   Kulan kaan ayaa qayb ka ah talaabooyinkii ay xukuumadu ku dhagaysanayso fikradaha dhalinyarada si loo sameeyo barnaamij […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiyaha KMG Ah ee Bangiga Dhexe Bashiir Ciise , Waa Nin Caynkee Ah?

30, November, 2013…waxaa shalay si KMG u ansixiyeen golaha wasiiradaee  xukuumada Soomaaliya magacaabista Gudoomiyaha Bangiga dhexe Bashiir Ciise oo ah khabiir ku aqoon durugsan u leh arimaha dhaqaalaha mudo aad u dheerna ka soo shaqaynayey bangiyadii Soomaaliya, isagoona soo qabtay xilal kala duwan. Bahsiir Ciise waxaa ku dhashay magaalada garoowe, wuxuuna waxbarashada hoose/dhexe ku soo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mashruuc lagu Horumarinayo Beeyada Gobolada Sanaag iyo Saaxil oo Hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 30.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta  miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa maanta xafiiskeeda kulan kula qaadatay iskaashatooyinka beenyada ee gobolada saaxil iyo sanaag . Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo siii wadi lahaa mashruuc ku saabsan horumarinta beenyada gobolada sanaag iyo saaxil oo muddo istaagay kaas oo uu waday baanka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Guulaha Wasaaradda Duulistu Ka Gaadhay Horumarinta Ammaanka Madaarada

Hargaysa 30.Nov 2013 (SDN)- Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa xalay lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo waaxda ammaanka ee Madaarada Somaliland ku soo bandhigeen waxqabadka iyo guulaha ay ka gaadheen ammaanka Madaarada dalka, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay dhukumantari ka hadlaya qalabka lagu baadho dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya Madaarada dalka. Munasibadda oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Daawo Sawiro…Xafladii Dhismaha Laanta Waqooyi (North) London ee xisbiga Waddani

London 30Nov13(SDN) Daawo Sawiro…Xafladii Dhismaha Laanta Waqooyi (North) London ee xisbiga Waddani Waxa habeenkii Khamiista  (28/11/13) lagu qabtay xaflad aad loosoo abaabulay oo lagu dhisay xubnaha gudigga laanta North London ee Xisbiga waddani. Xubnahan oo intooda oo ka kooban 11 xubnood oo hogaamin doona Laanta Waddani North London ayaa waxa Gudoomiye loo doortay Xuseen Aadan […]

Posted in Uncategorized | Read More »