Home » 1:31 pm Entries posted on “May, 2016”

DAAWO: Madaxweynaha Ciraaq oo Warqadihii Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Somalia ee Dalkaasi

Baqdaad,31,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Fu’aad Macsuum, ayaa ka Guddoomay Isniin shalay warqadihii aqoonsiga darjirenimo, Safiirka cusub ee Somalia uga Wakiilka noqon doona Dalka Ciraaq, Danjire Cllaahi Sheekh Maxamed Suufi oo Dhawaan loo magacaabay xilka Safiirnimo. Danjire C/llaahi Sh. Maxamed Suufi, ayaa horey u soo noqday Safiirka Somalia u fadhiyay Rwanda, ka hor intii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Wakiilada Oo La Filayo In La Kala Qaado

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Waxa labadii bilood ee u dambeeyay isa soo taraya soo jeedimo badan oo lagu dalbanayo in la kala saaro labada doorasho ee Baarlamaanka iyo madaxtooyada oo mudaysan inay qabsoomaan bisha March ee kal dambe. Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadda Somaliland ee soo jeediyay aragtidan lagu kala saarayo labada doorasho, ayaa waxay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wasiirka Qorshaynta Oo Difaacay Heshiiska Dekedda

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe), ayaa wuxuu ka hadlay heshiiskii Dekadda Berbera ee ay Xukuumadda Dawladda Imaraadka la soo gashay, waxaanu sheegay in heshiiskani aanu Dekadda oo qudha ku koobnayn ee uu siddeed qodob ka koobnaa, waxaanu jawaab kooban ka bixiyey xogaha ku saabsan heshiiska dekadda Berbera ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dacwada Wargeyska Hubsad Oo Furantay Iyo Cambaaraynta Xadhiga Guddoomiyaha Foore

Hargeysa ,31,5,2016(QJ/SDN) – Waxa shalay maxkamadda gobalka Hargeysa ka bilaabantay dhagaysiga dacwadda guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar. Labadan saxafi ayay dawladda Somaliland ku eedaysay faafin war been abuur ah iyo daabicid wargeys aanay sharci u haysan, eedahaas oo ay labada saxafi gebi ahaanba beeniyeen. Garsooraha dacwada dhagaysanayay ayaa dacwadan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaramadda Midoobay Oo Markii Ugu Horraysay Ka Marag Kacday Qabsoomida Lix Doorasho Oo Ka Hirgelay Somaliland

Hargaysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Qarmadda Middoobay, ayaa markii u horaysay ka marag kacday horumarka ay Somaliland intii ay xoriyaddeeda kala soo noqotay wixii Somalia laysku odhan jiray Somalia, Islamarkaana waxay sheegtay in mudo 25 sanno Somaliland ka qabsoomeen lix doorasho oo kala duwan., Uqaabilsannaha Qaramadd Midoobay ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr  Michael Keating, ayaa warbixintiisa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo Dib U Dhacay Iyo Wakhtiga Cusub Ee Loo Muddeeyay Inay Dib U Furmaan

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo mudaysnaa inay Turkiga ka qabsoomaan 30 iyo 31 May ayaa dib uga dhacay wakhtigaas loo qorsheeyay. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in wada hadaladu dib uga dhacaan wakhtigii lagu heshiiyay inay qabsoomaan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in dib u dhaca […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Qorshe Soomaaliya Ku Doonayso In Mustaqbalka Lagu Mideeyo Imtixaannaadka Shahaadiga Ah Iyo Sababta Isku Beegtay Sannadkan

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Somaliland, ayaa si adag uga jawaatay Hadal ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Sannadka Dambe ee 2017-ka la mideynayo Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa Maalintii Sabtidii Gobollada Soomaaliya laga bilaabay Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe, kaasi oo xilliga loo dareeray […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Hargaysa ka Furay Kulan Lagu Gorfaynayo Xeerka Qabyo Qoraalka Siyaasada Dhulka DAAWO

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Furay Kulan lagaga Hadlayo Xeerka qabyo qoraalka Siyaasada Guud ee Dhulka. Kulankan Waxaa ka Qayb galay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda,Qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Gobolada dalka, Maayaro,Iyo Xubno kale oo lagu Casuumay

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shir lagaga Hadlayo Kor u qaadida Awooda Baarlamaanka Somaliland oo ka Socda Nairobi DAAWO

Nairobi 31.May 2016 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo ka Socda Labada Golle ee Guurtida iyo Wakiiladda Isla markaana uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Socdaal Shaqo ku tegay Xarunta Waddanka Kenya ee Magaalada Nairobi. Xubnahan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa ka qayb galay shir lagaga hadlayo sidii kor loogu qaadi lahaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Suldaan Cusub oo Lagu Caleemo saaray Deegaanka Adhi cadeeye ee Gobolka Sool & Xiisaha ku lamaan DAAWO

Adhi Cadeeye 31.May 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Deegaanka Adhi Cadeeye ee Gobolka Sool Lagu Caleemo Saaray Suldaan Mustafe Maxamud Aw Seed Waxaana ka qayb galay Wefti balaadhan oo uu Horkacayo Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »