Home » 11:00 pm Entries posted on “July, 2017”

Hawlgalkii Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha oo Maanta Si Rasmi ah uga soo Dhamaatay Gobolada Maroodi Jeex Iyo Togdheer & Labada Gobol ee ugu Danbeeya ee Kaadh Qaadashada Lagu soo Khatimayo DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta si rasmi ah uga soo Idlaatay Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer  hawlgalka qaadashada kaadhka Codbixiyaha oo si xidhiidh ah u socday 22 Cisho ah. Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa noqon doona Labada gobol ee ugu danbeeya ee lagu soo khatimi doono Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha doorashooyinka Somaliland waxayna ku Mudaysan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xisbiga WADDANI Oo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE Ka Dalbaday Inuu Soo Caddeeyo Qaran-dumis-nimo Uu Ku Eedeeyay Guddoomiye Cirro DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka jawaabay eedaymo uu doraad Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi u jeediyey Dhiggiisa Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey Munaasibad Wasaaradda Qorsheyntu ku soo bandhigay Wejiga labaad ee Qorshaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumadda Somaliland Oo Caddeysay Inay Ogolaatay In Hargeysa Dib Looga Furo KINIISAD DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):-  Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay Kiniisad uu Hargeysa ka dhisay Gumaystihii Boqortooyada Ingiriisku, taasi oo Bulshada dood ka dhex Abuurtay markii Dhawaan dib loogu furay ogolaansho ay Xukuumaddu bixisay. Kiniisaddan oo ku taalla Xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan ka soo horjeedka Maxkamadda Sare […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

”Xisbiga Waddani Waa Xisbi Xoojinaya Qaranimada Somaliland Iyo in Ummada Somaliland wax Wada Yeelato” Hogaamiyaha Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah Wefti uu Hor kacayo Gudoomiyaha Xisbigaasi ayaa Maanta Khudbad u Jeediyey qaar ka mid ah Bulshada taageerta xisbigaas ee ku dhaqan Gobolka Gebilay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddida Heer Qaran ee Ka soo Kabashadda Abaaraha oo Maanta Warbaahinta la Hadlay & Halka uu Marayo Qaadhaankii La Uruuriyey DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):-Xubnaha Heer Qaran ee Guddida Ka soo Kabashadda abaaraha Somaliland ayaa Shacabka Somaliland ugu Baaqay inay Si Mug leh uga qayb qaataan Qaadhaankii loo Uruurinayay Bulshada Somaliland ee Ku Tabaalowday  Abaarihii dalka soo Maray.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Nuxurka Socdaal Gudoomiye Cirro iyo Wefti uu Hogaaminayaa Ku Tageen Magaalooyinka Tog Wajaale iyo Allay Baday iyo Khudbado uu u Jeediyey DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani isla markaana ah Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ay Weheliyaan Madax sare oo ka Tirsan Xisbigaasi ayaa Maanta Kormeer ku Tegay Degmooyinka Wajaale iyo Alay baday ee Gobolka Gebilay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Haddii Koox gaar ah oo Dano gaar ah lihi ay saamayn ku yeeshaan Go’aannada Xaasaasiga ah ee Qarankan oo ay keligood sax iyo khalad bam eel marsadaan, halkaa waxa ka dhalaya” Wasiirkii Hore ee Xidhiidhka Golayaasha DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil ayaa si rasmi ah Xilkii ugu Wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Axmed Xaaji Daahir Mudane Cali Xaamud Jibriil oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu sii ahaanayo Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inuu ka mid ahaa Xubnihii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Afhayeenka Madaxtooyadda oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyay Wasiirka Cusub ee Xidhiidhka Golayaasha Iyo Mas’uuliyiin Kale DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Ayaa Maanta Munaasibad Hadhimo Sharafeed Ah u Sameeyey Wasiirka Cusub ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyada Ee Qaranka Somaliland Iyo Masuuliyiin Kale oo Ay kamid Yihiin Salaadiinta Dhaqanka Ee Somaliland Iyo Xubno Wasiiro Ah oo kamid Yahay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Somaliland.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xil-wareejintii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Oo Ay Hadhaysay Dhaliishii Wasiirkii Hore Iyo Difaaca Wasiirka Cusub Ee Xukuumadda

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa Shalay Xilka kala wareegay Wasiirkii ka horreeyay Cali Xaamud Jibriil oo dhawaan uu Madaxweynuhu Xilka ka qaaday. Munaasibadda Xil-wareejinta oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa Wasiirka cusub iyo Wasiirkii hore ka soo jeediyey hadallo ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Wasiirku Waxaa Uu Iska Dhigayaa Nin Kaligii Shaqada Yaqaana, Isaga Iyo Shakhsiyaad Uu Ku Gabraarto Ayaa Muraadadoodi Shakhsi Ahaa Ka Waayay Xafiiskayga,.. “ Maamulihii Dugsiga Sare Ee Maxamud Axmed Cali Mr Balayax DAAWO

Hargaysa 31. July 2017 (SDN/QJ):-Maamulihii Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali Mudane Cali Axmed Balayax ayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane C.laahi Ibraahin Habane Waxa uu ka qaaday Xilkii Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamud Axmed Cali oo ku Yaala Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »