admin

Shirkadaha Laydhka Hargeysa Oon Weli Samayn Qiime Dhismistii Ay Balan Qaadeen

Hargeysa (SDN)  – Shirkadaha ka hawlgala caasimadda Hargeysa ee Somaliland, ayaa ku guuldaraystay inay qiimo dhimistii loo baahnaa ku sameeyaan qiimaha  korontada ay macaamiisha siiyaan, xilli uu qiime ahaan shidaalku si weyn hoos uga dhacay halkii uu hore uga taagnaa adduunka iyo dalkaba. Shirkadaha ayaa shir ay bishii la soo dhaafay la galeen xukuumadda Somaliland…

Read More

Magacyada Saraakiisha Ciidamada Ee Shantii Sano Ee U Dambeeyey Xaalad Aan Dagaal Ahayn Lagu Dilay Iyo Guddidii Madaxweyne Siilaanyo Oo Weli La Sugayo

Hargeysa — Kiisaska dilka ah ee ciidamada Somaliland dhexdooda ayaa shantii sannadood ee u dambaysay u muuqda inay kordhayaan, waxaana soo badanaya taliyayaal iyo saraakiil ciidan oo la dilay. Tirada saraakiisha kala duwan ee ciidamada qaranka iyo Booliska ee siyaabo kala duwan loo dilay ayaa gaadhaya sagaal sarkaal iyo hal sarkaal oo dhaawac ah, waxaana…

Read More

Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Xaraashaysa Fooqa Xawaaladii Qaran

Hargeysa  — Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa go’aamisay in la xaraasho dhismaha fooqa ah ee lahayd xawaaladii qaran ee kacday, si lacagta lagu iibsado loo siiyo dadkii saamiga ku lahaa ee saamigooda ka galay Somaliland dhexdeeda. Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay, in maxkamadda gobalka Hargeysa ay hadda bilowday qiimaynta fooqaas, sida ugu dhaqsaha badana…

Read More

Wariye Sakaaro Oo Goor Dhawayd Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Loo Xidhay

Burco (SDN) – Ciidamada booliska gobolka togdheer ayaa goordhawayd xabsiga u taxaabay wariye Axmed Muuse Sakaaro oo kamida wariyayaasha gobolka togdheer. Waxaana xadhiga wariyahan uu ka danbeeyey kadib markii uu dhawaan ka hadlay wariyuhu maxkamada gobolka togdheer oo u  xukuntay 7 eedeysane oo wariyaha jidh dil iyo dhaawacyo u gaystay isla markaana ay maxkamadu dib…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka ugu baaqay in ay Adkeeyaan Midnimada iyo Dowlad-wanaagga

Muqdisho (SDN) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa kula Dar-daarmey Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay Adkeeyaan midnimada. Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay Xaflad Casho-sharaf ahayd oo lagu maamuusayay Xiritaanka Kal-fadhiga toddobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Xalay lagu qabtey Muqdisho. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Tilmaamey in Baarlamaanka Federaalka uu…

Read More

SAWIRRO: Guddida Sahan Barwaaqo Oo Deeq Biyo Ah Oo Ka Timid Hay’ad Islaami Ah Gaadhsiisay Deegannada Hoos Taga Salaxley Ee Abaaruhu Saameeyeen

Hargeysa (SDN) – Gudida Guud ee Beesha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagle) ee Sahan Barwaaqo ayaa maanta gaadhsiisay 50 booyadood Deegannada hoos taga Salaxley . Deeqdan Biyaha ah oo ka timid Hay’adda islaamiga ah ee Al Sunna Charity Center oo xarunteedu tahay Hargaysa ayaa waxaa lagu soo Hagaajiyay Guddida Sahan Barwaaaqo iyadoo Guddiduna ay Deeqdasi ay gaadhsiisay…

Read More

Madaxwayne ku xigeenka oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Wafti Ka Socda Ururka Dalalka Islaamka

Hargeysa (SDN) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ahna gudoomiyaha guddiga heer qaran ee gurmadka abaaraha, ayaa fiidkii xalay hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefdi ka socda Ururka Dalalka Islaamka (OIC) ee fadhigiisu  yahay Jeddah Sucuudi Arabia. Madaxweyne ku xigeenka, waxa ku wehelinaayey kulankaas, wasiirada Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda,…

Read More

Siciid M. Daahir: Astaantii dadnimada!

Diyaar-garow waxbarasho ayaan ku jiray. Kulan aan qorshaysnayn ayaannu si kedis ah ugu kulanay mid ka mid ah dadka aan aqoonta iyo diinta ba ku ixtiraamo ee dalka. Annagoo wada hadlayna, ayuu alleenka gacanta ee aan sitay soo dhacay, anigoon eegin ayaan hoos u dhigay. Mar kale ayuu soo dhacay, haddana eegay oo dhigay. Mar…

Read More

Mareykanka Oo Loogu Hanjabay In Lagu Weerari Doono Hubka Halista Ah Ee Nukliyeerka

Seol  – Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa wali wada hanjabaadaha ay u jeedineyso Wadamada Dariska la ah iyo Dowlada Mareykanka, waxaana war cusub oo maanta Dowladaasi soo saartay shaacisay in ay Mareykanka ku weerari doonaan hubkooda Nukliyeerka ah. War maanta oo Isniin ah kasoo baxay Dowlada Kuuriyada Waqooyiga ayaa loogu hanjabay Dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed,…

Read More

Faa’idada Wax-Akhriska

Marka hore Alle ayaa mahad iska leh subxaana wata Caala Allihii isiiyey gacmo wax ku qoro sidoo kale ku siiyey indho aad wax ku akhrido, iina Fududeeyey inaan Qodobkan wax ka Qoro. Wax akhrisku wuxu inoo lee yahay ahmiyad balaaran waxaana tusaale inoogu filan kalmadii koowad ee Rasuulka kuso degtay SCW Taaso ahayd “AKHRI”. Quraanka…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaamiyaha Suudaan uga tacsiyeeyay geerida Al Turaabi

Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiiyeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir, iyo shacabka reer Suudaan, geeridii ku timid Dr Xasan al Turaabi oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha asxaabta siyaasadda ee Suudaan, isla markaana xilal kale oo sare dalkaasi ka soo qabtey. “Innaa Lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun….

Read More

Daawo: Suldaanka Guud ee Beelaha SUBEER AWAL oo si Adag uga hadlay Muranka Waqooyiga iyo Salaadiin u xidhan Dhacdadii Hadeyta

Hargeysa – Suldaanka Guud ee Beelaha SUBEER AWAL Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ay hareero Fadhiyeen qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Sacad Muuse (Subeer Awal), ayaa si Adag uga hadlay Xadhigga Suldaan Mowliid Cali Sabbeyse iyo Suldaan Ibraahim Sulub oo Xukuumaddu u xidhay shaqaaqo ka dhacday Deegaanka Hadeyta ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa…

Read More

RW ku Xigeenka Somalia oo Safar ku jooga Magaalada Washington ee Maraykanka

Washington — Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XF Soomaaliya, Maxamed Cumar Carteh oo booqasho ku jooga Magaalada Washington oo ah xarunta Maraykanka ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka, Bangiga Adduunka, USAID iyo hay’ado kale oo caalamiy ah. Carte ayaa booqashadiisu la xiriirtay ka qayb-galka shir-sannadeed uu soo Qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka,…

Read More

Weli Ma Aragtay Digreeto Xil Ka Qaadis Ah Oo Loo Dhiibo Baabuur Caanoole Ah?

Hargeysa-Madaxtooyada Somaliland ayaa digreeto ay xilka kaga qaaday badhasaab-xigeenkii gobalka Hawd Warsame Faarax Soomaali, waxay ugu dhiibtay baabuur caanoole ah oo caanaha ka soo qaada deegaanada Baligubadle. Digreetadan oo aan warbaahinta laga baahin, lana sheegay inay ku taariikhaysnayd 24 February 2016, ayaa waxa dad badan yaab ku noqotay sababta loo baahin waayay, waxase ka sii…

Read More

Daawo: Hoggaamiyihii Hore Ee Al-shabaabta Buuraha Gal-gala Oo Magan-galyo Ka Helay Dalka Qatar

Muqdisho  –   Sheekh Maxamed Saciid Atam oo kamid ahaa Horjoogayaashii ka goostay Kooxda Al-shabaab ayaa magangalyo ka helay Dowlada Qadar oo saaxiib la ah Dowlada Somalia. Maxamed Saciid Atam ayaa Kooxda Alshabaab ka baxay dhex bartankii sanadkii 2014-ka, waxa uuna hada ku sugan yahay dalka Qadar oo uu aaday bishii hore. Atam ayaa mar kale…

Read More

Ciidamo booliis ah oo ku dagaallamay degmada Laascaanood iyo xiisad dhul oo laga wadahadlay

Laascaanood — Kulan Xal loogu Raadinayay xiisad salka ku haysa dhul-daaqsimeed ku yaalla duleedka Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaasoo dhawaan maamulka Puntland ka sameeyeen Koontarool. Shirkaan oo ka dhacay Tuuladda Buura-wadal oo Magaalada Garoowe Waqooyiga ka xigta 30-km, ayaa waxaa ka Qayb-galay Mas’uuliyiin ka socday maamulka Puntland, Wax-garad iyo madax-dhaqameed, kuwaasoo Wadahadal muddo dheer…

Read More

Siyaasi Xassan Al- Turaabi Oo Ku Geeriyooday Da’da 84-jir

Khartoum – Allaha u naxariistee waxaa gelinkii dambe ee Sabtidii maanta Magaalada Khartoum ku geeriyooday Sheekh Hassan Abd Allah Al-Turabi, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu waawayn ee dalka Suudaan, sida wayna looga garanaayo daafaha caalamka. Sheikh Hassan Abd Allah al-Turabi, ayaa sanadkii 1932-kii ku dhashay Magaalada Kassala ee dalkaasi Suudaan, waxaana uu ku geeriyooday…

Read More