Webmaster

    Nin Meel aan Aqalka Cad ka fogeyn dab isku qabadsiiyay

    Washington Oct 05,2013(SDN)-Nin aan heybtiisa la garan ayaa meel aan sida auga fogeyn aqalka Cad ee dalka Mareykanka looga taliyo dab isku qabadsiiyay. Dad goobjoogeyaal ahaa  ayaa sheegay in ay arkeen ninkan oo Gaas uu ku sitay caagad madaxa ku shubtay isla markaana dab is qabadsiiyay. Dadkii aaga ka dhawaa oo shaararkoodii la baxay ayaa…

    Read More

      Madaxwaynaha Somaliland Axmed Silaanyo iyo Wafdigii uu Hogaminayey oo Shirkad Turkia u saxeexay Warsahadii Sibidhka

      Turkia 05Oct13(SDN) Wafdigii Somaliland ee ku suganaa wadanka Turkia ayaa waxay heeshisyo la galeen sharkado laga leyahay wadanka turkiga sharkadan ayaa waxay qandaraas lagu siyyey warshadii Sibidhka ee Berbera  taas oo in mudo ay ka tagnayd lahaanshaha warshadaas iyo khilaafka gobolka Saaxil  taas ayoo la filayo in khilaaf ka yimaado ,Waxa hawshan aad u fududeyey…

      Read More

        Muqdisho :Qoys sheegay in laga dhacay 204 Boos Isla Markaana eedayn u soo Jeediyay Maxkamada Sare Daawo

        Muqdisho 04.October 2013 (SDN)-Qoyska iska leh dhaxaltooyada Maxamuud Hiraabe Yarrow oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey maxkamada sare ee dowlada Somalia iney si cadaalad daro ugu xukuntay dhul ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho shirkad lagu magacaabo Beder oo in muddo ah ay dacwad kala dhexeysay. Cabdi Cabdulle Maxamed oo ka…

        Read More

          Dawlada Talyaaniga oo Baroor diiq u Samaynaysa Tahriibayaashii ku Geeriyooday Xeebta Lampadusa

          Lampadusa 04.October 2013 (SDN)-  Dalka Talyaaniga ayaa maanta laga xusayaa maalin baroordiiq ah oo loo samaynayo dad dhawr boqol ah oo ka kooban tahriibayaal Afrikaan ah, una badan Soomaali iyo Iriteeriyaan oo ku halligmey xeebaha jasiiradda Talyaaniga ee LampedusaUgu yaraan ilaa 300 oo qof oo Afrikaan ah ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen badda…

          Read More

            Afgooye oo ay ku Geeriyoodeen Afar Caruur ah oo Walaalo ah kadib markii Gaadhi ay Saarnaayeen Wadada kala baxay

            Muqdisho 04.October 2013 (SDN)- Afar carruur oo walaalo ah ayaa dhimatay mid kalena wuu dhaawacmay kaddib markii maanta gaari waddada ka baxay uu ku jiiray waddada Ex.Control Afgooye ee Muqdisho. Carruurta dhimatay iyo midka dhaawaca ah ayaa ku cayaaraysay banaanka xero ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ay ku noolaayeen, waxaana shilka sababay darawalkii…

            Read More

              “Waxaanu dersaynaa Wixii Shaqaaqo ahaa ee Ceerigaabo ka dhacay” Wasiirka Xoolaha {DHAGAYSO}

              Ceerigaabo 04.October 2013 (SDN)- Waxaa Maanta Magaalada Ceerigaabo gaadhay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir . Ujeedada Socdaalka Weftigan ayaa salka ku haya sidii ay u dhamayn lahaayeen Khilaafaad Mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa Magaalada Ceerigaabo,Sidoo kale waxa uu Wasiirka Xanaanada Xooluhu sheegay inay u…

              Read More

                Dawlada Somaliland oo Madax dhaqameedka uga Digtay faro gelin ay ku sameeyaan Kiisaska Kufsiga iyo Jawaab Celinta Madax dhaqameedka {DHAGAYSO WARBIXINTAN”

                Hargaysa 04.October 2013 (SDN)- Xukuumada Somaliland ayaa uga digtay Madax dhaqameedka Somaliland inaanay faraha la soo Gelin Kiisaska Kufsiga ah ee Soo Gala Maxkamadaha si ay Uga Garsooraan. Ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ahna ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawlada Somaliland Aadan Xero dhiig ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Hogaanka…

                Read More

                  Wasiirka Gaashaandhiga ee Dawlada Federaalka Somalia iyo Wefti uu Horkacayo oo Gaadhay Magaalada Kismaayo

                  Kismaayo 04.October 2013 (SDN)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhawayd ay garoonka diyaaradaha magaaladaasi ka dageen Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Fiqi iyo Abaanduulaha Ciidamada Xooga Gen. Cabbrisaaq Khaliif Cilmi. Waxaan la ogeeyn ilaa hadda safarkan aan horey loo shaacin ee Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaliyeed ku…

                  Read More

                    Dablay Hubaysan oo ku Toogtay Magaalada Mombasa ee Wadanka Kenya Sheekh aad uga caana geyigaas

                    Mombasa  05.October 2013 (SDN)-Rag hubeysan ayaa ku dilay magaalada Mombasa afar qof oo uu ku jro wadaad Muslim ahaa oo diinta ka fidin jiray masjid ku yaala magaaladaas, sida ay sheegayaan saraakiisha booliska. Weerarka ayaa dhacay shalay gelinkii dambe. Wadaadka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Ismaacil ayaa wuxuu ka wacdin jiray masjidka Musa ee magaalada…

                    Read More

                      Taliyaha Ciidanka Somalia oo Kormeer hawleed ku tagay Degmada Mahaddaay oo dhawaan Ciidamada Dawladu qabsadeen

                      Mahaddaay 04.October 2013 (SDN)-Taliyaha  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ayaa booqday degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada dowladda. Taliyaha ayaa amaan u jeediyay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Mahaddaay sida ay naftooda ugu hureen xoreynta dalka iyo guulaha ay gaareen. Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ayaa ciidamada…

                      Read More

                        Qaar ka mid ah Tahriibayaashii Soomaaliyeed Ee Doontu la Gubatay Oo Magacyadooda la shaaciyey

                          Valleta:4-Oct-2013(SDN)-Waxa isa soo taraya wararka ku saabsan tahriibayaashii maalintii shalay doonnidu kula qarraqantay Badda u dhaw jasiiradda Malta, iyadoo ay halkaasna ku dhinteen soomaali tiro badani, halka qaar kalena la la’yahay. Doonida waday Dhalintani ayaa waxaa la soo warinayaa inay kasoo ambabaxday Xeebaha Dalka Libya hayeeshee markii ay gaardhay kala badh Badda isu xidha…

                        Read More

                          “waxanu Caalamka Dacwad ugu Gudbinnay Shan Shakhsi oo qaarkood aanay Masuuliyiin ahayn oo Boobay Lacagtii dadkan, Madaxweynahana waxanu ku Haysannaa………”Eng. Faysal Cali Waraabe.

                          Hargeya:4-Oct-2013-(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markale Xukuumadda Somaliland ee uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne           Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) u jeediyey Eedo kulul oo dhinacyo badan taabanaya. Eng. Faysal Cali waraabe oo  u warramayey Telefishanka Somsat, ayaa xukuumadda ku dhaliilay  maamul-xumo iyo kala daadsanaan ka dhex jirta  dawladda, isagoo  xusay…

                          Read More

                            Ismaamulka Kililka Shanaad Ee Ethiopia oo Jeelasha ka Buuxiyey Arday Iyo Waalidiin Soomaaliyeed

                              Jigjiga:4-Oct-2013(SDN)-Maamulka Kililka shanaad ee Itoobiya ayaa  Ayaamahan ugu dambeeyey Jeelasha ka buuxiyey Waalidiin iyo Arday Soomaaliyeed iyo sababo kala duwan ugu safrayey Dalka Ithiopia. Dadkan lagu xidh xidhay Kililka shanaad waxa ay gaadhayaa laba boqol iyo kontomeeyo qof, waxaanay ku safrayeen baasaaboorada Somaliland iyo Itoobiya oo u Fiisaysnaa, illaa hadana lama garanayo sababta Maamulkaasi…

                            Read More