Webmaster

Soomaaliya oo 48 Sano ka Dib laga Bilaabay Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda & Tirada Shahaado la Siiyey

Muqdisho 03. December 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashada Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, ayaa Axaddii Maanta bilaabay diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed markii ugu horraysay muddo 48 sano ah, waxaanay ka dambaysay markii sannadkii hore uu Baarlamaanku ansixiyey Sharciga furashada Xibsiyada. Munaasibad Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay Shahaadooyin Aqoonsi ku guddoonsiiyeen Guddiga…

Read More

Hogaamintii Lee Kuan Yen ee Singapore iyo Kelmadihii uu Ku Galay Ololihiisii Doorasho iyo Isbedelka ku dhacay dalkaasi DAAWO

Singapore 03. December 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamintii Lee Kuan Yew.. Nin qudhi waxbu badali kara. Maalintii ay Singapore dawladda gaarka noqotay ee dibadda laga dhigay Malaysia isagoo ooyaya kalmad ayuu yidhi rumawday. “ Singapore way is bixin doonta”.. Caalamka saddexaad intuu ka soo qaaday ayuu caalamka koobaad keenay.. Wuxuu olaha ku galay la dagaalanka musuq maasuqa, sannadkii…

Read More

Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland oo Qaabilay Xubno Ka Socda Baarlamaanka Midowga Yurub oo u Dhaq Dhaqaaqa Aqoonsi raadinta Somaliland SAWIRO

Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee dhawaan shacabka reer Somaliland doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ka socda Baarlamaanka Midowga Yurub,  kuwaas oo si xoog leh ugu dhaqdhaqaaqa qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii ay ictiraaf rasmi ah uga heli lahayd beesha caalamka. Weftigan oo ka kooban xubno ka ah…

Read More

TALO, IYO TUSAALOOYIN :Qalinkii: Idiris Muxammad Muxammuud ( Idiris Tooxyare.)

Waan ku faraxsanahay guusha, iyo horumarka siyaasadeed ee uu waddankeennu (soomaalilaan) gaadhay waa mid uu innoo horseeday yagleelahii, iyo aabbahii jamhuurayada soomaalilaan Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) AHU Iyo madaxwaynayaashii kale oo si qurux, iyo qabayn leh u sii sameeyay hanaanka cod bixinta doorashada ee qof waliba dooran karo qofka uu rabo eyada oo aanay cidna…

Read More

Murashax C.raxmaan Cirro oo Socdaal ugu Kicitimay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya!!

Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Murashixii madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar ugu baxay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Cabdiraxmaan-cirro oo tan iyo markii ay doorashada madaxtooyadu qabsoontay, laguna dhawaaqay inuu doorashada ku guulaystay murashixii KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku sugnaa Hargeysa ayaa doraad safar ugu baxay dalka Kenya. Safarka Cirro oo…

Read More

Xukuumadda Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Dhallinyaro Faashash Ku Hubaysan Oo Habeenkii Dhac & Boob Ka Geysta Xaafadaha Hargeysa

Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin adag ka soo saartay Dhallinyaro habeenkii koox-koox iyagoo u socda Waxyeeleeya Dadka Maatida ah, sida Dumarka isla-markaana ka qaata wixii hanti ah ee ay markaan sitaan. Dhallinyarada oo Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay ka sameeya Falal budhcad-nimo, iyagoo Faashash iyo budhadh u adeegsada Dadka ay baadhanayaan, ayaa…

Read More

” Waar waa Maxay Jinkan xariifka ahi” Kaftan Fariimeed madaxweynaha cusub – yaan deyn lagaaga tegin Iyo Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa 03. December 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu kula-taliyay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi inuu Cadaalada xoogga Saaro, isla markaana aanu la wareegin wax dayn ah oo xukuumaddii hore ka tagtay. Sidaa waxa lagu sheegy qoraal uu ku saxeexan-yahay Jamaal Cali Xuseen oo ay heshay Shabakada Qurbejoog.com, waxaanu u…

Read More

‘’Muuse Biixi Wax Uu Igu Yidhi Khaladaad Fara-Badan Oo Aan Sameeyay Wakhtigii Cabdiraxmaan Tuur Maanta Hadaan Garanayo Maan Sameeyeen’’ Aadan Dhoola Yare DAAWO

Hargaysa 02. December 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Aadan Dhoola-yare oo ka tirsan Xisbig Mucaaridka ah ee waddani ayaa sheegay in ay la shaqeenayaan Xukumadda Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Halkan geesta kale uu ka hadlay aqoonta uu Madaxwayne Muuse u leeyahay waxaanu sheegayn mar ay isku galaas ahaayeen muuse uu ugu sheekeeyay khalaad farabadan…

Read More

Madaxweyne Biixi: Ma Waxa uu Dooran doonaa inuu soo Dhiso Xukuumad kooban oo Abaal Guda Mise Wuxuu eegi doonaa Danta Guud ee Qaranka?

Hargaysa 02. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku jira maalmihii u dambeeyay ee diyaar garowga dhismaha xukuumadiisa iyo la wareegidda xilka qaranka. Md. Biixi, wuxuu balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad kooban oo ay hagi doonaan wasiiro iyo masuuliyiin kale oo leh xirfad, si ay u…

Read More

‘’Markay Mudaharaadeen Waddani Ku Ka Weyn ayaa Ka Dhici lahaa Xisbiga Kulmiye Waayo Mid Waliba Wuxuu is leeyahay Wax Daafaco’’ Madaxweyne Muuse Biixi & Maanta DAAWO

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta ka hadlayay Munaasibad uu Xisbiga Kulmiye u sameeyay Muraaqibiintii ugu Sugnaa Goobaha Codbixinta ee Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ayaa Waxa uu markii kowaad ka hadlay Sababaha u Suurto geliyey inuu hanto Guusha hogaaminta qaranka. Mudane Muuse Biixi Cabdi…

Read More

20 Siyaasi ee ugu Ololaha Wanaagsanaa Muddadii Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland (Yaa Hormeeyay oo Saxay) DAAWO

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Dabayaaqadii Bishii October ee aynu soo dhaafnay Waxaa Somaliland ka Bilaabmay tartan adag oo u dhexeeyay Murashixiinta Sadexdda Xisbi qaran ee Ucid,Kulmiye Iyo Waddani kaas oo guclo orod loogu jiray sidii uu mid kastaa Guusha Xisbigiisa u gaadhsiin lahaa una qaban lahaa hogaaminta qaranka. Ololaha doorashaddani Wuxuu ahaa Mid walaac weyn…

Read More

Hargaysa: Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka oo Hakiyey Dhamaanba Xisaabaadkii Socday ee Dawlada Iyo Awaamiir lagu Sugayo Hantida Dawlada oo ay soo saareen DAAWO

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Xili Maalmaha fooda inagu soo haya ay Somaliland ka dhici doonto Xil Wareejinta Madaxweynaha wakhtigiisu gabaabsiga yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa hanti dhawrka Guud ee Qaranku Wuxuu hakiyey Xisaabaadkii Socday ee Dawlada iyagoo sidoo kalena Joojiyey in aan Wax…

Read More

”Waxaan aad ugu Mahadnaqayaa Labada Xisbi Mucaarid Sidii Wanaagsanayd ee ay Yeeleen,Waxaan u Mahadcelinayaa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo Fursad u Helay…” Siyaasi Axmed Muumin Seed DAAWO

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Axmed Muumin Seed oo ka tirsan saraakiisha xisbiga kulmiye isla markaana ka mid ahaa Madaxdii Xisbiga Kulmiye ee soo xulida Muraaqibiinta Xisbigaasi loo igmaday ayaa Waxa uu Ka Hadlay Qodobo door ah oo ku Wajahan Hannaankii ay Doorashadda Madaxtooyadu dalka uga dhacday,Natiijadii Guusha Xisbiga Kulmiye iyo aqbalaadii Xisbiyadda Mucaaridka ee…

Read More

”Kuwa Muuse Biixi Reernimada Ku Difaacaya Waxaan Leeyahay Cidna Kama Xigtaanee U Daaya Shacabkiisu Ha Xagxagtaanee..” Mustafe Shiine

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Mustafe Cabdi Ciise Shiine Badhasaabkii hore ee gobalka Maroodi-Jeex waxaa uu fariin u diray dad uu sheegay in ay madaxweyne Muuse Biixi ka difaacayaan eedo iyo mucaaridad kaga imaneysa deegaano ama ashqaas gaar ah. Mustafe Shiine oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebok-ga waxaa uu dadkaas kula taliyey in aaney Muuse…

Read More

”Sida aad la socotaan, waxaynu ku jirnaa xilli kala guud ah, oo aynu xilkii qaranka ku wareejinayno, madaxweynaha cusub ee la doorta, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, waxaan idin farayaa in mas’uul waliba deg-deg u diyaariyo, xil wareejintii looga baahnaa” Madaxweyne Siilaanyo SAWIRO

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta isugu yeedhay kalfadhi aan caadi ahayn wasiirada Xukuumadda iyo Maareeyeyaasha Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dawladda. Madaxweynaha oo la hadlayey masuuliyiintii shirka ka soo qaybgalay ayaa yidhi “ Ugu horreyn, waxaan si weyn idiinku bogaadinayaa dedaalka iyo doorkii qiimaha lahaa, ee aad ka…

Read More

Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland oo Kulan la Yeeshay Ganacsatada Beesha Garxajis iyo arrimaha ay ka wada hadleen

Hargaysa 28. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan la yeeshay ganacsatada beelaha Garxajis ee uu ka soo jeedo Murashixii uu doorashada kaga guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulanka oo ka qabsoomay guri ku yaala xaafadda Masalaha ee Koonfurta Hargeysa, ayaa waxa uu ka dambeeyay dalab ka yimid madaxweynaha la doortay…

Read More