Webmaster

    Marwada Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Madaxda Hay’ada Ugu Weyn Mucawinooyinka Ireland Ee Concern World-wide.

    Dublin 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, oo kamid ah Waftiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka Ireland, ayaa kulan la qaadatay Madaxda ugu saraysa hay’ada ugu weyn waddanka Ireland  ee Mucaawinooyinka deeqaha gaadhsiisa dalalka Afrika, taas oo loo yaqaan Concern World-wide Charity.   Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina Waris waxaa…

    Read More

      Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Go’aamo Ka Soo Saaray Ciyaartii Shalay ka Dhacday Magaalada Boorama DAAWO

      Boorama 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa digniino kama dambeys ah siiyay gobolka Hawd iyo garsoor ka mid ah kuwa ciyaarta shalay garsoorayay. Xidhiidhka ayaa shir jaraa’id ku sheegay in garsoorahaasi ku kagacay khalad aanay faahfaahin. “Waxaanu ganaaxnay Hal garsoore iyo Koox. Hal garsoore oo ka tirsan garsooreyaasha gobolka Awdal oo ah garsooreyaashii loo…

      Read More

        Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ireland Oo Qasrigiisa Madaxtooyada Ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland+SAWIRO

        Ireland 06 Oct 2015  (SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Ireland Mud.  Michael D Higgins oo uu Wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Ireland Vice Admiral Mark Mellet (DSM) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Dalkaas  ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalkan Ireland.   Madaxweynaha…

        Read More

          Gobolada Maroodi Jeex Iyo Xaysimo oo Ka Guulaystay Gobolada Buuhoodle Iyo Badhan Iyo Kulamada Beri oo Arbaca ah DAAWO

          Burco 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xulalka Goboladda Maroodi Jeex,Buuhoodle, Xaysimo iyo Badhan ayaa maanta Ku kulmay Ciyaaraha Is reeb reebka Gobolada Somaliland ee Ka socda Magaalooyinka Boorama iyo Burco. Xulalka Gobolada Maroodi Jeex iyo Buuhoodle ayaa Garoonka Xaaji Daahir Cilmi ee Magaalada Boorama waxay ku Yeesheen Ciyaar adag oo ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis iyadoo labada…

          Read More

            Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Casuumay Maxadka Nabada, Kulana La Yeeshay Hay’adda Horumarinta Iyo Maalgashiga Ireland+Sawiro

            Dublin 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wafdigii uu hoggaaminaayay oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ireland, ayaa lagu marti qaaday Maxadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Dalka Ireland oo magaceedu yahay (Glencree Centre For Peace & Reconciliation). Madaxda Maxadkan Caalamiga ah Mudane William Devas iyo ku-xigeenkiisa Eamon Rafter iyo masuuliyiin…

            Read More

              Tartankii Ciyaaraha ee Ka Socday Magaalooyinka Boorama Iyo Burco Si Toos ah Halkan uga DHAGAYSO

              Burco 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Xulalka Goboladda Maroodi Jeex,Buuhoodle, Xaysimo iyo Badhan ayaa maanta Ku kulmay Ciyaaraha Is reeb reebka Gobolada Somaliland ee Ka socda Magaalooyinka Boorama iyo Burco. Xulalka Gobolada Maroodi Jeex iyo Buuhoodle ayaa Garoonka Xaaji Daahir Cilmi ee Magaalada Boorama waxay ku Yeesheen Ciyaar adag oo ku dhisan Weerar iyo Weerar Celis iyadoo…

              Read More

                Dagaal Gacan ka Hadal ah oo Shalay Garoonka Boorama Ku Dhex Maray Gudoomiyeyaasha Gobolada Awdal Iyo Hawd “Taagerayaasha Gobolka Awdal May Noqon Marti Soorayaal”

                Hargaysa 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Labada Gudoomiyeyaasha Gobolada Hawd Iyo Awdal, ayaa dagaal gacan ka hadal ah ku dhex-maray Shalay galab gudaha Garoonkii ay ka socotay ciyaartii labada kooxood ee u kala ciyaarayey Hawd Iyo Awdal oo lagu qabtay magaalada Boorama, isla markaana waxa hadheeyey ciyaartii lagu qabtay gobolkaas rabshado ay dhigayeen taageerayaashii kooxda. BadhsaabkaHawd Ibraahim Xaaji Cali IyoBadhasaabka Awdal Ramaax, ayaa dagaalkaas oo ka dhashay shiidka iyo dhagax tuur…

                Read More

                  “Qof Waliba Nidaamka Faasidka ah ee Mar Yimaada Meesha uu kaga hadho ayuu ku suntanaadaa, Madaxweynaheenu Xukuumadii Siyaad Bare ayuu ka Mid ahaa Maalin ayuu Yidhi Maya oo uu ka Tegay” C.casiis Maxamed Samaale DAAWO

                  Hargaysa 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa waxa uu sharaxaad ka bixyey Siyaasada iyo sida ay dadku u haystaan, waxana uu tilmamaay inaanay Siyaasadu colaad ahayn ee ay la mid tahay Kubada Cagta. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isaga oo ka hadlayay Shalay munaasibad lagu daah furayey Jaamacada cusub ee…

                  Read More

                    R.W. K/xigeenka Xukuumada oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland

                    Muqdisho, October 6, 2015 (SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland, waxaana wafdigan hogaaminayay Dominik Langenbacher oo ah Danjiraha dowladda Switzerland ahna wakiilka gaarka ah u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale, ka mid…

                    Read More

                      Berbera: Hirdanka Duullaanka Sharka, Difaaca Samaha Iyo Digniinta Mucaaridka

                      Hargeysa, 06 Oct 2015  (SDN/QJ)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay qaddiyadda haamaha shidaalka magaalada Berbera, waxaana uu sheegay in aan golaha wakiiladu go’aan ay gaadheen cidina burin Karin. Isla markaana wuxuu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in go’aanka Golaha ka soo baxay ku dhaqanto oo ay joojiso wixii…

                      Read More

                        “Looma Baahna in Gudoomiye Muuse Biixi Lagu Cabsi Geliyo Dagaalkii Abtiyaashii” Siyaasi Aadan Dhoola Yare

                        Hargaysa 06.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Md. Aadan Axmed Cilimi  Aadan-Dhoolayare ayaa waxa uu ka hadlay wakhtiga loo cayimay qabashada Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu ka difaacay eedo culus oo loo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Aadan-Dhoolayare waxa uu ku taliyay ololaha loogu jiro…

                        Read More

                          Saraakiishii Xabsiga Laascaanood Maxaabiista Ka Sii Daysay Oo Ka Sheekeeyay Falkaa Iyo Cidda Kala Shaqaysay

                          Laascaanood, 06 Oct 2015 (SDN/QJ)-Qaar ka mid ah maxaabiis iyo saraakiil laba todobaad ka hor ka baxsaday Xabsiga Laascaanood,  ayaa ka sheekeeyay sidii ay ugu suuro gashay inay baxsadaan iyo cidda kala shaqaysay baxsadkooda, iyagoo ka hadlayay muuqaal laga soo duubay waxay sheegeen in maamulka Khaatumo oo adeegsanaya Saraakiil Asluubta Somaliland ka tirsan oo xabsiga…

                          Read More

                            “ Intay Muuse Biixi, Maxamed Biixi iyo Samaale Isku Mashquulasan Yihiin Way Dhici Kartaa In..” Muj Cali Guray

                            Hargeysa, 06 Oct 2015 (SDN/QJ)-Mujaahid Cali Guray, ayaa ku dooday inaan la yaraysan karin musharaxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo shalay ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay musharaxnimada madaxweyne ee Kulmiye. Cali Guray ayaa rumaysan inuu Kijaandhe ka dhex faa’iidaysan karo musharaxiinta loolamaya oo aan iyagu isku tanaasulayn, islamarkaana aan wali ku kala guulaysan taageerada…

                            Read More

                              Gudoomiyaha Ururka SOLJA Oo Cambaareeyay Xadhiga Wariyayaasha Isla Markaana Ku Tilmaamay Xadhigaaasi Mid Nabad Galyada Gobolkaasi Wax Lagu Yeelayo DAAWO

                              Berbera 05.Oct 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Maxamuud Xuuto ayaa isagoo ku sugan Magalaada Berbera shir jaraa’id ku qabtay Magaaladaasi waxaanu Cambaareeyay Xadhiga Wariyayaasha isagoo Ku Tilmaamay Xadhigaaasi Mid Nabad Galyada Gobolkaasi Wax Lagu Yeelayo . https://www.youtube.com/watch?v=oDhaABtHvH0

                              Read More

                                Furitaanka Tartanka Ciyaaraha ee Gobolada Somaliland Iyo Nuxurka Khudbad Madaxweyne Ku Xigeenku ka Jeediyey DAAWO

                                Boorama 05.Oct 2015 (SDN/QJ)- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Golayaasha qaranka ayaa Magaalada Boorama kaga qayb galay Ciyaarta Furitaanka Tartanka Ciyaaraha Goboladda Somaliland. Khudbad dhinacyo badan leh oo Madaxweyne ku Xigeenku ka Jeediyay Bilowga Tartanka ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay…

                                Read More

                                  Saadaasha Mala Awaalka Taageeradda Maxamed Biixi, Muuse Biixi, Samaale Iyo Kijaandhe Ee Toobiyaha 10.Novembar

                                  Hargeysa, 05 Oct 2015  (SDN/QJ) Inkastoo weli kaambaynkii Kulmiye dhexdiisu socdo, afar murashaxna inta la og yahay ay u taagan yihiin tartanka madaxweynaha xisbiga, ayaa waxa soo baxaya warar is khilaafsan oo la xidhiidha saadaasha iyo hilaadinta ay kala haystaan marka loo eego golaha xukuumadda iyo golaha dhexe ee dooranaya murashaxa madaxweynaha.   Xog urrurin…

                                  Read More

                                    Natiijada Tartanka Ciyaaraha Goboladda ee Maanta Ka Furmay Magaalooyinka Boorama Iyo Burco Iyo Kulamada Beri

                                    Boorama 05.Oct 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Maanta ka Furmay Magaalooyinka Boorama iyo Burco Wareegii Kowaad ee Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo ay Sannadkan ka qayb qaadanayaan 14-ka Gobo lee Somaliland ka Kooban tahay. Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Golayaasha qaranka ayaa Magaalada Boorama…

                                    Read More