Webmaster

Musharaxa Madaxweyne Xigeen Ee Xisbiga Ucid oo Ku Eedeeyay Gudoomiye Muuse Biixi inuu Xaqirsan yahay Murashaxnimadda Gobolada Bari Somaliland Ka Heleen & Nuxurka Sheeko dhex martay DAAWO

Hargaysa 30. September 2017 (SDN/QJ):-Musharaxa Madaxweyne Xigeen Ee Xisbiga Ucid Axmed Cabdi Muuse (Abyan) ayaa Ku Eedeeyay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Inuu Xaqirsan Yahay Musharaxnimada Gobolada Berigu Markii Ugu horeysay Heleen Somaliland Isagoona Ka Sheekeeyay Sheekoo Dhex Martay Isaga Iyo Muuse Biixi.

Read More

Marwada Kowaad oo ku Baaqday in Hay’adaha Dakhli Soo-saarka Loo Dhiibo Haween

Hargaysa 30. September 2017 (SDN/QJ):-Marwada kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), ayaa bayaamisay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu mar kale ku celin doono Golaha Wakiillada dalab la xidhiidha sidii ay haweenka reer Somaliland loogu samayn lahaa kuraasi qoondo ah oo ay ku  tartamaan doorashooyinka goleyaasha degaannada iyo baarlamaanka. Marwada kowaad…

Read More

Sarkaal Madaxweyne Siilaanyo Ka Dalbaday in Laga Reebo Shaqaalaha Laga Mamnuucay Ololaha Doorashada DAAWO

Hargaysa 30. September 2017 (SDN/QJ):-Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mr. Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan ayaa Madaxweynaha Somaliland ka codsaday in uu isaga ka reebo shaqaalaha Dawladda ee laga mamnuucay inay ku dhex milmaan loollanka xisbiyada qaranka xilliga uu socdo ololaha Doorashada Madaxtooyada ee dhowaan dalka ka qabsoomaysa. “Mudane Madaxweyne, waxaan si asluub…

Read More

DP World oo ka Warrantay Lacagta ku Baxaysa Adeegyo ay ka Fulinayso Somaliland

Hargaysa 30. September 2017 (SDN/QJ):-Shirkadda DP World ee maamusha dekedda Berbera, ayaa sheegtay inay 2 Milyan oo Doolar u qoondeysay inay geliso mashaariic lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee ka jira gobolka Saaxil iyo degaanno kale oo ka tirsan Somaliland. Siday baahisay Khamiistii  Dubai News, Shirkadda ayaa  caddaysay inay afar ceel ka qodayso  magaaladda Berbera,…

Read More

Marxuun C.raxmaan Talyanle Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa Iyo Madaxda Qaranka Oo Ka Qayb-galay DAAWO

Hargaysa 30. September 2017 (SDN/QJ):-Alle Naxariistii Janno haka Waraabiyee, waxa Xabaalaha Naaso-hablood ee Magaalada Hargeysa lagu aasay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo habeen Saddexaadkii ku Geeriyooday Dalka Hindiya. Marxuum Talyanle oo Meydkiisa laga soo dejiyey Madaarka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, ayaa waxa Salaatu-jinaasa lagaga Tukaday Masaajidka Tabliiqiyiinta…

Read More

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani Fariin adag oo Digniin ah u Diray DAAWO

Hargaysa 29. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa Fariin digniin ah waxa uu u Diray Labada Xisbi Qaran ee Kulmiye Iyo Waddani. Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa Madaxda sare ee Labadaas Xisbi ku booriyey inay u hogaansamamaan Sharciga dalka u Yaala,hadalka Gudoomiyaha ayaa…

Read More

Dardaaran uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Faraqa ugu Guntay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi DAAWO

Hargaysa 29. September 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Dhawaan Sheegay inuu ka Baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa shalay si rasmi ah waxa uu dib ula Midoobay Xisbigiisii hore ee Kulmiye. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka sheekeeyay sababaha keenay inuu dib ugu noqdo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye waxaa kale…

Read More

Urur ay ku Midaysan yihiin Telefishanada ka hawl gala Somaliland oo Shaaciyey inay qabanayaan Dood u dhaxaysa Sadexda Murashax Madaxweyne DAAWO

Hargaysa 29. September 2017 (SDN/QJ):- Urur ay ku bahoobeen Telefishanada ka hawl gala Somaliland ayaa daboolka ka qaaday inay qaban qaabinayaan dood ay ku kulansiinayaan sadexda murashax madaxweyne ee Xisbiyada Ucid,Kulmiye iyo Waddani, https://www.youtube.com/watch?v=wfEVQ8Eg5sA

Read More

Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland Oo Sheegay Inay Toddobaad Walba Gobolka Sanaag Ku Qabtaan, Dhallinyaro Hargeysa & Burco Ka Ambo-baxay

Hargaysa 29. September 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa ka dayriyey Tirada Dhallinyarada Reer Somaliland ee Dalka ka Tahriibaya oo ay sheegeen inay aad u korodhay bilihii u dambeeyay. Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ee Gobolka Sanaag Gaashaanle Siciid Cige, ayaa sheegay inay aad u soo kordhayaan Dhallinyarada ka Tahriibaya Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa,…

Read More

Diyaarado Nooca Qumaatiga U Kaca Ah Oo Joog Hoose Ku Duulaya Oo Dul Heehaabayay Deegaano Somaliland Kamid Ah

Saylac 29. September 2017 (SDN/QJ):- Saddex Diyaaradood oo lagu sheegay kuwa Qumaatiga u kaca, ayaa Habeen hore illaa Shalay Waaberigii dul-heehaabayey deegaannada hoos taga Degmada Lughaya Gobolka AWDAL.   Waxaana xoguhu noo sheegeen in diyaaradahan la arkay Abbaaro 11-kii habeenimo, halka mar kalena la arkay Salaaddii Subax ka dib, iyagoo joog hoose ku duulaya, taasina…

Read More

Wafti Ka Socda Dawlada Itoobiya Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay Oo Xogo Laga Helay

Hargaysa 29. September 2017 (SDN/QJ):- Warar aan helayno kana helayno madaxtooyada Somaliland ayaa waxay sheegayaan in shalay galab ay dalka Somaliland soo gaadheen wafti balaadhan oo ka socda dawlada Itoobiya.   Waxaana waftigan ka socda dawlada Itoobiya ee shalay galab dalka soo gaadhay hogaaminaya safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Masar Maxamed Dirir,waxaana sidoo kale…

Read More

Ciidammada Booliiska Boorama Oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay, Dad Rayid Ah Oo Isku Dayey Inay Sharciga Gacmahooda Ku Fushadaan

Boorama 29. September 2017 (SDN/QJ):- Saddex Qof oo midkood Askari Booliis ah yahay, ayaa ku dhaawacmay Iska Hor-imaad Shalay Subaxdii hore ka dhacay Magaalada Boorama, kaasi oo u dhexeeyay Ciidammada Booliiska iyo Dablay diiddanaa in la dhiso Dhul muran ka taagan yahay oo Magaaladaa ku yaalla. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka AWDAL, ayaa Warbaahinta u sheegay…

Read More

Weftigii Kowaad ee Ka Socda Qaramada Midoobay oo Booqanaya Gobolka ay ku dhaqan yihiin Qoomiyada Rohinga ee Dalka Myanmar

Myanmar 29. September 2017 (SDN/QJ):- Wefdi kasocda Haayada Qaramada Midoobay ayaa markii ugu Horaysay gaadhay Gobolka Rohinga ee Dalka Mayan-maar iyadoo halkaasi ay ka baro kaceen dad lagu Qiyaasay wax ka badan Afar Boqol oo kun, kuwaasoo u Gudbay dhanka Dalka Bangaala-dheesh. Wefdigan oo ay weheliyaan Saraakiil ka socota dalkaasi ayaa u kuur gali doona…

Read More