“Madaxweynuhu Go’aankii aanu soo saarnay ee Madaxweyne-ku-xigeenkiisu saxeexay inuu barkado may ahayne waxay ahayd inuu hirgeliyo, in nin qudha uu dalku u afduubnaadana ma aha.”Faysal Cali-waraabe.
Hargeysa:June,25,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal cali-waraabe, ayaa ka Hadlay xaaladda Guud ee Waddanka, waxana uu warwar ka muujiyey muddo-kordhintii madaxweyne Siilaanyo loo sameeyey oo aan wali wax heshiis ah laga gaadhin. Guddoomiye Faysal oo u warramay idaacadda VOA-da, ayaa warwar ka muujiyey xaaladda siyaasadeed ee waddanku ku jiro, waxana uu hoosta ka…
