“Author Archive”
Stories written by akguled

“Waa Inaan Telefishanka Qaranka Laga Samaynin Xayeysiis Waxbarashada ku saabsan, Waayo waa Dhalanteed Dumarka iyo Carruurta lagu Qaldayo” Wasiirka Waxbarashada Somaliland

Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta saree e Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habbane, ayaa walaac ka muujiyey muunad-baxa ku dhacay waxbarashadii Somaliland iyo sida ay tayadeedii u siinad baxday.   Wasiir Cabdilaahi Dheere oo ka hadlayey madal lagu furayey jaamacad cusub oo kusoo biirtay jaamacadaha dalka ka jira, ayaa sheegay in qiimihii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Burco: Dhalinyarro Boqol Ka Badan Oo Laamaha Ammaanku Xabsiga U Taxaabeen

Burco 04, October 2016 (SDN/QJ):-Dhalinyaro ka badan boqol  ayaa laamaha amniga ee magaalada Burco Xabsiga u taxaabeen kadib markii lagu eedeeyay inay dadka ku dhacaan xaafada iyo suuqyada Magaalada Burco wakhtiyada Habeenkii.   Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa sheegay in dhalinyartaasi ay ku hubeysan yihiin noocyada kala duwan ee Hubka Lagu qaato gacanta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shacab Dibad-Bax Ka Muujiyey Wadaad Daaci Ahaa Oo Laascaanood Lagu Qabtay, Hargeysana Loo Soo Dhaadhiciyey

Laascaanood 04, October 2016 (SDN/QJ):-Xuseen Maxamed Maxamuud oo bare dhinaca diinta iyo culuumta maaddiga ah ka ahaa dugsiyo ku yaalla tuulada Goljanno ee gobolka Buuhoodle, isla-markaana gacanta ku hayey masaajidka magaaladaas ku yaalla, ayey ciidamada ammaanku dhawaan kasoo qabteen magaalada Laascaanood, waxana ay usoo dhaadhiciyeen magaalada Hargeysa oo uu haatan ku xidhan yahay. Macallin Xuseen […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qisooyinka La Yaabka Leh ee ay Wadaagi Jireen Adlov Hitler iyo Banito Mussalini DAAWO

Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Barnaamijkeena xogta dahsoona waxaynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah Waxyaabihii ay ku kala duwanaayeen Adlov Hitler iyo Banito Mussalini oo labadooduba ka mid ahaa dadkii xulafada noqday ee colaado ay humeen dartood caanka ku noqday.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Barnaamij ka Hadlaya Dib u Dhiska Xukuumadda Somaliland ku Samaynayso Dugsigii Sare ee Dayaxa ee Gobolka Sanaag DAAWO

Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Dib u dhiska dugsiyadii boodhinka ahaa ee gobolada Sool iyo Sanaag waxa hirgelinteeda ku dhiiraday Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland C/laahi ibraahin habane(C/laahi dheere).

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muwaadinkii u Horeeyay ee Somaliland ka Samaya Wershad Soo Saarta Tamaashiirta Iskuulada Wax loogu dhigo

Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):- Cali Xasan Faarax Waa Mid ka Mid ah Shakhsiyaadka Somaliland ee aqoonta durugsan u leh qaababka ay u shaqeeyaan Bangiyada Isagoo Mudo aad u Dheer oo ku Siman tan Iyo Xiligii Ingiriiska ka soo Shaqaynayay Hawlaha Bangiyada Sidoo kale Wuxuu Cali Xasan Faarax aasaasay Wershad Samaysa Tamaashiirta. Cali Xasan Faarax […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Taliska Nabad Sugidda Somaliya Oo Shaqadii Ka Ceydhiyay 1500 Askar Iyo Saraakiil Isugu Jira & Asbaabaha Keenay

Muqdisho 04, October 2016 (SDN/QJ):-Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Cabdulahi Gaafow ayaa la sheegay in shaqadii ka joojiyay ilaa iyo 1,500 oo ruux isagu jirta askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya. Saraakiisha Shaqada laga ceyriyey ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Hay’adda Nabad Sugida ee Gobolka Banaadir C/xakiin farey iyo Saraakiil […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Fannaanada Codka Macaan Ee Aamina Faarax Wabar (Aamina-Gacanla) Oo Wareysi Dhinacyo Baddan Taabanaya La La Yeeshay DHAGAYSO

Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Fanaanada Codka Macaan Aamina Faarax Wabar (Aamina-Gacanla) ayaa waxa la la yeeshay Wareysi aad u xiisa baddan, oo ay kaga hadlayso xiligii ay Fanka ku soo biirtay, heesaha qaraanimada ee ay qaado noocyadooda kala duwan iyo arrimo kale. Fanaanadan Aamin-Gacanla oo ku sugan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, HALKAN HOOSE KA DAAWO

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Sax Ma Aha In Mar Kale SNM Magaceeda Laga Dhigto Maqaarsaar Lagu Galo Ololeyaal Doorasho.”.Agaasimaha Guud ee Star Tv Maxamed Baashe X.Xasan

Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Agaasimaha Talefeeshanka Star Tv ee laga lee yahay Somaliland Md.Maxamed Baashe X.Xasan, ayaa si cad u weeraray dadka dugsada magaca  ururkii dhaqdhaqaaqa xornimo doonimada umadda Soomaaliyeed ee SNM, waxaana uu ka digey in laga dhigto magac maqaarsaar ah oo lagu galo ololeyaal Doorasho isaga oo tilmaamay in umaddani ay si qaran […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada Itoobiya oo Sadex Cisho oo Baroordiiq Qaran ah ku Maamuustay Dadkii Ku Naf waayay Goob lagu Cibaadaysto oo ku Taala Gobolka Oromiya

Addis Ababa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor-diiq qaran ah ka dib markii 52 qof ay ku dhinteen Is Jiidh ka dhacay goob lagu cibaadeysanayay oo ku taalla gobolka Oromiya, Axaddii Doraad. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa eedda, dadkii ku dhintay Is Jiidhkaasi ka dhacday gobolka Oromiya, dusha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »