‘’Labada Wasiir ee Duulista Iyo Hawlaha Guud waxaan leeyahay heshiiya, oo halkaas khilaafka ku damiya, waxaana leeyahay arintaas yaan dib loo maqlin, oo halkaas ha lagu damiyo, Diyaaradana shaqo kuma laha Cali’’ Wasiirka Gaashaandhiga

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka digay wax walba oo dhib ku ah dibna u dhigi kara Doorashada Madaxtooyada iyo Dimuqraadiyada Somaliland, waxaanu si gaar ah uga hadlay khilaafkii Golaha Wakiilada ee la xaliyey, isagoo sheegay inuu si gaar ah ugu mahadnaqayo cidii khilaafkan xalisay. Wasiirka Gaashandhiga…

Read More

Ururka Rayislayaasha amase Timo Jarayaasha Somaliland oo Cabasho Xoogan ka Muujiyey Ajaaniib Shaqooyinkoodii La Wareegtay & Digniin adag oo Gudoomiyaha Ururkaasi Diray DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Ururka Rayislayaasha ama Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa sheegay inay dalka ku soo badanayaan dadka ajaanibka ah ee Timo-jarayaasha, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato, oo ay kaga dhabayso balan-qaadkeena ah inay muhiimadda kowaad siinayso dadka muwaadiinta ah. Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa…

Read More

Shirkada Flydubai oo Markii Kowaad Ka Hadashay Dhacdadii Madaarka Cigaal ee Hargaysa ee lagaga reebay Haweenay iyo Ilme yar oo ay Dhashay Diyaaradood oo Dood badan dhalisay

Dubai 31. August 2017 (SDN/QJ):- Shirkadda flydubai ee duulimaadyada ku timaada garoonka Cigaal ee Hargeysa ayaa ka hadashay dhacdo jimcihii toddobaadkan ka dhacday madaarka Hargeysa  oo diyaaradda lagaga reebay gabadh reer Somaliland ah oo Ingiriiska ku sii jeeday taas oo sababtay muran iyo doodo badan. Warsaxaafadeed ay shirkadu soo saartay waxay ku sheegtay in ahmiyada…

Read More

Ahmiyada ay Diinta Islaamku Siisay Maalinta Cashuura oo Maanta Ku Beegan DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Nabigeena Suuban Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee, wuxuu inuu jeediyey oo Sunno nooga yeelay inaan Soono maalmo aan ahayn Bisha Radaman. Waxaa maalmahaas ka mid ah Maalinta Cashuura. Hadaba Maalinta Caashuuraa aan ka barano Saxaabigii Waynaa ee Mucaawiyah Binu Abi Sufyaan Ilaahay Raali haka noqdee. Wuxuu Yiri Mucaawiye:  …

Read More

Xukuumadda oo La Sheegay inay Xaraashtay Xaruntii Baanka Ganacsiga Ee Somaliland & Ciidanka Booliska oo Hawlgal ka Fuliyey Meheradihii Iyo Gaadiidkii La Hordhigi Jiray

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa hawlgal ka fuliyay Xarunta Dhismaha Baanka Ganacsiga Somaliland ee Magaaladda Hargeysa, Waxa ay xoog uga dhaqaajiyeen Gaadiid badan oo ku hor adeegan jiray baanka hortiisa iyo Meherado ganacsi oo yar yar kuwa shaaha laga cabo ah oo sanadii u dambeeyay ku shaqayn jiray…

Read More

“Tartankii Guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilladu Waxay Ku Tusaysaa, In Isaaqii Hunguriga weynaa Dib u Joogsaday..” Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Ahmiyadda ay leedahay in Qofka bani-aadamka ahi uu noqdo Xalaal Miirad ama uu ku noolaado Arsaaqad Xalaal ah isla-markaana uu Ubadkiisa iyo Ehelkiisa kala cararro wixii Xaaraan ah. Musharraxa Xisbiga UCID  ayaa ka warramay in Xilligii Dawladdii…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo La Sheegay inuu Ka Dhego adaygay Dalab uga Yimid Itoobiya oo rabtay in lagu soo wareejiyo Hogaamiye ONLF ah iyo Warbaahinta Itoobiya oo si weyn wax uga qortay

Muqdisho 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidey in magaalada Muqdisho laga ka xeeyo ,Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo la sheegay inuu ka mid yahay saraakiisha ururka ONLF. Ciidamo ka tirsan nabadsugidda federaalka ayaa toddobadkii hore ka soo saarey sarkaalkan xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo,waxaanna hadda la xaqiijiyay in lugu…

Read More

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani & Siyaasi Xasan Codyare oo Tooshka ku Ifiyey Arrimo Muhiim ah oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Indhaha Ka Lalinayso

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde iyo Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa dhaliilo culus u  jeediyey Xukuumadda, waxayna ka hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sicir bararka taagan, qiimaha sarifka ee kacsan, khilaafkii Golaha Wakiilada ee la xalliyey, Doorashada Guddoomiye ku…

Read More

“Haddii Jowhar la qabsaday Beladweyne ayaan ku shaqeynayaa, Waxaa Dawlada aan Hogaamiyo Cagaha hayay Raysal Wasaare Khayre Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Wakhti iga Lumiyey” Madaxweynihii Xilka Laga Qaaday ee Hirshabeele Cali C/llaahi Cosoble DAAWO

Beledweyne 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markale ku eedeeyay dowlada federaalka inay dooneyso burburinta Maamulkaas. Cali Cabdullaahi Cosoble oo gaaray magaalada Beled-weyne ayaa Saxaafada u sheegay inaysan ka jirin cadaalad magaalada Muqdisho ayna dowlada federaalka ka shaqeyneyso sidii ay u burburin lahayd dowlad goboleedyada….

Read More

Haweeney Ka Soo Jeeda Qaarada Africa oo Laba Dal ka Noqotay Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Talinayaa u Dhaxday!!!

Johannesburg 31. August 2017 (SDN/QJ):- Graça Simbine waxaa ay dhalatay 17 cisho kadib geeridii aabaheed, waa qofka ugu yar qoys ka koobnaa 6 caruur ah, waxaa ay ku dhalatay gobalka Gaza ee dalkii la oran jiray Portuguese East Africa kaas oo casrigaan loo yaqaano Mozambique, waxey ka mid aheyd ardeydii ka faa’iideysatay nidaamkii hormarinta school-adda…

Read More

Marwada Kowaad ee Gobolka Maine ee Dalka Maraykanka oo Mudalab ka ah Hudheel iyo Sababta ku Keliftay oo ay ka Warantay

Maine 31. August 2017 (SDN/QJ):- Xaaska guddoomiyaha gobalka Maine oo ah gobalka cidhifka woqooyi-bari ugu xiga dalka Maraykanka ayaa ku shaqaysata mudalabnimo, laakiin dad badan ayaa ay arrintani ku abuurtay faduulnimo ay doonayaan in ay ku ogaadaan waxa marwada koowaad ee gobalka ku kallifay shaqadan hoose. Marwo Ann LePage waxa ay ka shaqaysaa hudheel cunto…

Read More

Duqaymihii Isbahaysiga Maraykanka ee Suuriya oo Hakad Geliyey Cutubyo ka tirsan Kooxda Daacish oo u Soo Gudbay Xuduuda Suuriya

Dimishiq 31. August 2017 (SDN/QJ):- Weeraro dhanka cirka ah oo ay qaadeen Ciidamada isbaahaysiga caalamiga ah ee Maraykanku hogaamiyo ee ka dagaalamaya suuriya iyo ciraaq ayaa hakad geliyey socodkii ay cutubyo ka tirsan ciidamada ururka daacish ugu soo gudbayeen dhanka dalka suuriya, ka dib guuldaradii ka soo gaadhay dagaalkii ay kaga jireen gudaha dalka Lubnaan….

Read More

Madaxweyne Donald Trump oo Cadeeyay in Maraykanku Mudo Ku Siman Rubuc Qarni u Dulqaadanayay Kuuriyadda Waqooyi & In wada hadal lagu dhameeyo Xiisada u dhaxaysa labada dal oo uu ku sifeeyay mid aan Xal keenayn

Washington 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka maraykanka Donald Trump ayaa iska fogeeyey wadahadal diblumaasiyadeed oo lala galo Kuuriyada waqooyi, waxana uu sheegay in aanay wadahadalo la galaa xal u ahayn xaalada taagan. Hadalka Madaweynaha Maraykankuna waxa uu ku soo beegmay kadib markii ay kuuriya gantaal kuwa balaastikada ah dulmarisay dalka japan. Madaxweyne Trump ayaa…

Read More

Sababta Daaqadaha Diyaarada aan Loogu Beegin Kursigu lama Xidhiidho Badqabka Rakaabka Iyo Quruxda Diyaarada

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Maalin kasta adduunyada waxaa isaga goosha ku dhowaad 102 kun iyo 464 duulimaadyo ganacsi ah, taas oo tirada dadka sannad kasta safar cirka ah gala ka dhigaysa Afar Bilyan oo ruux. Haddii si kale aynu u dhigno celcelis ahaan dadka safarrada cirka ah galaa waxa ay u dhigmaan in ka…

Read More

Jid ku Yaala Magaaladda Minneapolis ee Cariga Maraykanka oo Loogu Magac daray Nin Soomaaliyeed

Minneapolis 31. August 2017 (SDN/QJ):- Waddo kutaala Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa loogu magacdaray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Mareykanka xil looga doorto. Munaasabad lagu dhagax dhigayay Waddadan loogu magac daray Xuseen Samatar waxaa kasoo qeyb galay duqa Minnepolis Betsy Hodges, Duqii hore ee magaalada…

Read More

Sadex Boqol oo Muhaajiriin ah oo ay soo badbaaadiyeen Ciidanka Xeebaha Liibiya

Tribal 31. August 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa soo badbaadiyey shalay in ka badan Saddex boqol oo qof oo muhaajiriin sharci darro  ah kuwaasi ku cadilaa biyaha badda ee ku beegan Galbeedka Caasimadda Dalkaasi kuwaasi oo beegsanayey inay dalalka yurub u Gudbaan.. Afhayeenka ciidanka ilaalada Xeebaha dalka Liibiya wuxuu sheegay in ay…

Read More

Qoys Gurigooda Ku Xanaaneeya Duur-joogta Ugaadhsiga Ku Dhiban !!

Delhi 31. August 2017 (SDN/QJ):-Xarunta Animal Ark waa goob gaar loogu xanaaneeyo duur-joogta Maharashtra ee dalka Hindiya taas oo qaabisha xayawaannada aqoontoobay lana ugaarsaday waalidiintii dhalay. Waxaa dhisay mid kamid ah dhaqaatiirta xaafadda kaas oo fahmay lagama haraanka ugaarsiga, hayeeshe aan haddana oggolaanin in ilmaha yar ay macluul iyo agoonnimo u dhintaan. Maalin, waqtigii 70-meeyada,…

Read More