“Somaliland uma baahna Maamul u sameyn ee waxay u baahan tahay wada xajaood dhab ah’’ Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Doorashada Somalia u Taagan oo Jawaab siiyey Xasan Sheekh

Muqdisho 24.October 2016 (SDN/QJ):-  Musharraxa u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2016 C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa naqdiyay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ku saabsanaa in dhismaha maamulada Federaalka ay ka hartay Gobolada Waqooyi ama Somaliland.   Khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay Xafladii caleema saarka ee Maamulka cusub ee Hirshabeelle…

Read More

“Gobollada Woqooyi waa Gobollo Somaliyed oo Dalka Somalia kamid ah” Madaxweyne Xasan Sheekh DAAWO

Muqdisho 24.October 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu maamulo ka dhisaayo deegaanada Somaliland, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday wada-hadallada dowladaha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay midnimo ka gaadhi doonaan. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay in ay qirsanyihiin in gobollada Somaliland ay dhibaato gaadhsiisay…

Read More

Ceerigaabo Oo Laga Helay Meydadka Laba Qof Oo Midkood Ahaa Wiil Sannadkan Dhammeeyay Fasalka Afraad Ee Dugsiga Sare

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Waxa Shalay Duleedka Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag laga helay Meydka Nin loo maleynayo in Dilay, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag. Meydkan oo noqonaya kii labaa dee Magaalada Ceerigaabo laga helo dhowr maalmood gudahood, ayaa waxa Ciidammada Booliisku ka soo qaadeen halkii laga helay, waxayna dhigeen Cisbitaalka…

Read More

Guddoomiyeyaasha Gobolada Somaliland Ee Xisbiga WADDANI Oo Dhammaalo Hambalyo Ah U Dirray Hoggaanka Cusub Iyo Musharaxiinta Xisbiga WADDANI Iyo Fariinta Ay U Direen Seed DAAWO

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Xili Doraad Lagu Kala Calaf qaaday Doorashada Murashixiinta Madaxtinimo ee Xisbiga Waddani oo ay Ku Kala Guulaysteen Murashaxa Madaxweyne Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Ku Xigeenkiisa Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Waxaa Taageero u Muujiyey Gudoomiyeyaasha Xisbiga Waddani ee Gobolada Dalka. https://www.youtube.com/watch?v=MHhm_KG0QoU

Read More

Koontiinarro  Laga Shakiyay Oo Lagu Baadhey Dekedda Berbera & Waxyaabaha la sheegay in lagu soo Dhex Qariyey

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mida Koontiinaro uu siday Markabka  ay leedahay Shirkada MSC ayaa maalintii Khamiistii ee Toddobadkii hore lagu baadhay dekadda Magaalada Berbera. Koontiinaradan oo laga soo qaaday dalka Jabuuti,  balse markii Hore ka yimid dalka Hindiya ayaa waxaa mid ka mid Koontiinaradii markabkaasi Dajiyay looga shakiyay inay ku jirto Maado Budo…

Read More

Wasiir Ku Xigeenka Caddaalada Somaliland oo Ka Hadlay Sababta Xukuumada ku dhalisay inay Wada hadal la Furto Kooxda Khaatumo DAAWO

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Mudane Yuusuf Axmed Faarax oo u Waramayay Warbaahinta Dawlada ayaa Sheegay in Sababta Keentay in Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ay ka qabsoonto Gobolka Sool ay ku qotonto Mashaariicda Horumarineed ee Xukuumadu Gobolada bari ka fulisay.

Read More

Xulka Gobolka Saaxil u Metelaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada Dalka oo Qabanqaabadii u danbaysay Ku Jira DAAWO

Berbera 24.October 2016 (SDN/QJ):- Xulka Gobolka Saaxil uga qayb qaadanaya Rubuc dhamaadka Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ayaa Mudooyinkii u danbeeyay Ku Guda Jiray Sidii ay Guul Taariikhi ah uga soo hoyn lahaayeen Tartankaas oo Maalmaha soo Socda ka furmi doono Garoonka Hargaysa Stadium . https://www.youtube.com/watch?v=VGt6clC76oU&feature=youtu.be

Read More

Muuqaal Sirtii Ka Dambaysay Weerarkii 11 September Iyo Wariye Yusru Fuuda – Q:2aad DAAWO

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):-Waxay aheyd saacadda xiliga Emaaraatka (Dubai) 12:25 daqiiqo markii diyaarad siday Usaama Bin laadin ay soo caga dhigatay garoonka Caalamiga ah ee Dubai, diyaaradaasi oo doonaysay in halkaasi ay shidaal kasii qaadato. Laakiin waxaa la yaab noqotay!, nin lagu sheegay in madaxiisa la dul dhigay malaayiin adduun ah (Doller) si ula kac…

Read More

Turkiga oo Gaadiid Basas ah oo Xabadu Karin Ugu Deeqay Taliska Ciidanka Asluubta Somalia SAWIRO

Muqdisho 24.October 2016 (SDN/QJ):-Dowladda Turkiga ayaa Gawaari nooca Basaska ah oo aan rasaasta Karin ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe), oo ay wehliyeen Howlwadeeno Safaaradda ka tirsan ayaa ku wareejiyay gawaaradaasi Basaska ah oo tiradooda ay tahay Labo ayaa waxaa loogu talogalay in…

Read More

Axmed Muumin Seed oo Shaaciyey inay Maxkamad ku kala Calaf-qaadayaan Gudoomiye Cirro & Jawaabaha Musharrixiinta la Doortay

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):-  Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ahaana Musharrax u tagaan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbigaas oo doraad loo doortay Dr. Maxamed Cali oo ahaa Musharraxa labaad ee jagadaas u taagan, ayaa caddaalad-darro ku tilmaamay qaabka doorashadu u dhacday. Hase-yeeshee, waxa iyaguna dhankooda ka hadlay Cabdiraxmaan-Cirro iyo Maxamed Cali oo…

Read More

Hal Qof Oo Laascaanood Ugu Dhintay Dab Koronto Oo Qabsaday Wakhti Roobab Ka Da’ayeen Magaalada

Laascaanood 24.October 2016 (SDN/QJ):-Hal qof ayaa ku Geeriyooday roob lixaad leh oo ka da’ay Degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kaddib markii uu qabsaday xarig koronto oo kasoo go’ay baallihii uu ku xidhnaa. Madaxa Farsamada Shirkada Korontada LESCO, Axmed Xirsi, ayaa sheegay in shirkaddiisu aysan sabab u ahayn shilkii dhacay, uuna ka yimid shirkad labaad…

Read More

Maraykanka oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay u Socdaalaan Dalka Itoobiya oo Mudooyinkanba Xaaladiisu Baaxaadagayso

Washington 24.October 2016 (SDN/QJ):-Dawladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Itoobiya oo qalalaaso iyo kacdoono lagaga soo horjeedo dawladda ay ka socdaan. War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka aanay u safrin Itoobiya iyo magaalooyinka ay rabshadaha ka socdaan. Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay dadka…

Read More

“Cirro-Oy, Annagu Xorbaanu Nahay, Caaddo Qaateyaalna Manihin Ee Bal Aan Aragno Halka Ay Kula Gaadho Beenta Aad Aaminsan Tahay” Eng Daa’ud Warsame Ijaara

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Eng. Daa’uud Abiib Axmed Ijaara, oo ka tirsaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa gebi ahaanba iska casilay xilkii uu ka hayay iyo ka tirsanaanshihii xisbiga Waddani. Xildhibaan hore Eng. Daa’uud oo ka mid ahaa xubnaha ugu codka iyo miisaanka badnaa gobolka Gabiley ayaa iscasilaadiisan ku sabbabeeyay musuq maasuq iyo caddaalad…

Read More

Wasiirka Soogalootiga ee Norway Oo Ugu Baaqday Muslimiinta Norway In Ay Cunaan Qaansiirka, Khamrigana Cabbaan

Oslo 24.October 2016 (SDN/QJ):-  Qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga wasiiradda soogalootiga iyo isdhexgalka bulshada ee dalka Norway Sylvi Listhaug ayaa waxaa uu dhaliyay hadalhayn caalamka ah kaddib markii ay ugu baaqday dadka soo galootiga ah, gaar ahaan muslimiinta in ay cunaan qaansiirka, khamrigana cabaan.   Wasiiraddan oo ah tan ugu afka dheer dowladda wadaagga…

Read More

Xisbiga UCID Oo Cayimay Wakhtiga Uu Qabsoomayo Shirwaynaha Ahayn Ee Xisbigaasi & Xubin Gudoomiye Faysal ku Celiyey Garabka Jamaal si ay u soo Bedelaan DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Ku Xigeenka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID C/naasir Yuusuf Cismaan (Qodax),  oo maaanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa iclaamiyay wakhtiga uu qabsoomayo Shirwaynaha aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID, Waxaanu sheegay in uu Shirwaynuhu dhici Doono 2/11/2016 . Sidoo kale waxaa Garabkii Xisbiga UDUB dib loogu celiyay, xubin ay…

Read More